Daraasad ku saabsan kaniiniga Viagraha

Sildenafil citrate waa magaca cilimga ah ee dawada (generic name), waxayse ku caantahay magaca VIAGRA oo ah magaca ganacsi ee dawada.(trade name). halka macagaca chemical ka ah ee dawaduna uu yahay:
( 1-[[3-(6,7-dihydro-1-methyl-7-oxo-3-propyl-1H-pyrazolo[4,3-d]pyrimidin-5-yl)-4-ethoxyphenyl]sulfonyl]-4-methylpiperazine citrate).
Sida macruufka ah waxa jirta in dawo kastaa leedahay magacyo badan sida chemical name, brand name and generic name waxase inta badan la istic maalaa magaca ganacsiga ee brand name loo yaqaano kaas oo ah magaca shirkada soo saartay dawada u gaarka ah. sidaa awgeed magaca viagra waxa iska leh shirkada caanka ee dawooyinka soo saar ta ee Pfizer pharmaceutical incorporated.
Waxay ahayd march 1998kii markii ugu horaysay ee suuqyada dawooyinka ay soo gasho dawadani. Ka dib markii ay ansixiyeen hay’ada Food and Drug Administration (FDA).
Sida lagu cadeeeyay cilmi baadhis la soosaaray dhawaan sagaal midh oo kiniin ah (9 tablets) ayaa seconkii kasta la qoraa aduunka korkiisa, waxa kale oo sii dheer inta an dhakhtar uqorin ee layska isticmaal.
In ka badan 600,000 (lixboqol oo kun) oo dhakhtar ayaa waxay u tahay dawada koowaad (first choice) ee ay ku daweeyaan xanuunka loo yaqaan ( impotency) xanuunkaasi oo ah awood daro ku timaada xubnaha galmada ee raga.
Waxyaalaha dawadu ka kooban tahay
Hadaba aynu ku horayno waxyaabaha ay ka kooban tahay dawadadani (ingredient)
Active ingredients: Sildenafil citrate
Excipients: microcrystalline cellulose, calcium hydrogen phosphate (anhydrous), croscarmellose and magnesium stearate.
The film coat of the tablet contains
hypermellose, titanium dioxide (E171), Lactose, triacetin and indigo carmine aluminum lake (E132).
Waxaad ogaataa in xabada yare e kiniinka ahi ay ka koobantahay waxaas oo chemicals ah taasi oo keeni karta khatar caafimaad hadii si qaldan loo isticmaalo.
Doses ka uu ku yimaado kiniinkan waa
25mg, 50mg and 100mg
film coated tablets.
Maxaa loo isticmaalaa dawadan
Waxa loo isticmaalaa in lagu daweeyo xanuun ka mida xanuunada ku dhaca xubnaha taranka ee labka ama raga, waxaana loo yaqaanaa(Impotence (erectile dysfunction) xanuunkaas oo dad badani u yaqaano (CINIIN NIMO) xubinta labka oo aan awood yeelan xiliga galmada.
Saldanefil waxay ka mid tahay groupka loo yaqaano( phosphodiesterase type 5 inhibitors) taasi oo macneheedu yahay dawadani waxay joojisaa ama ka hortagtaa chemicals ka loo yaqaano phosphodiesterase type 5.
Phosphodiestrase waa enzyme laga helo meelo badan oo jidhka banii aadamka kamida waxaanu jabiyaa dabarka (bond) loo yaqaano phosphodiester bond ee laga helo nucleotideska.
Waxa kale oo ka mida groupkan
Levitra (vardenafil), Cialis (tadalafil) iyo kuwo kale.
Inkasta oo ay adagtahay in aynu maqaal yar ku soo koobno shaqada iyo waxyaabahay ay jidhka u qabtaan chemicals kani hadana bal aynu isku dayno inaynu fahamno inta ka khusaysa dawadan aynu ka hadlayno.
Mar hadii aynu nidhi dawadani waxay xoojisaa awooda xubinta raga wakhtiga galmada: aynu is waydiinoo sidee ayaa arinkaasi udhacaa:
Waxa ay udhacdaa hab adag oo aad u balaadhan(complex chain of events), si kooban hadaynu u sheegnana waxa dhacda in marka dareenka jinsigu yimaado ay ka yimaadaan signals ama ishaarooyin dhinaca maskaxda kuwaas oo keena in la soo daayo chemical messangers within the tissues of the penis.
Mid ka mida chemicals kaas oo loo yaqaano cyclic GMP ayaa waxay sababtaa in ay dabcaan (relax) muruqyada yar yar ee laga helo xididada dhiiga taasina waxay keentaa in ay balaadhaa xididada yar yare e dhiiga u keena xubinta labka taasi oo sababta in xubintu adkaato oo awood badan yeelato.
Hadaba sida caadiga ah waxa dhacda in chemicals kaa aynu soo sheegnay ee cyclic GMP in la burburiyo oo ay burburiyaan enzymes ka kale ee loo yaqaan phosphodiesterase type 5 dabadeedna xaaladii ku noqoto caadigeedii hore.
Sidaa awgeed Viagra wuxuu ka hortaa in la burburiyo chemicals ka cyclic GMP isaga oo joojinaya shaqada phosphodiesterase type 5. Taas oo macneheedu noqonayo waxa sii socda dhiigii badnaa ee soo galayay xubintan aan kur ku soo xusay taasina waxay keentaaa in adkaanta ( rigidity) iyo taagnaantu( erection) ay sii jiraan.
Marhadii Viagra uu ilaaliyo shaqada chemical messengers ka sababaya ererction ka waxa uu shaqaynayaa oo kaliya marka messenger kaasi la helo tasi oo macneheedu noqonayo in loo baahan yahay galmo
Hadaba waxa halkaa ka cad in ay wanaagsan tahay in la qaato daawada sodon daqiiqo ilaa saacad ka hor xiliga galmada.

