Qabatinka ama laasimida aalada kumbuyutarka ayaa xilligan dad badan  waxay ku tahay mid ay u isticmaalaan si aan  kala joogsi lahayn, iyada  oo ay inta  u sii dheer tahay isticmaalka Internet-ka oo uu dilooday.  Nin u dhashay wadanka Shiinaha ayaa dhawaan naftiisii qaaliga ah ku  waayey adeegsiga kumbuyuyatar ka dib markii uu dul fadhiyey mudo sadex  maalmood ah oo aanu waxna cabin waxna cunin.
Wargeyska ayaa sheegay in ninkan uu khamaar ciyaarayey, isagoo laga  helay lacag ku dhaw 1500 oo doola. Taasi oo keentey in uu ku mintido  qamaar ciyaarkiisa ilaa uu soo ceshado lacagtiisii, hase yeeshee taasi  waxay keentey in aanu waxba cunin oo waxba cabin mudadaas.
Wargeysku wuxu xusey in dalka Shiinaha 33 milyan oo dhalinyaro ahi ay  qabitimeen qamaar ciyaarka komputerka oo ay ka kicin komputerada.  Tanina waxa ay si weyn uga yaabisay laamaha caafimaadka wadankaasi.  Shiinaha 450 milyan oo qof ayaa isticmaasha Internet-ka taasi oo ka  dhigaysa wadankaasi halka ay ku nool yihiin dalka ugu badan ee  isticmaala komputerka.
source: somalilandedu.com
