Asc Dhaman inta wax ku qorta inta ku xirane aqrisa iyo maamulkaba salaan  gaara Mr D/Wadaag suaasha ah dumarka maseyrka ma wuxuu ka yahay jaceyl ay u  ahayaan ninka qaba mase waa xasidnimo iyo naf jecleysi  aankala qaadno.  Xaaskaada kowaad  hadey kuu heyso ilmo ayna tahay mid dhanwalba kaa  anfacday xaga gogasha nadaafad owlaadeeda daryeesha ayna leedahay  sifooyinka naagaha wanaagsan aadna aheydeen dad isku qanacsan hadaad  la guursato taasi maseyrkeedu waxaan kutilmaami karnaa (jaceyl ) hadii  ayse noqoto xaaskada  haweeney dhalmo deysay ama dhalyar ama aaban  dhalin waligeed oo ay kaa maseyrto taasi waxan kumacneyn karnaa  Xaasidnimo.GUUD AHAAN maseyrku waa wax ku abuuran insaanka weyse ku kala  duwanyihiin dumarka waxa inaga mida qaar meel cidla ah ka hinaasa oo  sabab unoqda in lala guursado iyo qaar wax cad markey arkan hinaasa iyo  qaar aaban hinaasin bal ku kaalmeeya ragooda iney guursadaan.Maseyrku  wuxuu ku dhaxalsiin karaa waali iyo isagoo kaa saara nolol wanaagsan kuna  dhaxalsiiya dulinimo hadaad ahaan jirtay qof aamusan waxaad noqoneysaa  qof hadal badan waxaa laga yabaa inaad sheydan saaxiibb la noqoto qofka haduu  sheydan wehel u noqdana aduunkana qiimo kuma yeesho aaqirana xisaab Eebe  ayaa sugeysa Hadaan Dumar nahay midbaan u dardaarmayaa Hadaan ku qanacno  Qorshaha Eebe ogow Illaah nama dayici doono hadaanse ku qanci weyno  qorshaha Eebe waxaa laga yaabaa Minweyn xurmaleh adoo ahaa inaad Noqoto  Minyaro ku nool Walaac  iyo is ilaalin waayo ninkan aad minyarada  u noqotay hortaa ayaa lasoo maamulay.Midna Raga ayaan u dardaarmayaa  dumarka illaah idiin baneeyay ku dhaqa cadaalad runtana u sheega  midwalbana uu muuji inaad iyada dunida ugu jeceshahay Allana  kaalmeysta.Mida iigu danbeysa oo aan ku soo afmeerayo qoraalkeyga waxey  tahay.Ninka qaba hal ka badan ee hadana damca inuu badsado mid haka  taxadaro xaaskaada danbe waxaa laga yaabaa iney ka duwanaato kuwaadi hore  aan soo qaato qodobka ugu muhiimsan ee ah Raaxada guurka kuwi kuu  horeeyay hadey ahaayeen kuwa ku anfaca aadna ka heli jirtay raaxo  dhameystiran qofta danbana ay noqoto midaan garaneyn fadlan bar waxa ay  raaxo tahay hadiise adiga ay kuu soo hormareen kuwa adiga kaligaa aad  ka xaajo gudato  kadibna aad tiraahdo markan kaa muraadsado ma jecli in  jirkeyga lataabto oo aad hurdo la dhacdo taasi ma soconeysee ogaada sida  aad u jeceshiin wax walba oo raaxo laga heli karo ayay u jecelyihiin  iyagana  Rag waxaa jira hadey islaantiisa baasheyso ka lalaboonaya  arintaa ka wacyi galiya raga Raaxo taam noqoshadeeda waa iyadoon laqarin  siwalboo aad jeceshahay iyo dareenkaada dhabta ahee illaah kuugu deeqay  waa aragtideyda waadna mahadsantihiin. W.W.W.
--------------------------------------------------------------------------- 
Waxaa qortay Runsheeg dumar wuxuu ahaa commenti markan akhriyay commentigeeda ayaa la dhacay hadalka ay qortay waa wax aad u anfacaya nimanka iyo naagaha soomaaliyeed runsheeg dumar aad baad u mahadsantahay 

sck bacda salaan masha alh waaye barnamigka aad wanadaan koley waxan ka mit ah akhristayasha qisoyinka wanagsan oo aat qortaan waxaana idin lee yahey jasaakalaah meyshina ka wada koley insha alh waxii ala ah oo aat iga bahataan oo ku sabsan arimahan inta aan karo waa iga diyaar insha alh wabilaahi owfiiq
ReplyDelete