Sildenafil citrate waa magaca cilimga ah ee dawada (generic name),  waxayse ku caantahay magaca VIAGRA oo ah magaca ganacsi ee dawada.(trade  name). halka macagaca chemical ka ah ee dawaduna uu yahay:
(  1-[[3-(6,7-dihydro-1-methyl-7-oxo-3-propyl-1H-pyrazolo[4,3-d]pyrimidin-5-yl)-4-ethoxyphenyl]sulfonyl]-4-methylpiperazine  citrate).
Sida macruufka ah waxa jirta in dawo kastaa leedahay magacyo badan  sida chemical name, brand name and generic name waxase inta badan la  istic maalaa magaca ganacsiga ee brand name loo yaqaano kaas oo ah  magaca shirkada soo saartay dawada u gaarka ah. sidaa awgeed magaca  viagra waxa iska leh shirkada caanka ee dawooyinka soo saar ta ee Pfizer  pharmaceutical incorporated.
Waxay ahayd march 1998kii markii ugu horaysay ee suuqyada dawooyinka  ay soo gasho dawadani. Ka dib markii ay ansixiyeen hay’ada Food and Drug  Administration (FDA).
Sida lagu cadeeeyay cilmi baadhis la soosaaray dhawaan sagaal midh oo  kiniin ah (9 tablets) ayaa seconkii kasta la qoraa aduunka korkiisa,  waxa kale oo sii dheer inta an dhakhtar uqorin ee layska isticmaal.
In ka badan 600,000 (lixboqol oo kun) oo dhakhtar ayaa waxay u tahay  dawada koowaad (first choice) ee ay ku daweeyaan xanuunka loo yaqaan (  impotency) xanuunkaasi oo ah awood daro ku timaada xubnaha galmada ee  raga.
Waxyaalaha dawadu ka kooban tahay
Hadaba aynu ku horayno waxyaabaha ay ka kooban tahay dawadadani (ingredient)
Active ingredients: Sildenafil citrate
Excipients: microcrystalline cellulose, calcium hydrogen phosphate (anhydrous), croscarmellose and magnesium stearate.
Hadaba aynu ku horayno waxyaabaha ay ka kooban tahay dawadadani (ingredient)
Active ingredients: Sildenafil citrate
Excipients: microcrystalline cellulose, calcium hydrogen phosphate (anhydrous), croscarmellose and magnesium stearate.
The film coat of the tablet contains
hypermellose, titanium dioxide (E171), Lactose, triacetin and indigo carmine aluminum lake (E132).
Waxaad ogaataa in xabada yare e kiniinka ahi ay ka koobantahay waxaas oo chemicals ah taasi oo keeni karta khatar caafimaad hadii si qaldan loo isticmaalo.
hypermellose, titanium dioxide (E171), Lactose, triacetin and indigo carmine aluminum lake (E132).
Waxaad ogaataa in xabada yare e kiniinka ahi ay ka koobantahay waxaas oo chemicals ah taasi oo keeni karta khatar caafimaad hadii si qaldan loo isticmaalo.
Doses ka uu ku yimaado kiniinkan waa
25mg, 50mg and 100mg
film coated tablets.
25mg, 50mg and 100mg
film coated tablets.
Maxaa loo isticmaalaa dawadan
Waxa loo isticmaalaa in lagu daweeyo xanuun ka mida xanuunada ku dhaca xubnaha taranka ee labka ama raga, waxaana loo yaqaanaa(Impotence (erectile dysfunction) xanuunkaas oo dad badani u yaqaano (CINIIN NIMO) xubinta labka oo aan awood yeelan xiliga galmada.
Waxa loo isticmaalaa in lagu daweeyo xanuun ka mida xanuunada ku dhaca xubnaha taranka ee labka ama raga, waxaana loo yaqaanaa(Impotence (erectile dysfunction) xanuunkaas oo dad badani u yaqaano (CINIIN NIMO) xubinta labka oo aan awood yeelan xiliga galmada.
Saldanefil waxay ka mid tahay groupka loo yaqaano( phosphodiesterase  type 5 inhibitors) taasi oo macneheedu yahay dawadani waxay joojisaa ama  ka hortagtaa chemicals ka loo yaqaano phosphodiesterase type 5.
Phosphodiestrase waa enzyme laga helo meelo badan oo jidhka banii  aadamka kamida waxaanu jabiyaa dabarka (bond) loo yaqaano phosphodiester  bond ee laga helo nucleotideska.
Waxa kale oo ka mida groupkan 
Levitra (vardenafil), Cialis (tadalafil) iyo kuwo kale.
Levitra (vardenafil), Cialis (tadalafil) iyo kuwo kale.
