Haweenka Kenya oo Rubac malyuun ka tiro batay ragga

Aarannews(Nayroobi)  Tirokoob lagu sameeyay dadka Kenya ayaa natiijadii ka soo baxday waxaa lagu ogaaday in haweenka Kenya ay rubuc malyuun ka badan yihiin tirada raga.
Tiro koobkan ayaa waxa lagu shaaciyay in tirada dadka Kenya ay noqotay 38,610,097 qofood oo kala ah 19,192,458 rag ah iyo 19,417,639 Dumar ah, iyadoo sidoo kale Tiro koobkani dadka dalka Kenya lagu su’aalay Qawmiyadaha ay ka soo jeedaan dhalasho ahaan iyo Diimaha ay aaminsan yihiin, waxaana lagu sheegay tiro koobkan in Kikuya-du ay tahay Qawmiyadda ugu badan dalkaas, tiradeeduna ay tahay 6,620,000, halka tirada qawmiyadda Kampa ay noqotay 3,890,000, tirada Qawmiyadda Soomaaliduna ay noqotay 2,380,000. Waxaa kale oo jira qawmiyado badan oo ka sii yar tiro ahaan Soomaalida Kenya.
Diinta Kitistaanka ee Protestanka ayaa noqotay tan ugu badan ee ay dadku aaminsan yihiin waxaana diintaa heysta dad tiradooda lagu qaddaray  18 Milyan oo qofood.
Kaniisada Kaatoliga waxa iyana aaminsan dad gaaeaya 9 Milyan oo qofood,  halka Diinta Islaamka ay aaminsan yihiin dad gaaraya Afar Milyan Iyo Afartan Kun oo qof, iyadoo Diinta Hinduuga waxa aaminsan dad gaaraya 53,393 qofood.
Wasiirka Qorshaynta ee Kenya ayaa ka dhawaajiyay in Tobankii sano ee ugu dambeeyay ay tirada dadka Kenya kor u kacday Ilaa Toban Milyan oo qofood.

W/D: Caaqil Dalmar 
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post