Halkan ka baro cabirka rajabeetada saxda ah

Wadamda reer yurub ayaa waxa ay ku tilmaamaan rajabeedada in ay tahay mid kor u qaaday quruxda haweenka. Rajabeetada oo ka dhigta naasaha kuwo leh qaab qurux badan. Adiga oo adeegsanaya cabirka ay istimaalaan dawaarlayaashu ayaad isa sii qiyaasi kartaa inta aanad soo gadan rajabeeto ku leh.
Rajabeeto si sax ah kuu le’eg waxa ay kor si fiican ugu celisaa qaadaana naasaha, kaana dhigtaa qof leh qaab toosan oo goobo lahayn. Marka aad gashato rajabeeto qalad ah oo aan ku leekayn ayaa waxa ay kuu keenaysa dhabar iyo muruqyo xanuun.
Qaladaadka dhaca marka ay gabadhu gadanayso rajabeeto ayaa ah in ay gadato:
- in ay gadato rajabeeto aad ugu dhegen garbahaeeda.
- rajabeeto xarkaheedu kor u soo kacayaan, muhiimada shaqada xarkuhnu ku eekaanayso garbaha ayaa naasuhu kor u soo qaadmayn.
- rajabeeto yar oo cidhiidhi ah oo sababaya dhabar iyo muruq xanuun.
Waxa aad u muhiim ah in mark aad soo iibsanayso rajabeeto aad ogaato waxa aad rabtid in rajabeetadu kuu samayso. Ma waxa aad u soo gadanaysaa in rajabeetadu yarayso, waynayso ama kor u qaado naasahaaga? Ma waxa aad rabtaa in ay rajabeetadu ahaato mid aan la arkayn oo aan lahayn? Kadibna aad waydiisaa shaqaalaha khibrada u leh qiyaastaada si aad u hesho rajabeetada saxda ah. Hadii ay kugu adagtahay in shaqaale oo inta badan ah haween ay kuu samayso qiyaasta ayaa waxa aad ku samaysan kartaa guriga.
Rajabeetada ayaa waxa ay leedahay laba cabir, mid ah cm oo qiyaasaya wareega iyo mid qiyaasaysa saabka. Waxa aad ku bilaabtaa in aad qiyaas ka qaado naasaha hoostooda, ogow xariga cabirka ee aad ku qaadaysaana in uu ahaado mid aad isug dhow.
Qiyaasta cabirka wareegsan ee naasaha hoostooda iyo qiysaasta aad gadanayso:
63-67 cm = 65
68-72 cm = 70
73-77 cm = 75
78-82 cm = 80
83-87 cm = 85
88-92 cm = 90
93-97 cm = 95
98-102 cm = 100
103-107 cm = 105
108-112 cm = 110
Kadibna waxa aad saaraysaa xariga naasaha korkooda halka ay ugu waynyihiin, markan ayaa xariga cabirka ee aad kor saaraysaa naasha uu ahaanayaa mid yara dabacsan si ay naasuhu u helaan meel le’eg.
Si aad u hesho qiyaasta saxda ah ee cabirkaaga ah ayaa waxa aad xisaab ku kala goynaysaa labada cabir ee kuu soo baxay. Tusaale ahaa cabirka naasaha korkooda 93 iyo ka naasaha hoostooda 78, halkaasna aad ka helaysaa cabirka saabka, kaas oo tusaalahan ku noqon kara saabka B.
Faraqa ka soo baxa kala goynta oo cm -centimeter ah iyo qiyaasta saabka ay u dhigmaan:
13 = A
15 = B
17 = C
19 = D
21 = E
24 = F
26 = G
Waxa kale oo aad u muhiim ah in aad xusuusnaato marka aad soo iibsanayso rajabeeto cusub in uu ahaado mid dhexdhexaad ah marka aad isku xirayso huukyada ugu dambeeya xariga. Kol hadii rajabeedadu kasoo kala jiidmayso huukyada ayaad kolba sida aad rabto ku dhuujin kartaa wareega xabadka.
Adiguna ka dhiibo rayigaaga!
Ladaneey
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post