Inkasta oo ay adagtahay in aynu maqaal yar ku soo koobno shaqada iyo  waxyaabahay ay jidhka u qabtaan chemicals kani hadana bal aynu isku  dayno inaynu fahamno inta ka khusaysa dawadan aynu ka hadlayno.
Mar hadii aynu nidhi dawadani waxay xoojisaa awooda xubinta raga  wakhtiga galmada: aynu is waydiinoo sidee ayaa arinkaasi udhacaa:
Waxa ay udhacdaa hab adag oo aad u balaadhan(complex chain of  events), si kooban hadaynu u sheegnana waxa dhacda in marka dareenka  jinsigu yimaado ay ka yimaadaan signals ama ishaarooyin dhinaca maskaxda  kuwaas oo keena in la soo daayo chemical messangers within the tissues  of the penis.
Mid ka mida chemicals kaas oo loo yaqaano cyclic GMP ayaa waxay  sababtaa in ay dabcaan (relax) muruqyada yar yar ee laga helo xididada  dhiiga taasina waxay keentaa in ay balaadhaa xididada yar yare e dhiiga u  keena xubinta labka taasi oo sababta in xubintu adkaato oo awood badan  yeelato.
Hadaba sida caadiga ah waxa dhacda in chemicals kaa aynu soo sheegnay  ee cyclic GMP in la burburiyo oo ay burburiyaan enzymes ka kale ee loo  yaqaan phosphodiesterase type 5 dabadeedna xaaladii ku noqoto  caadigeedii hore.
Sidaa awgeed Viagra wuxuu ka hortaa in la burburiyo chemicals ka  cyclic GMP isaga oo joojinaya shaqada phosphodiesterase type 5. Taas oo  macneheedu noqonayo waxa sii socda dhiigii badnaa ee soo galayay  xubintan aan kur ku soo xusay taasina waxay keentaaa in adkaanta (  rigidity) iyo taagnaantu( erection) ay sii jiraan.
Marhadii Viagra uu ilaaliyo shaqada chemical messengers ka sababaya  ererction ka waxa uu shaqaynayaa oo kaliya marka messenger kaasi la helo  tasi oo macneheedu noqonayo in loo baahan yahay galmo
Hadaba waxa halkaa ka cad in ay wanaagsan tahay in la qaato daawada sodon daqiiqo ilaa saacad ka hor xiliga galmada.
Digniin
Inkastoo ay haboontahay in dhakhtarka kuu qoray dawadu uu ku siiyo talooyinka lagama marmaanka kuu ah marka loo eego xaaladaada caafimaad, hadan si guud markaynu u hadalno waxa muhiim ah:
Digniin
Inkastoo ay haboontahay in dhakhtarka kuu qoray dawadu uu ku siiyo talooyinka lagama marmaanka kuu ah marka loo eego xaaladaada caafimaad, hadan si guud markaynu u hadalno waxa muhiim ah:
1. In la qaato dawada cuntada ka hor waayo cuntadu waxy keeni kartaa  in ay wakhti badan qaadato shaqada dawadu, iyo in wax tarkeedu yaraado.
2. Inaanad qaadan dawada iyadoo aan dhakhtar kuu qorin, una isticmaal sida dhakhtarku kugu la taliyo oo kaliya.
3. Inaanu qofku kaxayn gaadhi ama dayac tirka enginada iyo  warshadaha,waayo dawadu waxay keentaa dawakhaad (dizziness) iyo khalkhal  dhinaca araga ah (visual disturbances).
4. Hadii erection ka ama taagnaanta xubintu sii socoto in kabadan  afar saacadood oo ay dhacdo xaalada loo yaqaan (priapism) si dag dag ah  dhakhtar ugu tag waayo waxa dhici karta in dhaawac soo soo gaadho  tussueska xubinta dabadeedna dhibaato tii hore ka wayni timaado.
5. Hadaad aragto araga oo si dag daga hoos ugu dhacay jooji dawada oo  la tasho dhakhtar. Hana qaadan dawada hal mar wax ka badan maalintii.
Si taxadir leh u isticmaal hadii ay jiraan xaaladahani
1. Dadka da’da ah
2. Qofka qaba xanuunada kalyaha, beerka, haemophillia, active peptic ulcer.
3. physical Abnormality of the penis.
Dadka aan isticmaali Karin
1. Dumarka
2. Qofka da’diisu ka yartahay 18 sano
3. Dadka qaba xanuunada wadnaha sida:( sever heart disorders) sida angina pectoris, heart attach.
4. Hoos udhaca pressure ka dhiiga(hypotention).
5. Dadka qaata dawooyinka loo yaqaan: NITRATE MEDICATIONS sida: glyceryl trinitrate or amyl nitrite “poppers”.
Waxyeelada dawada
Waxyeelada dawada
madax xanuun, dawakhaad, khalkhal ku yimaad araga, maqalka oo  daciifa, dheefshiidka oo xumaada (indigestion). Muruqyada oo xanuuna,  garaaca wadnaha oo kordha (tachycardia). Daal farabadan, dareenka jidhka  oo yaraada, Prolonged erection, or persistent painful erection of the  penis (priapism).
