Shukaansiga soomalida oo weji cusub galay & Erayada cusub ee raga adeegsadaan


Af-Somaligu wuxuu ka mid yahay Afafkaas faraha badan ee ka jira dunida. Waxaana lagaga hadlaa wadamada JSL, Somaliya, J. Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya. Mana jirto cid garaneysa xilligii uu bilaabmay ku hadalkiisu, lamana yaqaan tirada dadka ku  hadasha inta ay dhan tahay, laakiin arinta cid kastaaba ogtahay waa xilligii la qoray oo ahayd 1972kii?.
Erayada Sportiga ee loo adeegsado Hablada soomaliyeed..
Ummadda kasta oo ku nool dunida guudkeedu waxay leedahay “Af  ama Luqad”u gaar ah oo ay isku afgartaan wada hadal iyo qoraalba taas oo ay kaga duwan tahay  Ummadaha kale ee ay isu dhow yihiin degaan ahaan amase ay kala fog yihiinba..
Afsoomaligu markuu qornaa mudo kooban oo ah 17 oo kaliya ayaa waxaa dhacay  burburkii Soomaliya taasina waxay hakisay dhamaan howlihii socday oo ay ka mid ahaayeen amase ay ugu weyneyd cilmi baadhistii guud ee Luqada Afsoomaliga.
Waxaa  joogsatay sixitaankii Luqadeed ee ay wadeen Khubarada Afsoomaligu,waxaan suurto gelin in la diiwaan geliyo erayada cusub ee ku soo biiraya Afka Soomaliga,guud ahaana waxaa meesha ka baxay howl kasta oo loo qaban lahaa Luqada Soomaliga,waxaanan filayaa in marka laga baxo xaalada hadda jirta  Luqada Afsoomaliga loo qaban doono wixii loo qaban karo.
Intii ay jirtay luqada Afsoomaligu waxaa markasta soo baxayey erayo cusub oo ku soo biirayey , haddii ay tahay qoraal ahaan ,hadal ahaan iyo sida erayga macna ahaan loo isticmaalaba,erayada cusub ee Soomaaliyoobay inta badan waxay ka yimaadeed wadamada deriska ah  iyo kuwa inga fogfogba,kuwaas oo dad aad u fara badan  ay u qaxeen ilaa haddana u sii qaxayaan ,erayada macnihii loo isticmaali jiray la bedelayna waxaa inta badan ka masuul ah dhalinya rada Soomaaliyeed  wadan kastaba ha joogeene.
Erayadii sanadahaa 1980-kii hirgalayna waxaa ka mid ahaan jiray kuwan hoos ku qoran .
Jiroos – ku dhac – waan u genbiyey – waan ka dhigtay – Dhoore – Xariifka – Reer baadiye, Aw Cismaanka – Wuu bacaysan yahay – Waa laga danbeeyaa iwm.


1 Comments

  1. afka somaliga 50% waa carabi, xoogaa hindi erya badan ayaa laga helay,fraacinadii hore xataa afkeena qaar ayaa wadaagnaa,eraya badan af talyaani ayaa ku jira,jermal..........arinta ayaa la yaabay 1997 nin sirilanka ayaa wada fadh...inay mid kale ayuu ku yiri kari kari ereygii ayaa la yaabay , markaas ayaa ku iri fasir waxuu iu dhahay cooking ayaa loola jeedaa,waxaa la isku raacay afkeena in uu yahay qadiim,markii la soo qaxay wax badan ayaa la ogaaday, sida afka somaliga,dhaqanka , iyo qabaaîlka somalida sidii kala yihiin.

    ReplyDelete
Post a Comment
Previous Post Next Post