Caanaha hooyadu waxa ay wiilka ka dhigaan mid caqli badan

Guud ahaanba caruurta la nuujiyo caanaha hooyada waxa ay ka helaan wax tar wayn. Hadaba wiilashan ayaa waxa wanaagsan natiijada ay ka gaadhaan waxbarashada marka loo eego kuwa ku koray caano boode loo walaaqay. Nuugida naaska hooyo ayaa waxa ay ilmoha ka caawisaa caqliga inta uu korayo oo uu ka gaadhayo 10 sano iyo in ka badan.
Ugu yaraana ilmohu waa in la nuujiyaa 6 bilood si uu u helo faa’iidada ku jirta caanaha uu ka helayo hooyadii. Sidoo kalena waxbarashada sida xisaabta, akhirska iyo qorida ayaa ilmohu ka gaadhayaa meel sare.
Natiijada baadhitaankan ayaa waxa soo bandhigay aqoonyahano u dhashay wadanka Australia markii ay mudo darsayeen 1000 carruur ah. Daraasada oo soctay laga bilaabo markii ay caruurtu ku unkameen uurka oo ay jireen 18 asbuuc ilaa intii ay ka gaadhayeen 10 jir.
- Wiilashii la naas nuujiyay mudo lix bilood ah ayaa waxa lagu ogaaday in ay lug ku lahayd natiijada wanaagsan ee ay sameeyeen. Laakiin wax isbeden wayn ah lagama arag natiijada gabdhaha, sidaasna waxa ay ku qoreen aqoonyahanada Jaamacada Western Australia, Perth, jariidada Pediatrics. Tanina waa mid faa’iido u leh wiilasha maadaama ay gabdhaha wadamada Australia iyo Sweden kaga fiican yihiin waxbarashada wiilasha.
Xataa markii baadhitaanka la waday oo la tix galiyay arimaha kale ee lug ku yeelan kara in wiilasha natiijadooda waxbarasho kor u kacday sida hooyada aqoonteeda iyo dhaqaalaha qoyska ayaa hadana naasnuujintu noqotay mid saamayn ku leh wiilasha.
Fikir la’aaminsan yahay ayaa ah in xidhiidhka ka dhexeeya hooyada iyo cunugu uu aad u xoogaysanayo marka hooyadu nuujinayso cunuga, xidhiidhkaasina lug ku yeelanayo waxbarasha cunuga.
Fikir kalena waxa uu sheegayaa in dheecaanada la socda caanaha hooyada in ay hore u marinayaan maskaxda.
- Daraasaadayadu waxa ay markale sheegaysaa in naas nuujintu, ugu yaraan 6 bilood ay qayb wayn oo laxaad leh ka qaadato horumarka uu ilmohu gaadho, ayuu ku sheegay doktor Wendy Odd joornaalka Pediatrics.
(source: aftonbladet.se)

1 Comments

  1. Anonymous2/14/2011

    waa sax wax ka fiican waa la waayay, naagaha qaarkooda naasaha inay ka dhacaan ayay ka baqayaan ilmahooda caano kama siiyaan naaskooda, naaskaaga waxaa kaaga muhumsan cunugaaga caafimaadkiisa

    ReplyDelete
Post a Comment
Previous Post Next Post