Taleefanka mararka qaarkood dhib ayuu kuu soo jiidaa

Wiil dhalinyarada xaafadda labadhagax dagan ka mid ah ayaa waxaa khiyaanay wiil kale oo sxbkiis ah ka dib markii uu ka codsaday in gabar khadka Telephone-ka uu ka baro si uu ula xiriir sxbtinimo uu ula sameysto markaas ayuu taleefanka Lind Linka loo yaqaan ee gurigooda yaalay ayuu u garaacay.


ma uusan arkeyn lambarka loo garaacay dabeetana hooyadiis ayaa ka qabatay,markii uu yiri Hello,ayaa waxaa la hadashay hooyadiisa,waxa ay garatay codkiisa markaa ayey ku tiri haye hooyo,laakiin isaga waxa uu ula hadlay sida gabar uu khadka ka baranayo oo waxa uu yiri “Haye abaayo ii waran’See tahay”.Runtii layaab ayey ahayd, Waxa ay hoyadiis ku tiri,”HOOYO MAXAA KUGU DHACAY MAANTA MARKII AY ARAGTY IN WIILKEEDU aanu caadi ahayn NAAG RAADINTANA AY DHAB KA TAHAY”Isaga daacad ayuu ahaa laakiin Sxbkiis oo foowdo badnaa ayaa khiyaanay.


Wiilkii waa uu naxay markii uu u kuurgalay codka qofka la hadlaya uuna xaqiiqsaday in hooyadiis ay tahay markaas ka dib ayuu tuuray taleefankii,Sxbkiis ayuuna aad u canaantay misana aad uga xanaaqay.Gurigii ayuu orad uga baxay,labadii ninna mudo ayeyna isla hadlijirin.

Qisadani waxa ay dhacday 2002,mudo ayaana dhalinyarada xaafadaas arintan uga maadeysanjireen ninkaas odayga ah,waxaana dhacdadani ka mid ahayd dhibaatooyinka ama khasaarooyinka uu leeyahay taleefanka,kuwo ka daran oo isla aaladda Telphonka uu sababayna waa ay jireen magaalada Muqdisho iyo meelo kalaba


Hadaba Faa’iido iyo khasaaraba waa uu leeyahay taleefanku,waxa ayna ku xirantahay hadba sida loo isticmaalo ee qofku uu u adeegsado.Dad isku guursaday telfoonka iminkana caruur isku haya ayaa jira ka dib markii si wanaagsan oo akhlaaqi ku jirto iskaga barteen telphonka taas oo la dhihikaro calaf ayaa hogaaminayey labadaas qof.kuwo kale oo kala diday waa ay jireen ka dib markii ay mudo ka wada xiriirayeen khadka taleefanka markii ay balameen oo ay kulmeenna qofba qofka kale uu qancinwaayey.
Si kasta oo ay noqoto akhristow mar walba si asluub ay ku jirto u isticmaal taleefanka


W/Q:Max’ed Cumar Abiib
Kampala,Uganda
-Email Abiib2@hotmail.com
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post