Shacabka soomaaliyeed waxaa ay leeyihiin dhaqamo badan oo qaarkood ay diinta ka horimaanayaan qaarkalana ay diinta waafaqsanyihiin. Dhamadasi waa badan yihiin balse waxaynu soo qaadaneynaa qaarkooda la xiriira galmada labada qof ee isqaba.
Waxaa jira qaabab guud oo dadka isku dhaxaa ay gogosha isugu qanciyaan iyadoo qofba kan kale ka raali yahay.qaababkaasi waxaa ay waafaqsanyihiin diinteena islaamka.
Ninka iyo xaaskiisa ayaa siyaabo badan isugu tagi kara xiliga galmada balse waa in ay waafaqsanadaan shareecada hadii kale waxaa ay noqonayaan danbi laga galo xaga Alle.
Halkaan waxaan marka hore ku soo gudbineynaa mid kamid ah noocyada naga soo galay dhinaca reer galbeedka ee soomalida qaarkoodna ay ku dhaqmaan xiliga galmada.
• Qaabka looyaqaano isugu taga afka ama afka oo laga istcmaalo dumarka taasi oo ah mid aan xitaa caafimaad ahaan u rooneyn labada qofood xaga diintana aan ku fiicneyn waayo waxaad sameyneysaa wax aan looguba talagalin. Taas badalkeeda in ninku afkiisa la aado farjiga xaaskiisa ayaa iyana kasii daran oo waxaa ka dhasha caabuq ku yimaada afka ninka.
Soomaalida qaar badan oo kamid ah ayaa qaabkaan isticmaala waxaana laga yaabaa in aysan aqoon u lahayn waxa diintu kaqabto iyo meesha dhaqankaani naga soo gaaray.?
Caafimaad ahaan waxaa la iskuwada waa faqsan yahay in meel kasta meeshii loogu talagalay ay kuwanaagsan tahay hadii kale waxaa ka dhalanaya cuduro aan horay loogu aqoonin mujtamaca.
Tasaale ahaan. Xubinta taranka raga waxaa ku dahaaran xidido yar yar oo aan u dul qaadan Karin cadaadis kabadan midka xubinta taranka dumarku sameyo, waxaana macquul ah in ilkuhu dhaawac u geystaan maadaama labada qofba aysan dareenkooda xakamayn Karin xiligaasi.
Dhinaca dumarka. Waa wax ka baxsan xalada ah in ninku carabkiisa la aado meel wixii loogu talagalay lawada ogyahay. Waxaa ku dhex nool xubinta taranka dumarka in kabadan 150 jeermis kaasi oo xiliga dumarku dareenkoodu kaco sii laba jibaarma. Waxaa raga sidaa sameeyaa ka xanuunsadaan dhinaca dhuunta ama qumanka taasoo ay ugu wacantahay jeermiskii ka dhashay halkaasi.
Ilaahey ayaa wax kasta naga og waxaana meel kasta uu ugu talagalay meel waxaa haboon in sidaasi anan ka badlin.
Marka laga reebo in dumarka looga tago dabada oo ah mid xaaram ah waxaa labada ruux ee is qabaa ay isku isticmaali karaan noocyo badan marka laga hadlaayo dhinaca farsamada.
Sihaam Cali Nuur
sihaamcali3@hotmail.com
Madaxa wararka badweyn ee UK
sihaamcali3@hotmail.com
Madaxa wararka badweyn ee UK
raygaagu ma xuma wax jira ayaad sheegtay laakiin anigu hadaan ahay soomali ma qabo in soomali ay waxaas samaynayso waayo inaku dhaqan keena waxaynu nahay dad aad iyo aad uugu adag sheekadana soomalia iyo soomaliland mid na ha ka filin diinteena islaamkuna ma ogola laakiin raga soomaaliyeed isagoo haysta halkii ugu macaanayd ee ilaahay ugu tala galay ee raaxada bad nayd ma qabo inuu hunguraynaayo meeshaas aleh uu noo diiday oo waliba ku darsoo nacdal rabaaniya ayaa kugu socota inta aad xaga alleh inoo diiday aad hungurayso markaad horta aad iyo aad ayaan uugu mahad naqayaa cidii soo diraarisay qoraaladan waayo waxaan ka faaiiday waxyaabo aad u badan oo ii dhinaa hadaanu nahay raga anagu inta nuugu badan waxay isticmaashaa ku dhufoo ka dhaqaaq waayo waxa fara baas ku haya bahal ka qaad la yidhaahdo oo biyihii intii uu xaaskiisa la galmoon lahaa soo gaabiyey horta anigu waxaan ogaadey markaan qaadkii iska daayey oon xaaskaygii aad iyo aad iskaga raali noqonay laakiin dhibaatadiisa waa inaad soo bandhigtaan de imika waliba xaaskaygii way ii ducaysaa oo waxaan maray habkii uugu macaanayd oo kala raali baanu nahay imika waliba bahalka qaadka la yidhaahdaa markaad laba jeer action samayso de waa laysla garanayaaye sida actionka loo samaynaayee cidna looga warami maayee cid samaysay iyo cid samayndoontabee ayuun bay biyihii bash soo odhanayaan markaas maxaa halkaas ka dhacaaya qawad ay ku qawado xaaskaagii dabadeed maxaa halkaas ka dhalanaaya furniin degdega markaas anigu waxaan kula talin lahaa bahalkaa qaada ha layska daayo waliba markaad iska dayso si aanaad markaad cunaysay u hungurayn ayaad u hungurynaysaa oo aad una raali galinaysaa ilaahauna khyrka ha ina waa fajiyo oo wadada tooskaa ha ina tuso sidii uu wax uugu tala galayna ha loo isticmaalo ileen alaa aaladahan oo dhan iskuugu tala galee
ReplyDelete