Sida xabadsowda loogu daaweeyo kacsi yarida

Sida la ogyahay xabad-sowdo waa daawo cudurro badan baa lagu daaweeyaa, marka waxaa lagu daaweyn karaa kacsi yarida ama howlgabka nin iyo naagta soo waajaha marka sidan u samee haddii aad rabto inaad adeegsato xabad-sowda

Waxaad ku dhex shiidaysaa 200 GRM xabad-sowda  100 GRM saliid saytuun, kaddib waxaad ku daraysaa 

luubaan  shiidan 50 GRM kaddib waxaad ku daraysaa saliid xabad-sowda 50 GRM kaddib bagal 50 GRM

kaddib waxaad ku daraysaa 200 GRM malab si fiican ayaad isu qasaysaa marksta aad qado ama quraac

ama casho aad cunto waxaad liqaysaa hal qaaddo

11 Comments

  1. Anonymous3/23/2011

    marka hore waan idin salaamay akhyaarta webka
    sxb waxani waa cilmi waana fiicantahay n la barto idinka soo diyaariyana alle ha idinka jasaa'i siiyo.
    markaa waxaan rabaa dawadan aad sheegteen
    luubaan macnaha maxaad uga jeedaan afsomaligu waa is margi oo waa iska micno badanyahaye
    sidoo kale mxaad uga jeedaan bagal

    ReplyDelete
  2. Anonymous3/23/2011

    walal wad mahadsantihiin sida diiran o aad nogu jaahil bixinesan aqoon darida iyo dhibka ina hestaa aad wada allah furee no hagajinesaan marka labad walal timirta iyo tuunta maxe wax tar uleeyihiin caafimaadka guud? mahadsanidiin walalayal insha allah jawab

    ReplyDelete
  3. Timirta waxay leedahay nafaqo aad badan waxay xoojisaa murqaha iyo dareemaha

    jirka, jirkana waxay ka ilaalisaa gabownimada degdegga ah, timirta waxaa kaloo ay

    daaweysaa dhiig yaraanta iyo cudurada xabadka ku dhaca, naagaha uurka leh waxay

    u keentaa itaal iyo firfircooni, ilmaha yaryar si dhqsi bay ku korisaa indhaha waxay ka

    ilaalisaa cudurada soo waajaha, subax walba ruuxa caano ku cuna timirta waxay u

    keentaa xasillooni waxay ka qaadaa murugta, mindhicirada waxay ka ilaalisaa

    xanuunka maskaxdana way xoojisaa beerkana way nadiifisaa awoodda galmadana

    way kordhisaa, timirta waxay leedaha Fitimiin (A) fitimiin (b) lama soo koobi karo

    faa'idooyinka ay leedahay timirta

    toonta wax badan ayay qabataa waxaa ka mid ah
    1- jirka ayay ka ilaalisaa sunka iyo jeermiska
    2- caloosha ayay nadiifisaa marka lagu darsado malab
    3- dhiig-karka way u fiicantahay
    4- kaadida ayay socodsiisaa meelaha kaadida soo martana way furtaa
    5- amiibiyadana (dosantarida) way dishaa
    6- calool-xanuunka way roontahay
    7- hargabkana way ka hortagtaa
    8- qofaca daran way joojisaa
    9- kansarkana way la dagaalantaa
    10- gooryaanka way dishaa
    11- cadhada way fiicantahay
    12- maskaxdana way uu fiicantahay waxay kordhisaa xafidaada
    13- cirridka iyo ilkaha way xoojisaa
    14- awoodda galmada way badisaa
    15- madax xanuunkana way u roontahay

    ReplyDelete
  4. Anonymous3/24/2011

    mahadsanidiin walalayaal aad iyo aad

    ReplyDelete
  5. Raaxada guurka kheyr allaha idinsiiyo waayo waxaa la idinku qabaa faa iido badan shukran

    ReplyDelete
  6. walayaal wa idin salamay marka hore mahad gaar ah ayaan hawada idin so marinayaa marka labaad waxaan yaraanteydi maqli jiray qofka marku subixi so kaco ama subax walbo hadu sacab biyo ah ama biyo qaboow u indhahiisa ku shubu ama intu welku ku shubo madaxa dhex gashta kadibna indha ku furo si ay indhaha biyahay qabow u gaaraan waxe leedahay caafimad buuxa dhanka indhaha weyna adagtahay hadi ad ku wado sidaas si ay indhahaga caad ku yeshan ama itaal dareeyaan inkastoo wax walbo amar allah tahay maxa ka hiro hadalkaas in an xaqiiqsado umada ay ogadan ayan jeclahay walalayaal mahadsanadiina idin leeyahay insha allah jwb ayan idinka sugayaa wabilahi towfiiq] waaxan kalo codsanaya dhanka cafimadka in an inogu so dartaan cafimadka indhaha taxadarka iyo dhibatada u leyahay kumbiiterka ama internetka o ad moodo in zaa'id loogu dhibanyahay insha allah allah ha idin wafajiyo kher

    ReplyDelete
  7. runtii waad mahadsan tihin dhaman bahda abka iyo dhalinta ka qeynqadansyo arinkaas ,su asha an rabo in an waydiyo bahda wabka ayaa ah mesha loga darayo lubanta soma ficna in lagu daro wax kale badalkeda hadii ay jirto,luubantu se ma xabagtaa msie waa wax kale ,mahadsanidn

    ReplyDelete
  8. lubaanta waa xabagta carafka badan

    ReplyDelete
  9. asc bahda cafimadka aad ayan idiin salmey salankadib walayal waxan raba inaad iisharaxdan wax yabha kacsiga badiya iyo biyaha shahwad inta kadi akhyarta aniga sidii horoo aan u kac san jirey umakacsado awal marwalba oo aan qof duma ah arko oo waan kac san jirey had lakiin hadan xitaa baska wad raac no oo aan is ku kuri si ku fariisano makcsado hameen kii wan riyoon jirey had mudo ku dho sanad mariyoon max keeni kar arintaas jawab

    ReplyDelete
  10. shardi ma aha inaad marwalbo aad kacsato, ee naftaada haka shakinin, waagii hore waxaa laga yaabaa qaangaar ayaad ahayd, cuntadada kacsiga bainayso webkan ayaan ku faahfaahinay ka dhex raadi

    ReplyDelete
  11. masha Allah
    wllaha webkani allaha idinka ajirsiiyo sida wanaagsan ee aad aqoontiina noola wadaagten
    waad mahadsanthn

    ReplyDelete
Post a Comment
Previous Post Next Post