Tabardarida soo wajahda dumarka xiliga galmada

Tabardarida soo wajahda dumarka xiliga galmada ayaa waxaa lagu qeexa dhibaato soo wajahda xiliga isu taga jinsiga taas oo alaaba lala xiriiriyo qanaaco la’aan kadhalata isu taga.

Tusaale ahaan culimada amaba dhaqaatiirta jinsiga ayaa waxey sheegaan in illaa 4 heer uu maro isu taga jinsiga taas oo ah, dareemid raaxo marka hore, u bislaasho galmo, kacsi, iyo weliba raali ahaanshiya imaato kadib marka ay dhammaato howsha isu taga taas oo qof walba 2da lamaane ay dareemayaan in ay gareen meel ay u wada hanqaltagayeen oo ah in mid walba uu qanciyay midka kale.

Cilmi baaris lasameeyay ayaa waxey soo jeedisay 43% dumarka iyo 31% ragga in ay so wajahaan culeysyo kaheysta xagga jinsiga, mowducaan ayaa ah mid inta badan dadka ay nacebyihiin in laga hadlo lakiin nasiib wanaag keysaska inta badan ee cuduradaan ayaa ah mid si fudud loo daweyn karo sidaas darteed ayaa waxaa muhim ah in aad lasameysid wada tashi lamaanahaada iyo dhaqtarka cafimaadkaada.

 Hadaba maxaa sababa dhibaatooyinkaan?

Asbaabaha sabab cudurkaan ayaa waxaa la’aminsanyahay in ay yihiin laba sabab oo kala ah 1- asbaabo ah fisikaal ( physical causes ) 2- asbaabo ah wal wal laxiriira saykoloji (psychological causes).

1. asbaabaha fisikaalka ah ( physical causes) sababahaan ayaa ah mid laxiriirta cafimaad iyadoo ay jiraan cuduro si toos ah loola xiriiriyo in ay sabab u yihiin in haweyneydu uu kudhacao cudurkaan tabardaridi xagga galamada iyadoo cuduradaasna ay yihiin sida cudurka kaadi macaanka amaba sokorowga (diabetes) cudurada kudhaca wadnaha ( heart diseases), cudurada kudhaca neerfaha (neurological diseases), isu dheelitir la’aanta  hormoonada (hormonal imbalances),cudurada karoonikada ah sida cudurka fashilka kilyaha (kidney failure), iyo cudurka kale ee fashilka beerka ( liver failure ), cabida xad dhaafka ah ee alkolada amaba khamriga, isticmaalka daroogooyinka iyo weliba dhibaato dhinaceedka ay leyihiin qaar katirsan dawooyinka sida (antidepressant drugs) kuwaas oo loo isticmaalo daweynta dadka qaba walaaca ama shooga, dhammaan asbabahaan ay waxey dhaliyaan hoos u dhac kuyimaada damaca xagga galmada.

2. asbaabaha saykolojiga amaba laxiriira dhimirka ayaa isugu jira asbaabo laxiriira daalka amaba istareeska walaac ( anxiety), walaac ay kaqabto haweneydu  galmada, dhibaatooyin xagga xiriirka u dhaxeeya labada qof , welwelka xad dhaafka ah , dareemid ah in haweyneydu dareento eednaan, amaba welwel kudhacay haweeneyda isu tag galma hore oo ay cabsina ay kaqabto galmada.



Yuu kudhaca dhibaatooyinka tabardarida galma?
Guud ahaan rag iyo dumarba wuu kudhici kara wuxuuna kudhaca dhamman labada jinsiba da’ kasta badanaana wuxuu kudhaca dadka qaangaarka ah ee cafimaad ahaana aan aheyn kuwo aad u cafimaad qaba oo nafaqa ahaana aan aad u nafaqysneen.

Sidee u sameeysa tabardarida galmada dumarka?


Dhibaatooyinka ugu caansan ee illa hadda la ogyahay ee laxiriira tabardarada galmada dumarka ayaa ah.

1. awood la’aanta xagga rabida galmada  arimahaan ayaa iyagu waxaa lala xiriiriya la’aanta in ay haweneydu rabitaankeeda xagga galmada uu hoseeyo oo aysana wax han ah u heynin galmada waxaana la’aminsanyahay in cunsuro badan ay taa ugu wacanyihiin sida isbedelka hormoonada, xaaladaha caafimaadka iyo daweyn laga soo daweeyay cudurka kansarka iyadoo doweyntaasna loo maray kiimiko (chemotherapy), sidoo kale welwelka kaheysta haweeneyda ficiladeeda ayaa iyana qeyb kaqaata waxaa kale oo iyana door kuleh habka isku xiga galmada iyo wareegyada galmada  tani ayaa iyana waxaa la’aminsanyahay in ay kaqeyb qaadato rabitaan la’aanta galmada , iyo ugu danbeyn qaabka nolosha haweneyda.

2. awood la’aanta in ay si wanaagsan u dareemto amaba u kacsato (inability to become aroused), dareemid la’aanta haweneyda xiliga galmada ayaa allaaba waxaa lala xiriiriya yarida qoyaanka xubinta tarenkeeda ( vaginal lubrications) sidoo kale waxaa si toos ah loola xiririya walaaca iyo weliba in aysan haweneyda aysan u istimtaacin si kufilan, baarayaasha cudurada galmada ayaa waxaa kale oo ay  kuhowlanyihiin sidii ay u ogaan lahayeen sameynta uu kuleeyahay qulqulka dhiiga xubinta taranka dumarka iyo kintirka  iyo sida uu uga qeyb qaato dhibaatooyinka kaheysta haweenka kacsiga.

3. xanuun kaqabsada xubinta taranka haweenka xiliga galmad (painful during intercourse) xanuunadaan dhaca xiliga galmada ayaa waxaa sababa dhibaatooyin fara badan oo ay kamid yihiin infakshanka xubinta taranka haweenka, cufnaanta amaba mugga  berkada xubinta taranka haweenka ( pelvic mass), cudurada lagu kala qaado galmada (STD) iyo xaalad lagu magacaabo (viginismus) taas oo ah xanuun iyo xafaf kasoo wajaha haweenka murqaha kuxeeran afaafka hore ee ilinka amaba albaabka hore ee xubinta taranka haweenka wuxuuna kudhaca haweenka badana kabaqda isliska 2da xubnood ee taranka dumarka iyo ragga.

Qore:- Abdisalan .H. Da’ud
Previous Post Next Post