Kulan looga hadlayay wacyigalinta gudniinka fircooniga

Garowe (RBC):-Kulan looga hadlayay wacyigalinta gudniinka fircooniga ah ayaa galabtay lagu qabtay Hoolka Laybareeriga Garowe, Barnaamijkan gudniinka Fircooniga looga hadlayay ayaa waxaa soo qaban qaabisay Hay’ada Tostan International.


Barnaamijkan wacyigalinta waxaa kasoo qaybgalay 14 xarumood oo ku yaala Gobalka Nugaal, waxaana joogay gudiyada xarumahaas oo ka kala yimid degmooyin iyo tuulooyin ka tirsan Gobalka Nugaal, waxaana barnaamijkan waday Hay’ada Tostan International.


Kulankan ayaana waxaa joogay dad faro badan oo haween iyo rag isugu jiray Degmooyinka iyo Tuulooyinka ka kala yimid, waxaana sidoo kale joogay Masuuliyiinta Hay’ada Tostan International Sida Xiriiriyaha Hay’ada ee Soomaaliya Cumar Nam,kuxigeenkiisa Maxamed Cabdi Adan iyo Gudoomiyaha Hay’ada Tostan International ee Puntland Sacdiyo Shiikh Xaamud.


Gudoomiyaha Hay’ada ee Puntland Sacdiyo Shiikh ayaana dadkii kasoo qaybgalay waxay uga mahadcalisay sida ay uga soo qaybgaleen kulankan iyo waqtiga ay u soo hureen, waxay sido kale mahad u celisay Gudiyadii barnaamijka Gudniinka fircooniga Hay’ada Tostan International kala qaybqaatey ee Degmooyinka iyo Tuulooyinka Gobalka Nugaal ka kala yimid, waxayna Sacdiyo sheegtay in hay’adu barnaamijyo badan ka qabto gobalka Nugaal.

dscn2367


Sacdiyo waxay sheegtay in Hay’ada Tostan International ay Puntland Barnaamijkan ka bilawday Sanadii 2006-dii, muddo saddex sano ahna ay waday wacyigalinta Gudniinka Fircooniga ah, waxayna hay’adu sheegtay in Gobalada Puntland oo idil ay ka hawlgali doonto sanadka cusub ee 2010-ka.

dscn2364


Hay’adu waxay intaas ku dadhay in barnaamijkan iyo kuwo kaleba ay ka qabato Gobalkan Nugaal iyadoo hay’adu sidoo kale dhinac waxbarashada haweenkana ay qayb ka qaadato gaar ahaana haweenka aan wacba qorin, haddana ay hay’adu ku guulaysatay inay haween badan oo aan waxba qorin jirin ay ka faa’idaystaan waxbarashada ay hay’adan bixiso.


dscn2356

Xaawo Maxamed Cismaan oo ka mid ahayd haweenkii kasoo qayb galay kulankan kana timid degmada Buurtinle ee Gobalka Nugaal ayaa waxay sheegtay in barnaamijkan gudniinka fircooniga ah ay hay’ada kala shaqeynayeen , deegaanka buurtinlana ay ka wacyi galiyeen bulshada sidi loo joojin lahaa gudniinka fircooniga ah, waxayna sheegtay in gudniinka fircooniga ah uu hadda ku dhaw yahay in uu dabar go’ oo ay dadku joojiyaan, waxayna sheegtay in hay’ada TOSTAN International ay ka caawisay bulshada Buurtinle wacyigalintiisa.


dscn2358

Dhibaatooyinka qabsaday intii ay barnaamijkan ku jireen ayaan Xaawo Maxamed waydiinay, waxayna sheegtay in aysan dadku markii hore fahansanayn barnaamijkeena laakiin ay ka caawiyeen Culimada Diinta oo iyaguna qayb lixaad leh ka qaatey sida ay sheegtay, kuwaas oo bulshada ka dhaadhiciyay in uusan banaanayn gudniinka fircooniga ah.


dscn2357

Shiikh Sacad Xaaji Faarax oo ka mid ah Culimada Gobalka Nugaal kana Yimid deegaanka Beley oo ka tirsan Gobalka Nugaal oo aan isagana wax ka waydiinay waxa ay diinta ka qabto gudniinka fircooniga ah ayaa waxaa uu sheegay in gudniinka fircooniga ah laga soo minguurshey faraaciintii uuna yahay wax aan banaanayn oo diinta islaamka xaaraan ku ah.


dscn2356

Shiikh Sacad waxaa uu sheegay in deegaanka Beley looga dhaqmin deegaanka Beley isagoo intaa ku daray in Beley ay jirtey 70 sano dadkuna ay ku dhaqmaan sunaha, sidoo kale shiikhu waxaa uu sheegay in deegaano badan oo gobalka Nugaal ka mid ah ay ka wacyi galiyeen dadkan ay u sheegeen in gudniinka fircooniga ah uusan ku banaanayn deegaanka Beley.


Kulankan looga hadlayay Gudniinka Fircooniga ah ayaa ahaa mid si heersare ah loo soo agaasimay waxaana soo xiray masuuliyiinta hay’ada TOSTAN INTERNATIONAL, Gudoomiyaha Hay’ada TOSTAN INTERNATIONAL ee Puntland Sacdiyo Shiikh Xaamud ayaana gabagabdii barnaamijka waxay dadweynaha u sheegtay in barito uu jiro barnaamij bandhig ah kaasi oo ka dhacaya Garoonka kubada cagta ee Mire Awaare, waxaana kasoo qaybagalaya Masuuliyiin ka tirsan Dawlada Puntland,Hay’adaha Caalamiga ah iyo dadweynaha reer Garowe iyo kuwa degmooyinka ka yimid, waxaaa gudiyadii kasoo qaybagalay kulankan ee degmooyinka iyo Tuulooyinka ka yimid loo qaybshay Funaanado iyo boorar wacyi galin muujinaya kuwaas oo ay soo qaadan doonaan maalinta barito ee 5-ta October oo Bandhiga weyn ka dhici doono Garoonka Mire Awaare ee Caasimada Puntland.


Abdulkadir Warsame Yuusuf

RBC Radio,Garowe

1 Comments

  1. Anonymous2/04/2011

    anagaa balaayo aragney!!!! oo naagtu hadey i gancin waydo..sideen idhaa

    ReplyDelete
Post a Comment
Previous Post Next Post