Sir naageed waa sun aan la arkin


Nin ayaa wuxuu arkay naagtiisa nin kale gogol dhaaf la sameeneeso, ninkii maxkamada ayuu ku dacweeyay in lagu ciqaabo xeerka u dagsan dalka oo ahaa xiligaas mid aan ku saleesneen shareecadena Islaamka, maxkmadii waxay bala misay ...naagtii lagu tuhmayay in ay sameesay gogol dhaaf, waxaana loo sheegay in la dhaarin doono maalinkaas ay maxkamada la soo hor istaajiyo, naagtii arinta heesata waxay u sheegtay hooyadeeda kuna dhahday hooyo bad baado ayaan rabaa hadii kale xabsi ayaan galaa, hooyadii si kalsooni iyo niyad dajis leh ayee ku dhahday gabadheeda hooyo waa la xalinaa waxaas wax wayn ma ahan, dhibaatada hada ku heesato aniga ayaa kala tuuraya, maxkamadane waad ka guuleesan doontaa, gabadhii waxaa la amray in ay soo qubeesato sidaas waxaa faraya hooyadeed, kadib hooyadii waxay dhahday naa kaalay naaskeyga nuug "jiq", naagtii naaska hooyadeed ayee nuugtay, kadib hooyadii waxay dhahday markii maxkamada lagu soo taago waxaad ku dhaarataa in maalinkii aad naaska hooyadaa aad nuugtay kadib aadan nin nan la sameen gogol dhaaf "Zino", waxaa la iskuugu imaaday maxkamadii naagtii ayaa la dhahay dhaaro in aadan sameen wax gogol dhaaf ah, waxay ku dhaaratay in maalinkii ay naaska hooyadeed ay nuugtay kadib in macsi dhan sameen, wallahi billahi noloshayda in aan sameen wax macsi ah maalinkii aan naaska hooyadeeyda nuugisteda iigu dambeesay sidaas ayee dhahday kkkkk, qoloda maxkamada waxay uqaateen in gabadhaan markii yareed ee 2 sano jirka aheed naaska hooyeed ugu dambeesay, kadibne wax kale sameen, ninkii sidii ayaa lagu dhahay beenlow ayaa tahay, gabadhii la tuhun sanaane sidii ayee uga bad baaday xabsi ama dil, waxaana meel maray caqliga hoooyadeed. 
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post