Digniin

Inkastoo ay haboontahay in dhakhtarka kuu qoray dawadu uu ku siiyo talooyinka lagama marmaanka kuu ah marka loo eego xaaladaada caafimaad, hadan si guud markaynu u hadalno waxa muhiim ah:
1. In la qaato dawada cuntada ka hor waayo cuntadu waxy keeni kartaa in ay wakhti badan qaadato shaqada dawadu, iyo in wax tarkeedu yaraado.
2. Inaanad qaadan dawada iyadoo aan dhakhtar kuu qorin, una isticmaal sida dhakhtarku kugu la taliyo oo kaliya.
3. Inaanu qofku kaxayn gaadhi ama dayac tirka enginada iyo warshadaha,waayo dawadu waxay keentaa dawakhaad (dizziness) iyo khalkhal dhinaca araga ah (visual disturbances).
4. Hadii erection ka ama taagnaanta xubintu sii socoto in kabadan afar saacadood oo ay dhacdo xaalada loo yaqaan (priapism) si dag dag ah dhakhtar ugu tag waayo waxa dhici karta in dhaawac soo soo gaadho tussueska xubinta dabadeedna dhibaato tii hore ka wayni timaado.
5. Hadaad aragto araga oo si dag daga hoos ugu dhacay jooji dawada oo la tasho dhakhtar. Hana qaadan dawada hal mar wax ka badan maalintii.
Si taxadir leh u isticmaal hadii ay jiraan xaaladahani
1. Dadka da’da ah
2. Qofka qaba xanuunada kalyaha, beerka, haemophillia, active peptic ulcer.
3. physical Abnormality of the penis.
Dadka aan isticmaali Karin
1. Dumarka
2. Qofka da’diisu ka yartahay 18 sano
3. Dadka qaba xanuunada wadnaha sida:( sever heart disorders) sida angina pectoris, heart attach.
4. Hoos udhaca pressure ka dhiiga(hypotention).
5. Dadka qaata dawooyinka loo yaqaan: NITRATE MEDICATIONS sida: glyceryl trinitrate or amyl nitrite “poppers”.