Gabagabo
Waxa jirta in dawadani ay tahay dawo xanuun lagu daweeyo, ee anay  ahayn dawo cid waliba iska isticmaali karto, sidaa awgeed waxaan u soo  jeedin lahaa dhalinyarada caadaysatay isticmaalka dawadan iyadoo aan  caafimaad daro u gayn, inaanay dhib gacmahooda ku doonanin ee ay ku  mahad naqaan awooda alle u dhamystiray, oo ay ka fogaadaan isticmaalka  kiniinada noocan oo kale ah.
Waxaana daliil kuugu filan inta nooc ee chemicals ka ah ee laysku  daray ee ay ka samaysantahay taasi oo dhibi ka iman karto hadii si  qaldan loo is ticmaalo.
Marlabad ila eeg maadooyinka kala duwan ee halkii xabo ee Viagra ahi uu ka kooban yahay
Ingridients of one tablet of VIAGRA is : Sildenafil citrate microcrystalline cellulose, calcium hydrogen phosphate (anhydrous), croscarmellose and magnesium stearate, hypermellose, titanium dioxide (E171), Lactose, triacetin and indigo carmine aluminum lake (E132) iyo kuwo kale.
Ingridients of one tablet of VIAGRA is : Sildenafil citrate microcrystalline cellulose, calcium hydrogen phosphate (anhydrous), croscarmellose and magnesium stearate, hypermellose, titanium dioxide (E171), Lactose, triacetin and indigo carmine aluminum lake (E132) iyo kuwo kale.
Dawadu waxay dhaawici kartaa caafimaadkaaga hadii aad si qaldan u  isticmaasho ee si taxadir leh u raac talaabooyinka dhakhtarka kuu qoray  dawadu ku siiyo.
waa kalamadaha ku qoran waraqda yare e lagu soo rido galka dawooyinku ku jiraan intooda badan.
Si xun u isticmaalka dawooyinka (medication errors) waxay dhibaato ka  soo gaadhaa malaayin qof sanad walba, halka billions of dollars ay ku  baaba’aan dhibaatooyinka ay keenaa dawooyinku.
Ka digtoonaw isticmaalka dawo aan dhakhtar kuu qorin nooc kasta oo ay tahay.
Waxaana muhiim ah in la ilaaliyo shantan qodob ee ku bilaabma xarafka  “R” ee la yiraa “R’s”, si looga hortago dhibaatada dawadu leedahay  iyada oo ay iska kaashanayaan dhakhtarka dawada qoraya pharmacist ka iyo  qofka bukaha ahi.
Right patient
Right drugs
Right dose
Right rout
Right time
Wa bilaahi tawfiiq:
C_qaadir88@hotmail.com
(source:somalilandedu.net)

Asc dhammaan
ReplyDeleteWaad ku mahadsan tihiin sida fiican ee aad uga hadasheen kiniinkan VIAGRA. Waxaadse ka tagteen qayb muhiim ah oo ku saabsan kiniinkan. Kiniinkani markiisii hore ee la baadhayey waxaa loo raadinayey in lagu daweeyo cudurrada wadnaha.
Ka dib markii lagu tijaabiyey rag da' ahaa oo qabay wadno xanuun ayaa si lama filaan ah waxaa la arkay odayaashii oo xubintooda taranku kacdey. Halkaas ayaana lagu ogaadey faaiidada kale ee uu leeyahay kiniinkani. Markaas ayaa lagu sii sameeyey baadhitaan kale, lana ogaadey in loo isticmaali karo cudurka ciniinka ee ku dhaca ragga.
Sildenefil ama Viagra looma isticmaalo oo keliya ciniinimada ee wadnahana waa loo isticmaalaa. Mana aha ragga oo keliya ee dumarkana waa la siiyaa marka laga daweynayo cudurrada wadnaha. Haddaba meesha aad leedihiin dumarku ma qaadan karaan waad ku khaldan tihiin. Waxayse dumarku u qaadan karin cudurka ciniinimada laakiin xanuunnada wadnaha waa loo siiyaa. Waxaanan aqaannaa qof dumar Somali ah oo qabta wadna xanuun oo la siiyo kiniinkan. Waanan hubaa ee wax la ii sheegey ma aha.
mahadsanid
ReplyDelete