U gaar ah gabadha : Ninka fiican weligaa ku dadaal

U gaar ah gabadha : Ninka fiican weligaa ku dadaal
Marka aad tahay gashaanti guurmeer ah, ninka kula wadaagaya nolosha waxa muhiim ah in aad key qiimayso dabeecad, diin, dhaqaale iyo balwad la’aan. Maxaa yeelay, wuxu noqonayaan masuulkaaga. Wuxu kaaga dhowaanayaa waalidkaa too wixii ka dambeeya saacadda meherku dhammaado wuxu ninkaagu ahaanayaa qofka aad addeecayso. Dacaddu waa xaqa ninku xaafkiisa key leeyahay too ay fuliso, oo ay yeesho waxa uu amro ee wanaag ah, ee aan ka soo hor jeedin xaqa uu Ilaahay aadamaha ku leeyahay. Waxad baahi weyn u qabtaa in qalbigaagu key xasilo nolosha farxadda leh ee qoyska. Nolosha Ilaahay ammaanay. Waxad u baahan tahay inad abuurto ubax key anfaca too markaad eegto key farax geliya, dunida wanaag ku soo kordhiya, too garta xaqa aad key leedahay. Waxad u baahan tahay nin kugu ammaana waxa qalbigaagu rabo, kuu buuxiya waxa naftaadu raadinayso, oo kaa dhawra mashaakil faro badan. Ninkaasi dabcan waa in uu noqdo nin naxaariis badan. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ‘rag waxa ugu wanaagsan ninka reerkiisa u naag ah’, naagnimada laga sheekaynayaa ma aha tani maankaaga ku soo xaadiraysa, laakiin waa tani ay gabadhu ka dareemi karto ninkeega in uu la fulinayo dano faro badan oo iyaga ka dhexeeya. Tusaale ahaan waxay gabadhu ku faraxdaa marka ay aragto ninkeega oo marka uu guriga yimaaddo hawlaha aqalka inta kaga waajahan qabta, ubadka la ciyaara, oo wakhti dheer haasaawe iyo xodxodasho kula qaata saygiisa.

Uma baahnid in qabta saddexaad ee noloshaadu mugdi gasho, noloshaada waxa ka mamnuuc ah in ay key meerto wareegtada dilmada ee rag fara badan too soomaali ahi hiddaha u leeyihiin, hanjabaadda beerka qoysa dadka, (ninka soomaaliyeed waxad mooddaa in marka uu guriga joogo yahay libaax shaash leh, wuxu gabadha ugu yeedhayaa ‘nayaa’ too run ahaantii markii aanu adhiga jiraynay dacawada ugu dhawaaqi jirnay). Arrimahani marka ay is biirsadaana waxay abuuraan cabudhaad mar keli ah gabadhu qaraxdo, amma inta ay adkaysan waydo furriin dalabto, kaasina waa burbur ku dhacay noloshaada, waxana adag sida aad uga soo kabato. Imisa gabdhood ayaa jaarkaaga ah oo mashaakilkani ku abuurmay, kuwaasi oo meel ay u baxsadaan haysanin, imisa gabdhood ayaa maalin kasta ku seexda nabad geliyo oo waaguna ugu beryaa maxkamad ay ku kallahaan iyo furriin. Eeg hareerahaaga oo fiiri waxa dhacay, yaa sababay ma raga mise dumarka, dhabtu waxa ay tahay inay labaduba sababeen laakiin mashaakilka ugu wayni wuxu soo gaadhayaa haweenka oo keli ah, waayo, waxa weeyi hilib cid kastaa u haliisho oo huga reerka ku asturan.
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post