Dhacdo Foolxumo badan ayaa kadhacday magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.
Dhacdadan oo aan mudneyn in lasoo hadalqaado ama la faafiyo ayaan hadana waxaanu idinkugu soo bandhigeynaah in ay noqoto Digniin aanu ugu digeyno Wiilasha iyo Gabdhaha Soomaaliyeed in ay ka digtoonaadaan.
Wiil iyo gabar soomaaliyeed oo aanan jacleyn inaanu magacyadooda faafino balse kamid ah Bulsho weynta Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ayaa shukaansi qabow dabadeed ku heshiiyey in wada raaxeystaan.
Wada raaxeysashadan oo u ekeeyd mid qiyaamo aha ayaa markii ay dhacday waxa kasoo baxay ama ay sababtay in wiilku uu sawiro ka qaado Gabadha xili ay qaawan tahay.
majirto dhacdo dhab ah oo cadeyneysa sida ay gabadhu ku ogolaatay in sawiro laga qaado xili ay qaawan tahay ama ay sameyneyso waxayaabo foolxumo badan.
Gabadhan oo kamid ah ganacsatada soomaalida ee ku ganacsada mid kamid ah Mall-lasha Magaalaga Minneapolis ayaa sawiradeedu noqdeen kuwo laga wada daawado Mobile Phone nada Magaalada inta badan ilaa ay gaaraan Eheladeeda ama Asxaabteeda Qaaska ah.
Markii gabadha eheledeedu ay soo wargeliyeen fadeexada laga faafiyey ayna indhaheeda ku aragtay bsawiradeeda aya goaan satahy in ay dunida kahayaanto.
Waxa lasheegay inay sunta dharka lagu dhaqo ee looyaqaano bleach ta ay cabtey balse markii laga warhelay in ay sun cabtey ayaa eheledeedu ula carareen Cisbitalka.
Waxaa lasheegay gabadhan soomaaliyeed in ay xaaladeedu Caafimaad ay aad u liidato ayna u dhaxeyso Nolo iyo geeri.
Dardaaran: waxaan kula dardaarmeynaah wiilasha iyo gabdhaha soomaaliyeed in ay sharaftooda dhowrtaan kana waantoobaan waxwalbo oo xumaan abuuri kara.
walaahi waan ka naxay dhacdadaas war ilaaheey ka cabsada oo gabdhaha walaalihiin ah ka xishooda xumaantana ka ilaaliya oo guursada,
ReplyDeletewiilasha ayaa u badan xumaanta noocaas ah aniguba wiil ayaan ahay ee laakiin waxaas oo kale kuma fakaro xitaa haddii ay gabadhu i xumeyso maxaa yeelay qofkii an ku jecleyn waa laga tagaa qof kale ayaad heleeysaa oo ku jecel,