Ereyo Soomaali oo macne kale yeeshay 2011

Maxaad ka taqaana afsomaliga cusub ee sanadka 2011-ka?  Mase jaceshahay in aad waxka ogaatid waxa ay isla dhex jiidhayaan jiilka hada soo kacay? waxaa yimid odhaahyo cusub oo ay isku afgartaan jiilka hada, laakiin waxaa ku jaahwareeray kalmadahaasi dadkii waaweynaa iyo kuwii ka yimid meela klale sida qurbaha.
1. Igu lambary – waa lambarkaaga ii qor
2. Waa baska dambe – waa carmal
3. Waan ka lushaa – waan jecelahay
4. Cid kale ay urarantahay – mid kale ayey la wadaa
5. Gaarigayga maahan – noocan kama helo
6. Igu liq- warka isii
7. Dawami – dhib
8. Wa igu jiq – mobelkaa iga madhan
9. Igu looxo – lacag isii
10. Waan tufay- waan nacay
11. Waa igu jug – meel bay iiga taalaa
12. Luuq buu ku jiraa – waa xaas
13. Igu ifi caawa – aynu kulano caawa
14  Wuu dhalaalayaa – dibaduu ka yimid
15. Biyaha dahabka iga daa – beenta iga daa
16. Way tigtigantahay – waa tahriib
17. Jeebkiisaa qoslaya – waa oday
18. Lug bay aastay – way guursatay
19. Tacsibaa utaal – waa lala guursaday
20. Laydhka iga daa iyo qaar kaloo badan oo aan halkan lagu soo koobi karin.
nadar abdilaahi haaji
nadarjeesto@hotmail.com
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post