Jacaylka xaaska wuxuu ku kordhaa inaad ka caawiso shaqada guriga

Jacaylka xaaska wuxuu ku kordhaa inaad ka caawiso shaqada guriga
Daraasad cusub oo laga soo saaray dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in ninka oo ka caawiya Xaaskiisa shaqada Guriga ay keento jacayl badan oo Reerkaa u soo kordha iyo gabadha oo ninkeeda aad ugu kalsoonaata, Daraasadan oo ay sameeyeen Culimo ka tirsan jaamacada Mareykanka ee Illinois University ayaa intaa ku dartay in ninka oo caawiya xaaskiisa marka guriga la joogo ay noloshooda kusoo kordhiso Raaxo badan,
Daraasadaan oo lagu soo daayey shabakada CNN ayaa sheegtay in Ragga la shaqeeya xaasaskooda marka guriga la jooggo ee ka caawiya hawlaha ay kamidka yihiin nadaafada iyo haynta Caruurta inay Raggaasi natiijada iyo faa,iidada hawshaa ay la qabteen xaasaskooda ay u hellaan si dhakhso ah, daarasadan ayaa intaa ku dartay in dumarku ay aad ugu farxaan marka uu ninku kalla qeyb qaato hawsha guriga isla markaana ay gabadhu ahaato mid aad u faraxsan mar walba.
Daraasad kalle oo ay sameysay jaamacada ku taalla dalka Canada Ee Western Ontario ayaa sheegtay in Furaha qofka dumarka ah uu yahay inay faraxsanaato oo aanay haynin wax wer wer iyo feker ah iyadoo taasi u sahlaysa ninka inuu gurigiisa ugu noolaado si wanaagsan, Culimada Reer Canada ayaa sheegay in ay baadheen maskadxa dumar badan isla markaana ay ogaadeen in hadii ay gabadha hayaan wer wer iyo feker xagga guriga ah inay nolosha Reerkaasi noqonayso mid aan wanaagsaneyn iyadoo arintaasi xitaa saameysa niyada ay gabadhu u hayso ninka.
Dr.Changed Holstig oo kamid ahaa Culimada baadhitaankan sameeyey ayaa sheegay in dumarka marka ay sugayso hawl badan oo guriga ah ay la kullanto wer wer ay ka fekereyso hawshaa iyadoo taasi keenta in aanay ninka niyad badan u hayn
oo maskaxdeedu ay ku mashquulsan tahay shaqadaa u taalla, laakiin hadii ninku ka caawiyo shaqooyinka guriga in gabadhaasi ay helleyso nafis iyo niyad wanaagsan oo ay u hayso ninkeeda
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post