Maahmaahyo laga yiri jacaylka

Waxa aan maanta soo qaadan doonaa dhowr maahmaah oo ah kuwa ugu caansan ee jaceylka laga yiri.
In kastoo ay badan yahiin waxa laga yiri jaceylka ayaan hadana jecleystay in aan qormadan ku soo gudbiyo dhowr maahmaahood oo ku saabsan jaceylka.
Mahmaahda ayaa ah hadal aad u gaaban balse xigmadeysan kana duwan gabayga iyo geeraarka, waxaana jira in inta badan soomaalida ay deegaan deegaan isku hadal gartaan, balse waxa aan isku dayi doonaa in aan ku soo qaato qormadan dhowr maahmaahood oo aan is leeyahay waa dhexdhexaad oo deegaan kuma koobna.
Ha igu colaadin hadii aad aragto maah maah adiga kula qaldan maxayeelay aniga ma oran,ninkii yirina waa ibnu aadan adigoo kale ah oo magafe waa alle.
1. Beer oo dhan tabcasho kuma wanagsana,dadka oo dhanna jaceyl.
2. Calafku waa sida mir geed saaran oo kale oo ma dooran karto halka ay dhulka kaga dhaceyso.
3. Faqriga marka uu albaabka ka soo galo jaceylkana daaqada ayuu ka baxaa.
4. Gacal isma cariiriyo.
5. Haween ilaahow yaaneyn na jeclaan nalagama karee,oo yaaney na nicin nalauma karee.
6. Hawo guur iyo hami jaceyl nabad baa leh.
7. In wax la jeclaado waa in nafta dhib lagaliyo.
8. In wax la jeclaado ayaa ka fudud in qof ku jacel la ogolado.
9. Indho is jacel isma eegi karaan.
10. Is arag aqoon kama horeyso,wax isa siina kalgaceyl kama horeeyo.
11. Jaalahaa kuma jabiyo.
12. Jaceyl aan dhun kasho laheyn wa sida shah aan sonkor laheyn.
13. Jaceyl aan hanti laheyn hawada ayuu guursadaa.
14. Jaceyl aan lagula wadin waqtigaaga yuu lumin.
15. Jaceyl maqeybsamo.
16. Jaceyl oraahmaahee waa ficil.
17. Jaceyl wiil lagu madhalo.
18. Jaceylka dhabta ah ma duugoobo mana daxaleysto.
19. Jaceylka waa sariirta un.
20. Jaceylka waa cudur qofka la jacelyahayna waa daawo.
21. Jaceyka waa hadba aragtida qofka.
22. Jaceylku waa in dho la’yahay.
23. Jaceylku waa naar.
24. Jaceylku waa sida mir geed saaran oo ma dooran karno qofka aan jeclaaneyno.
25. Jaceylku waa jin.
26. Hooyo la jacelyahay ilmaheeda lama tumo.
27. Maseyr badan jaceyl badan.
28. Mir qurxoon oo aan la goosaneyn waxa ay leedahaya cilad.
29. Ninka wax jacel waa in dho la’yahay nagta waxa jacelse hal il bey la’dahay.
30. Qalbigu labo ruux mawado qaado.
31. Qof aad nacebtahay qof aad jaceshahay ayuu ku dhaafiyaa.
32. Qufac iyo jaceyl ma qarsoomi karan.
33. Qofka aan jacelnahay waa naqaan balse qofka na jecel manaqaan.
34. Qofka la jacel yahay waa sax markasta.
35. Sirta farxada nolosha waa in waxa la jeclaado.
Hababa aqristow ha u qaadan in maahmaahdu tahay qowl anbiyo, ogowna in ay tahay hadal qof caadi ah yiri oo wax ka badal iyo waxa kudarid leh.
Abdifitah Abaal
(source: wariyaha.com)

7 Comments

  1. Anonymous9/12/2011

    kkkkkkkkk anigu wxn ka yaabay jacyl wiil laguma dhalo waaaaa yaaaaaaaaaaaaaaab

    ReplyDelete
  2. kkkkkkkk jacayl waa jin iyo wiil laguma dhalo kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkv

    ReplyDelete
  3. Runtii aniga waxaan ahay qof ku nool dibada waxaan aad u akhristaa webkiina rintii webka ugu fiican baa dhihi karaa, aad baan ugu faafiyaa netka mahadsanidiin

    ReplyDelete
  4. ikkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    ReplyDelete
  5. Fartuun saaliax11/27/2015

    Far jacayl kama qodna waan la yaabahay sheekadan oo yaab kale sii keenta

    ReplyDelete
  6. Maashaa'allah waam kahelay maahmaahyada.mahadsanidiin.

    ReplyDelete
Post a Comment
Previous Post Next Post