Ma kuu sheegaa Sirta ka dambeysa Webseedyada badan ee Soomaalida?

Bismillaahi Raxmaani Raxiim.
Assalaamu Caleykum….
Intaas kadib ilaahey baa mahad leh Allihii caafimaadkan ina siiyay, awood aan ku caabudnana noo dhameystiray.
Waxaan jecelaaday inaan faah faahin yar iska bixiyo aniga inta xuuraansigeygan aanan u guda gelin.
Magaceygu Waa Maxamed Bashiir, waxaan ku guda jiraa arrimaha Saxaafadda gaar ahaan Bahda Qoraalka ku dhawaad mudo 5 sano ah, waxaan in badan la soo shaqeeyay webseedyo caan ah oo afka Soomaaliga wax ku qora iyo warbaahinta qeybaheeda kale.
Hadaan u gudo galo Qoraalkeyga waxaan rabaa inaan iftiin badan uga bixiyo Umadda Soomaaliyeed inta qibradeydu la eg tahay, maxaa yeelay waxaa had iyo jeer igu soo noq noqota su’aal ah,
Maxaa laga faa’iidaa Webseedyada sameyntooda?
Webseedyada sameyntooda sidaan la socono mudooyinkii ugu dambeeyay waxay noqdeen kuwo aad u batay, waxaana dhihi karaa in dukaamo (Meherado) oo kale loo furtay.
Aad bay u fiican tahay inaan arko Warbaahinteenna oo badata, balse tiro badashadoodu waa mid aan qiimo ku fadhin dhan kasta maanta, taasna mid idin ka qarsoon maahan Shacabku iyagaa kala garsoori kara.
Waxaa mudan inaanan dafirin inay jiraan Webseedyo aad u tiro yar oo waajibaadkii la rabay ee Warbaahineed ka soo baxay.
Inta badan Webseedyadan tiro batay waxaa furtay ama sameystay sida jawaabta u kuur gelideydii aan ka helay dad aan aqoonta Qorista Afka Hooyo iyo tii Saxaafaddaba wax badan aqoon u laheyn, balse diiradu u saartay qodobo aan hoos ku sheegi doono.
Intaanan qodobada (Sirta) kuu sheegin inaad ila ogaato aad bey u fiican tahay in dadkeenna Soomaaliyeed Webseedyada xumaanta ama dadka lagu caayo ay aad u aqristaan, taasina ma garanayo aniga wax aan ku tilmaamo..!
Qodobo badan oo sirta Webseedyadani u tiro bateen ay asal u yihiin ayaa kala ah:-
  • Lacag laga helo Webseedyada, waa hubaal inaad is weydiineyso sidee lacag looga helaa?
    Jawaabteeda waa tan “Waxaa lacag looga helaa webseedyada qaabab badan, qaabka ugu badan ee Soomaalidu aadka u adeegsato waa Xayaysiinta Shirkadda Google ay bixiso, taas oo la dhaho Google Ads, waxaa jira Webseedyo Shirkadda Yahoo xayaysiimo tan la mid ah iyana ka hela, balse waa isku mid, waxayna xayaysiimahani ka helaan webseedyada halkii mar ee click ama Gujji la siiyo 1$, iyadoo qaar intaa ka badan ay jiraan”
Waa Tusaale Google Ads ah
* Waxaa jira Webseedyo aan badneyn oo iyagu xayaysiimo ka baxsan kuwa Google iyo Yahoo ku hela lacag, taasina waa tusaale Shirkadaha Xawaaladaha oo xayaysiin loo sameeyo.
* Qodobkan waa sababta ugu badan ee Webseedyo badan sameyntooda asal u tahay, waxayna si aqristayaal badan u helaan sameeyaan warar aanan sax aheyn (been abuur), taas oo aan filayo inaad aragteen.
* Qabyaalad “Inkastoo xilligan la joogo qodobkan aanu aad u badneyn, hadana waxaa jira Webseedyo tiro yar oo wali af qabiil ku hadla, ma ahan in magaca webka laga garan karo qabiil, balse qofka sameeyay ee wax ku qora ayaa Qabyaalad u adeegsada isagoo huwan magac Warbaahineed “
* Gaaritaanka Warbaahin dhab ah “Waa yar tahay inta u shaqeysa Warbaahin rasmi ah, balse inta hadda jirtaa %90 way ka tiro yar yihiin aqristayaashoodu kuwa kale ee beenta qora”* Ujeedka Warbaahinta ceynkan ah waxa uu yahay gaaritaanka Warbaahin dhab ah oo kuwa Caalamka lamid ah, waxayna had iyo goor ku dadaalaan xaqiiqda dhabta ah sidii ay u heli lahaayeen.
* Urur (Siyaasad iyo Bulsho) “Webseedyada noocan ah waxaa uu ujeedkoodu yahay taageerida Ururro Siyaasadeed, iyadoo qaar kale oo ka duwan iyana ay sameystaan Urarada Bulshada, waxayna ku soo gudbiyaan ajandahooda shaqo”.
Intaan oo idil waxaan ku soo helay xuuraansigeyga iyo su’aashii dad badani i weydiiyeen, kuwa kaloo badanna ay wali is weydiinayaan, waxaanse filayaa in daah fur intaa ka badan ay jiri karto, balse waxaan ku cudur daaranayaa inay intaasi tahay inta qibradeydu la eg tahay iyo natiijadii aan ka helay u kuur galideydii Su’aashan aan ciwaanka uga dhigay Qormadeyda.
Wabillaahi Towfiiq
Wixii qalad,sixitaan iyo talo celin ahba iigu soo dir Ciwaankeyga:-midnimo55@hotmail.com
W/Q:- Maxamed Bashiir Midnimo 
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post