Waxyeelada dawada
madax xanuun, dawakhaad, khalkhal ku yimaad araga, maqalka oo daciifa, dheefshiidka oo xumaada (indigestion). Muruqyada oo xanuuna, garaaca wadnaha oo kordha (tachycardia). Daal farabadan, dareenka jidhka oo yaraada, Prolonged erection, or persistent painful erection of the penis (priapism).
Gabagabo
Waxa jirta in dawadani ay tahay dawo xanuun lagu daweeyo, ee anay ahayn dawo cid waliba iska isticmaali karto, sidaa awgeed waxaan u soo jeedin lahaa dhalinyarada caadaysatay isticmaalka dawadan iyadoo aan caafimaad daro u gayn, inaanay dhib gacmahooda ku doonanin ee ay ku mahad naqaan awooda alle u dhamystiray, oo ay ka fogaadaan isticmaalka kiniinada noocan oo kale ah.
Waxaana daliil kuugu filan inta nooc ee chemicals ka ah ee laysku daray ee ay ka samaysantahay taasi oo dhibi ka iman karto hadii si qaldan loo is ticmaalo.
Marlabad ila eeg maadooyinka kala duwan ee halkii xabo ee Viagra ahi uu ka kooban yahay
Ingridients of one tablet of VIAGRA is : Sildenafil citrate microcrystalline cellulose, calcium hydrogen phosphate (anhydrous), croscarmellose and magnesium stearate, hypermellose, titanium dioxide (E171), Lactose, triacetin and indigo carmine aluminum lake (E132) iyo kuwo kale.
Dawadu waxay dhaawici kartaa caafimaadkaaga hadii aad si qaldan u isticmaasho ee si taxadir leh u raac talaabooyinka dhakhtarka kuu qoray dawadu ku siiyo.
waa kalamadaha ku qoran waraqda yare e lagu soo rido galka dawooyinku ku jiraan intooda badan.
Si xun u isticmaalka dawooyinka (medication errors) waxay dhibaato ka soo gaadhaa malaayin qof sanad walba, halka billions of dollars ay ku baaba’aan dhibaatooyinka ay keenaa dawooyinku.
Ka digtoonaw isticmaalka dawo aan dhakhtar kuu qorin nooc kasta oo ay tahay.
Waxaana muhiim ah in la ilaaliyo shantan qodob ee ku bilaabma xarafka “R” ee la yiraa “R’s”, si looga hortago dhibaatada dawadu leedahay iyada oo ay iska kaashanayaan dhakhtarka dawada qoraya pharmacist ka iyo qofka bukaha ahi.
Right patient
Right drugs
Right dose
Right rout
Right time
Wa bilaahi tawfiiq:
C_qaadir88@hotmail.com
(source:somalilandedu.net)

2 Comments

  1. Dood wadaag3/28/2011

    Asc dhammaan

    Waad ku mahadsan tihiin sida fiican ee aad uga hadasheen kiniinkan VIAGRA. Waxaadse ka tagteen qayb muhiim ah oo ku saabsan kiniinkan. Kiniinkani markiisii hore ee la baadhayey waxaa loo raadinayey in lagu daweeyo cudurrada wadnaha.
    Ka dib markii lagu tijaabiyey rag da' ahaa oo qabay wadno xanuun ayaa si lama filaan ah waxaa la arkay odayaashii oo xubintooda taranku kacdey. Halkaas ayaana lagu ogaadey faaiidada kale ee uu leeyahay kiniinkani. Markaas ayaa lagu sii sameeyey baadhitaan kale, lana ogaadey in loo isticmaali karo cudurka ciniinka ee ku dhaca ragga.

    Sildenefil ama Viagra looma isticmaalo oo keliya ciniinimada ee wadnahana waa loo isticmaalaa. Mana aha ragga oo keliya ee dumarkana waa la siiyaa marka laga daweynayo cudurrada wadnaha. Haddaba meesha aad leedihiin dumarku ma qaadan karaan waad ku khaldan tihiin. Waxayse dumarku u qaadan karin cudurka ciniinimada laakiin xanuunnada wadnaha waa loo siiyaa. Waxaanan aqaannaa qof dumar Somali ah oo qabta wadna xanuun oo la siiyo kiniinkan. Waanan hubaa ee wax la ii sheegey ma aha.

    ReplyDelete
  2. Anonymous8/04/2015

    mahadsanid

    ReplyDelete
Post a Comment
Previous Post Next Post