Waxtarka diirka cad ee liinta

Marka aad qolofta sare ee noocyada liinta diirto ayaa waxa kuu soo baxa diir cad. Inta badan xataa diirka cad ayaa dadku cunin oo ka dhilaan liinta. Hadaba cilmi baaris la sameeyay ayaa waxa lagu ogaaday in diirka cadi fiican yahay jirka.
Diirka cad ee liinta ayaa waxa la yiraa Albedoen oo ah mid aad iyo aad ugu fiican jirka. Sababtoo ah diirka ayaa waxa ku jirta nafaqada pektin oo jirka ka difaacda cudurka halista ah ee kanserka, yaraynaysa hamuumka aad u qabtid cuntada, hoosna u dhigaysa kolosterol-ta oo ah mid u daran caafimaadka.
Diirka cad ayaa waxa kale oo ku jira D-glucarat iyo D-limonen oo ayaguna ka hortaga kansarka. Waliba D-limonen ayaa ah mid ay ku badan tahay antioxsidanter oo ah mid ka ilaalisa jirka gabowga.
Laakiin waxaad aad uga taxadirtaa in aad cunto Albedoen-ta ku jirta liinta lagu buufiyay sunta bacriminta iyo ta lagula dagaalamo cayayaanka yaryar. Sababtoo ah sunta ayaa soo dhaafta qolofta adag kuna ururta diirka cad.
source: iform.se
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post