Qoys ka cabanaya culayska gabadhooda

Qoys u dhashay dalka Shiinaha ayaa si weyn uga cabanaya gabar yar oo ay dhaleen. Kadib markii culeyska gabadhaasi uu noqday mid si-weyn kor ugu soo kordhaaya.
Fan Sajia waa gabar yar oo laba sano jir ah una dhalatay dalka Shiinaha. Waxaa la sheegay in uu culeyskeedu yahay 45 kg, taasoo ay si weyn uga qaylo dhaamiyeen qoyska ay ka dhalatay.
Laga soo bilaabo sanadii 2008-dii ilaa iyo iminka ayaa culeyskeedu isa soo taraayaa, isla-markaana qoyska gabadhan yar ayaa waxay sheegeen in dhibaato baahsan ay ku qabaan.
Qoyska gabadhan oo warbaahinta la hadlay ayaa tibaaxay in dhibaatooyinka ay ku qabaan iay kamid tahay, in gabadhoodu uu dhibaayo socodka, taasoo ay u dheer tahay in aysan kor u qaadi kareyn, bacdamaa ay aad u culus tahay.
Hooyada dhashay gabadhaan ayaa sheegtay kolka ay magaaladda aadeyso in ay horey u sii qaado, kolka ay soo noqoneysana in ay dhabarkeeda kusoo xambaarto. Fan Sajia hooyadadeed waxa ay xustay in arinta gabadeedu ku hays qoyska culays maadaama ayna haysan baabuur ay adeegsadaan.
Isku soo wada duuboo hooyadan ayaa sheegtay in ay ku dhaqaaqeen talaaba kasta oo wax u dhimi kara culeyska gabadhooda yar. Hase yeeshee waxay sheegtay in ay ku daaleen sidii ay u yareen lahaayeen culeyska gabadhooda yar.
Xasan Cadde
(source: dhacdo.com)
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post