Dhaqanka Somalida iyo kaalinta ay kagka jirto hooyada Somaliyeed

Hooyada Somaliyeed waxey udub dhaxaad u tahay waxkasta oo horumar ah oo uu dalka Somaliya gaaro amaba gaaray.Hooyada Somaliyeed waxey isku darsatay Geesinimo, Daacad, karti,Barbaarita ubadka, odayga reerka oo ay ka ilaalin jirtay inuu seexdo isagoon casheyn ilaa xag rabi laga waayo mahane , Martida iyo waxkasta ooba maanta Hooyo Somaliyeed laga qori karo.


Hadaba ma jiro ruux maanta dhihi karo hooyada Somaliyeed ayaan maalin iyo habeen ku soo koobayaa kaalinta ay bulshada kaka jirto laakinse qofkasta waxaa waajib ku ah inta uu nolosha hooyada Somaliyeed isagoo wax kasaa ku soo gaaray inuu bidhaamiyo si jiilka ka danbeeyo u helaan meel ay wax ka bilaabaan hadey noqon laheyd inuu wax ka ogaado dhaqanka hooyada Somaliyeed ay ku lahey amaba kaka jirto bulshada.

Hooyada Somaliyeed ma ahan markii ugu horeysay ee wax laga qoro siiba amaan oo waxaa hore ugu heesay, gabyey, Buraanburay, amaanay abwaano somaliyeed oo rag iyo dumarba leh. waliba fanaaniinteena qaranka hooyada Somaliyeed aad ayey u amaaneen sida ha iilan Hooyoy. Hooyooy Macaan iyo wax la mid ah.


Hooyada Somaliyeed marka ay da yar tahay waxey nolosha u maareysaa hadba sidey u qabato. waa deeqsiyaal oo intooda badan waa isku dhaqan. marka ay ku nool yahii dhulka Miyiga ah waxey dhisaan hoyga ay ku nool yahiin caruurtooda sida Aqalka, Ardaaga, Edega waxaraha iyo wax la mid ah. waxey kariyaan cuntada markaasi loo baahan yahay iney cunaan qoyska xitaa hadii ay maalintii oo dhan ay ku maqneyd xoolaha ilaaliskooda.

Hooyada Somaliyeed marka ay miyiga ku nooshahay waxey magalada u soo qaadaa caanaha, Subaga, iyo waliba hadba markaas waxiikale oo ay awoodo iney u iibkeento magaalada sida geed miroodka ka baxa dhulka Miyiga ah sida Jicibka, Ohobka, Mareerka, Dhabayga, Muraha iyo wax la mid ah. waa laga yaabaa in magacyada geedaha Somaliya sida loogu dhawaaqo kala kedisan yahiin laakinse dhaqanka baadiyaha iyo Somalidu waa isku mid inta badan.

Hooyada Somaliyeed inta badan hadii ubadka ugu horeya oo ilaah siiya uusan aheyn geber inta badan wey ciishootaa waayo gabatu waxey si hoose u ogaan kartaa baahida rasmiga ah ee reerka oo hooyadu sida ay geberta waxkasta ugu sheegan karto uguma shegan karto wiilka.

Waxaa kale oo taasi kasii daran marka lag ahadlayo nolosha qoyska waxey kaka walwal badan tahay Aabaha maxaa yeelay iyadu isha kaliya oo ay rerka Somaliyeed ku tiirsan yahiin. waxaa dhici karta noloshaas adag iyagoo ku jira in qaarkood uu guurkoodu noqon sidey rabeen oo uu ku soo aado nin qabiid ah amaba inta dhawr dagaal oo jahliya inta ka qeyb galay asiga dhanba hadal naxariis badan aysan ka heli ilaa ay caruurteeda u koraan.

Hooyada Somaliyeed hadii iyadoo jiran uu canug keeda ah jirado xanuunkii hayey wey iska iloobeysaa waxaana ku abuurma walwal iyo walbahaar sidaasi daraadeed waxaa laga yaabaa sidey ubadka noloshooda ugu fikireyso in mudo aysan helin wax yaabo badan oo maanta xaasaskeenu heystaan.

Hooyada somaliyeed mark ay ku nooshahay magaalo.

Inta badan hooyada ku nool magaalda wax badan kama dhib yara hooyada miyiga waxa ay ku kala kedisan yahiin oo kaliya sida ay hooyada magaalada wax yaabo ay ka mid yahiin biyaha la cabo iyo wax la mid ah ugu sahlan yahiin hooyada miyiga uguma sahlana laakinse inta kale waa iskaka mid.

Imsa jeer ayey indhaheygu qabteen hooyo Somaliyeed oo waliba isk adaruufeysan oo ilmaheeda midka ugu weyn marka uu hana qaado noloshuna ku adkaato uu is dhaho dibada aad ay hooyada Somaliyeed ilmeysay iyadoo og xaqiiqda nolosha lagu jiro hadane ma ogola in ay caruurteeda mid ka mid ah uuka tago amaba ku noolaado meel ka baxsan xeyndaabka gurigeeda amaba Aqalkeeda.

Hadaba Hooyadii Somaliyeed oo wadankeeda hadey ku qadsan tahay iyo hadey ku dhergan tahay ku faraxsanaan jirtay maanta halkey wax u marayaan? hooyada Somaliyeed hadey ku nooshahay miyi iyo magaalo maanta waxey ku jirtaa xaaladii ugu xumeyd ebed, waayo dalkeenii hooyo waxaa maanta hooyada Somaliyeed ku heysta silac, abaaro, nolol xumo caruurtii ay dhaleen oo maalinba mid debka lagu shidaa iyadoo magacyoo fara badan loola baxay ubadkoodii sida kooxo diimeed, magac qabiil iyowaliba mid maamul goboled amaba dowlad dhexe ayaa intuba maanta hooyo kasta waxey ku weyneysaa qaar ka mid ah ubadkooda.

Iyadoo dhibtaasi jirto ayaa hadane waxaa wadanka yimid niman aan naxeyn oo la yiraahdo Al Qaida oo shacabkii ka dhigay mid ay dilaan, dhacaan, xubnaha jirkooda ka beec mushtaraan sida Kaliyaha, Beerka iyo wax la mid ah. waxaa waxkasta ka sii daran sida hooyadii Somaliyeed qaarkood maanta hortooda loogu dilayo caruurtooda.

Waxaasi oo dhan iyo dhibaatada ku habsatay hooyadii Somaliyeed oo xiligii ber samaadkii feer iyo fara laab ku soo korisay caruurteeda ay maanta nolol la taaban karo ku weysay dalkeeda xiligii ay ku nasan laheyd unbadkii ay intas ku soo tiir iyo tacab beeshay.tiiyoo oo ay hada da ka taba timid oo aysan u muuqan ifafaalo wacan oo ay dib noloshooda ugu maareyn karaan.

Hadaba ayidoo intaasi jirto Somaliyeey aniga waxaan hooyada Somaliyeed u bixiyey ( Iftiinka bulshada)


Hoga Wararka Sugan
Hiran state online
C. Khalif
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post