Qururxda naagaha waa sidee

Qururxda naagaha waa sidee
Soomaalidu waxay tiraahdaa: (hadday naagi siddeed iyo labaatan sifo oo dumar lagu raaco leedahay, asay gabar tahay, guurkeeda sina looma daayo). Sifooyinka ay tilmaamaanna waa sidatan:-

- Afar ay u dheer tahay: labada gacmood, timaha iyo qoorta.

- Labay u dhuuban tahay: qoorta iyo dhexda.

- Afar ay dhumuc u leedahay: labada kub iyo labada cududdood.

- Afar ay u caddahay: labada indhood iyo ilkaha labadooda lakab.

- Afar ay u madowdahay: labada indhood wiilkooda iyo labada sunniyood.

- Afar ay deeb u leedahay: labada dibnood (bushimood) iyo labada mudane (Naasaha caaraddooda).

- Labay u shuban tahay: labada dhaban.

- Hal ay u buuxdo: shafka oo ah meesha dumarku quruxda ka sitaan, ishuna ku nasato.

- Hal ay u qoran tahay: waa sanka.

Lix iyo labaatankaas sifo araggay ugu qurux badan tahay, labana maqalkooda ayay dheguhu ku raaxaystaan, waana qosolkeeda iyo codkeeda macaan.

13 Comments

  1. Anonymous3/04/2011

    Qurux keligeed waxba tari mayso, horaan ugu soo hungoobay.

    ReplyDelete
  2. Anonymous3/05/2011

    qurux waxaa noogu filan hab dhaqakeeda iyo sida alle ka cabsigu ugu weynyahay intaas ayaa asaas ah inta kale waxba tari maayan kaligood ....marka alle meesha khayrkukujiro hana waafajayo walaalayaal .

    ReplyDelete
  3. Anonymous3/05/2011

    ninka waxba kasoo maray quruxde laakin waa runtisa ee qurux waa dabeecada iyo damcigga. taa weye quruxda aan guurin.

    ReplyDelete
  4. Anonymous3/06/2011

    Quruxda waxbaa iga soo maray. Quruxdu way nooya badan tahay, tan aan ku hungoobeyse waa qurux jirka ama qaabka jirkeedu u samasanaa. Midabku qurux ma noqdo. Jir wanaagsanna qurux ma noqdo. Aragtideyda quruxda ugu wanaagsan waa akhlaaqda ama dabeecadda qofku kula dhaqmo lammaanihiisa. Hadalka wanaagsan, samirka badan, caqlig wanaagsan iwm ayay ku jirtaa quruxdu. Nin iyo naag markey sariirta isugu tagaan midna kana kale uma jeedo quruxdiisii jirka. Quruxda ama qaabka jirkuna marba marka ka daneysa way sii dhammaataa, illaa ay gaarto heer aan la fiirin karin.

    ReplyDelete
  5. Anonymous3/06/2011

    laakiin sidee u arki karaan , labada naas Ibtooda. i tus ma oran karaa, inkastoo diintu aanay qabin, sidee loo arkaayaa?

    ReplyDelete
  6. maya wejiga iyo labada calaacal keliya ayaa laguu fsaxay inaad ka eegto gabadha aad guursan rabto

    ReplyDelete
  7. Anonymous3/12/2011

    asalamu aleikuum walalayaal waxaan idin waydinayaaa timaha hadii wejiga ka fogyihiin maxaa lagu soo dhaween karaa waxaan maqlay hadii la xiirxiiro timo kasoo baxaayo marka gabar yar aan dhalay baa timaha ka fogyihiin marka waan ka baqay in aan u xiiro walalyaal ila taliya sheekadaas ma wax ba aka jira mise waa iska hadal? plzzzzzz help

    ReplyDelete
  8. walaal timaha sidey u fogyihiin waa qaabkee ? maxaa keenay ? timaha xiiritaanka marka ay ku badanayaan waa marka meesha ay leedaha timo ama xaad laakin meel aan wax lahayn haddii timaha laga xiiro ma bataan

    ReplyDelete
  9. Anonymous3/13/2011

    Asc walaal aniga xataa waxan qabaa salaxyo markan yaraana hooyadey wey ii xiiri jirtay meesha timaha ka fogyihiin xiirmadiina waxba iima ay kordhin waxad sameysaa inaad udeyso timaheeda oo ay dhaadheeraadaan kadib markey weynaato waxey ushanleysan doontaa si kuhaboon oo qurux ah

    ReplyDelete
  10. Anonymous3/13/2011

    waad mahadsantihiiin dhamaantiiiiiiiiiiin walalha.

    ReplyDelete
  11. asc dhamantiin salan kadib quruxda inta shegten wa sax masha allah lkn waxa jira hadalo qiima leh adoonan raadin intaaso qurux ah hadalkaaso ah} HARAADIN QOF QURXOON E RAADI QOF NOLOSHA KU QURXIYA AMA HAJECLAAN QOF KU QURXOON E JECLOOW QOF NOLOSHA KU QURXIYA} mabeenteybaa amaba mahan hadal jiro? wcs

    ReplyDelete
  12. Anonymous7/14/2011

    Asalalu caleykuum walalaha dhamaaan aniga waxaan ahay hooyo waxan leeyahay gabar sanad jir ah wajigeeda timaha waa ka fogyihiin waxaaba taas usii dheer aabaheed salxanyihisa bay qaadatay. walalyaal runtiii waxy jeceshahay in aan bananka kusoo cayaarsiyo lakiin aniga waxaan ka baqaaa in dadka la yabaan weji wayn iyo salxanyaha markasta waxaan u xiraaa koofiyad marka walalhayga somaliyeed waxaan jeclaan lahaa in aad i caawisaan maxaan sameeyaa hadi an dad muslim nahy waan in aan ku qanacnaa ilahay wuxuu na siiyay alhamdulilaah way i caafimad qabtaa lakiin ayada baan u baqayaa markay babycare ii bilowdo iyo dadka sida ay ula dhaqmi donan. sidee ugu sahlan aan timaha ugu deyn karaa? food ma u jaraa lacalla hadii aan u jaro ma in aan u fooneyaa mise dhibaato u geysanee? walalyaal i caawiya hana ila yaabina

    ReplyDelete
  13. waxaa fiican inaad isku daydid inaad timaha daaysid oo aad horay ku qarisid haddii mar ay qaangaarto xijaab ayay qaadan wax dhib ma laha

    ReplyDelete
Post a Comment
Previous Post Next Post