Waa sheeko lagu cibraqaadan karo oo tilmaamayso guurka lagu guulaysto.
Marka
hore waxaad ogaataa guurka inuu yahay raaxo. Lamaanaha raaxada isku fahma wax
badan ayay isku fahmaan.
Markay
isku dookh yihiin gaar ahaan xagga raaxada sariirta waaba midda ugu macaan
badan.
Toos
aan u galno sheekada:
Waxaa
jiray nin dhallinyaro ah oo la odhan jiray Khadar iyo gabadh la odhan jiray Sacdiya.
Markii ugu horreysay ay is arkeen, ma ahayn mid jacayl la keenay, balse waxay
dareemeen in qalbigoodu isku dhow yahay. Khadar wuxuu ahaa nin xasilloon oo
deggan, shaqo fiican ka shaqeeya, oo dadka jecel. Sacdiyana waxay ahayd gabadh
edeb leh, caqli badan, oo qoyskeeda iyo diinteeda ixtiraamta.
Guurkoodii
wuxuu ku bilaabmay niyadda wanaagsan iyo tashiga qoysaska. Muddo yar kaddib,
waxay noqdeen lamaane wada nool. Sannadkii koowaad, waxay ogaadeen in jacaylku
uu yahay wax ka weyn dareenka qalbiga. Waxay barteen in jacaylku yahay dulqaad,
iyo in lays cafiyo.
Mararka
qaarkood waxaa dhacay khilaafyo yaryar. Khadar wuxuu jeclaa inuu wax badan iska
ammaano, halka Sacdiya ay jeclayd in wax walba si cad looga hadlo. Laakiin
waxay ballan qaadeen inaysan weligood iska cadhoobin isla markaas, balse waxay
qorsheeyeen inay is qaboojiyaan ka hor intaanay hadlin. Khadar wuxuu yidhi:
"Saddexdii jeer ee ugu horreysay ee aan xanaaqo, ha ii jawaabin." Sacdiya
way qososhay, wayna oggolaatay.
Markii
ay dhibaato ku timid – dhaqaale yari, xanuun, ama qalalaase qoys – waxay isugu
tageen sidii laba geesood oo midaysan. Khadar wuu maqli jiray, Sacdiyana waxay
ku dhiirran jirtay in la wada hadlo. Immisa sano kadib, waxay dhaleen carruur.
Carruurtu ma aysan maqal qaylo iyo dirir, waxayna koreen iyagoo arkaya nabadda
guurka.
Khadar
iyo Sacdiya waxay garwaaqsadeen in guulaha guurka aysan ku jirin hanti ama
qurux, laakiin ay ku jirto siday isula dhaqmaan maalin kasta. Sacdiya waxay
tidhi: "Ninkaygu uma baahna inuu i siiyo dunida oo dhan, waxaan u
baahanahay inuu i ixtiraamo oo igu dhiirrigeliyo nolosha." Khadar wuxuu
yiri: "Sacdiya waa jacaylkayga dhabta ah mana jecli inay dhibaato soo
gaarto la’aanteedana ma hurdi karo.
Waa
qofta aan nafteyda siiyay, waxay iga dherjisay raaxo iyo jacayl.
Raaxada
aan u baahanahay indhahayga ayay ka akhrisataa.
Guurkoodu
wuxuu ahaa mid nool ilaa geeridu ay kala qaadday. Carruurtoodii weynaatay,
waxay yiraahdeen: "Anagu waxaan ku soo kornay jacayl nadiif ah."
Guurkii Khadar iyo Sacdiya wuxuu noqday tusaale ay ku faanaan tuulo iyo
magaalo.
Qodobbada
guusha: Dulqaad, wada hadal, is ixtiraam, qosol, iyo in laga shaqeeyo guurka
sidii beer la wada jecel yahay.
Haddaba
jacaylka lamaanaha waa shidaalka guriga ku soconayo, ninka iyo naagta markay is
guursadaan dhexdooda waa lasoo galayaa. Dad badan ayaa xaasid ku noqonaya.
Waxaa ka mid ah dadkaas qaraabada.
Marka
labadooda waxaa looga baahan yahay inay is fahmaan oo ay isku aragti noqdaan.
Kuna dadaalaan inay noqdaan dad dulqaad badan oo aan la siri karin.
Guryaha
inta badan waxaa dumiya dadka adiga kuu dhow oo raba inay ogaadaan sirtaada.
Markaas waxay u adeegsanayaan burburinta qoyska.
Taasna
naagaha ayaa ugu haysta, naagaha waaweyn oo deriska ama qaraabada ah. ma arki
karaan lamaane oo is jecel oo isku kalsoon oo farxad ku nool.
Haddii
aad rabto guur toosan ka ilaali xaaskaaga saaxiibada dumarka xunxun.
Waayo
naagahaas ayaa sabab u noqonaya guriga inuu burburo marka ay soo dhexgalaan
afaaraha qoyska.
Gaar
ahaan waxyaalaha sirta ah.
Marka
adiga waligaa arrimahaan oo kale ma aragtay lamaane aad isugu kalsoon.
Haddii
ay jiraan noosoo qor adigoo ku mahadsan.
