Yaa been badan nin iyo naag

Yaa been badan nin iyo naag
Sheegista beentu waxay ka mid tahay waxyaabaha diinta Islaamka ay inaga xarimtay, hase yeeshee waa aadane iyo caadadiisee lagama waayo in uu doc ama hareer maro wax badan oo laga digey inay dambi tahay.
Beentu qofku uu sheego waxaa lagu tirayaa inay tahay waxyaabo ku yimaado siyaabo kala duwan ha ahaato mid ku tala gal ah iyo mid kale oo ku dhacda kaa fakatey oo ma gaartid.
Daraasad dhawaan ay sameeyeen koox cilmi baarayaal ah ayaa lagu ogaaday ragga iyo haweenka kuwa ugu badan ee beenta sheega tiiyoo waliba lagu sii sameeyey baaritaan ereyada iyo dhacdooyinka ugu badan ee ay ka been sheegaan.
Daraasadan oo ay sameeyeen koox cilmi baarayaal u dhashay Mareykanka ayaa waxaa lagu ogaaday in 42 jeer ay raggu been sheegaan todobaadkii, iyagoo waliba beentaasi u sheega lamaanahooda, dadka ay wada shaqeeyaan ama madaxdooda, taasi oo ka dhigan in ragu ay 2184 jeer sanadkii ay been sheegaan.
Hablaha ayaa lagu sheegay daraasadan inay been sheegaan 3 jeer maalin kasta taasi oo ka dhigan sanadkii inay sheegaan bashaha beenta ah 1092 jeer, waxaana la sheegay in been sheegidu habka ugu fudud ee lagu ogaadaa ay tahay garashada jirka ama body language waxa loo yaqaan.
Wargeyska the Guardian ee ka soo baxa magaalada London ee cariga Britain oo warbixintan qoray ayaa qoray in ereyga ugu badan ee hablaha iyo dumarka ay isaga midka yihiin marka laga hadlayo been sheegida ay uu ugu badan yahay hadalka ah “Wax dhib ah ma jiro, waan fiicnahay”.
Daraasadan oo laga sameeyey filim ay maalgalise shirkada caanka ah ee sameynta filimada ee 20th Century Fox Home Entertainment ayaa waxaa laga sameeyey documentary la magac baxay Lie to me.
“Garashada ama fahamka jirka (Body language) waa habka ugu weyn ee lagu ogaan karo in uu qofku been sheegayo walow badiyaa dadku aanay garan dareenka been sheegaha lagu ogaan karo” sidaasi waxaa sheegay Richard Newman oo qabiir ku xeeldheer fahamka jirka.
“Beenaalayaashu waxay mar kasta isku dayaan inay kaa dhigaan run wax been ah, iyagoo mar marka qaar eegaya shucuurtadada” ayuu hadalkiisa ku sii daray Richard Newman .
Ragga ayaa la sheegay in xiliyada ay ugu been sheegid badan yihiin ay tahay marka ay joogaan meelaha lagu cabo cabitaanada, halka haweenka la sheegay in inta badan ay ka been sheegaan gadashada dharka.
Waxyaabaha ugu badan ee lagu ogaado been sheegida ayaa waxay daraasadu ku tilmaamtey qofka beenta sheegaya oo indhaha ka mirig mirig siiya, qosol yar oo ka soo fakada haba ahaado dhoolo cadeyn, geesaha oo uu fiir fiiriyo, kala hadal ku dhaca, hadalka oo mar marka ku dhega, dhidid xaalada been sheegidaasi ku saleysan oo ka soo yaaca wajiga sare, iyo waliba kalsooni daro.
Ereyada ugu badan ee raggu adeegsadaan marka ay beenta sheegayaan
1. Waxba igama qaldana, waan fiicnahay
2. Tani waa tii ugu dambeysay
3. Waxba kama qabo
4. Batarigaa iga dhacay
5. Waan ka xumahay, waan gafey wicitaankaaga
7. Jidka ayaan ku soo jiraa
8.Sidaasi qaali uma aheyn
9. Traffic ayaa i xanibay
10: Tareenka iga soo daahay
11: Alarmiga ayaan iga dansanaa
Hadalada beenta ah ee habluhu badiyaa adeegsadaan.
1. Waxba igama qaldana, waan fiicnahay
2. ALLA, tani ma ahan wax cusub, horey ayaan u haystey
3. Sidaasi qaali uma ahan
4. Beec ma aheyn
5. Jidka ayaan ku soo jiraa
6. Ma aqaan meel ay taal, ma taaban waxaasi
7. Madaxaa I wareeraya
8. Maya, ma tuurin (xoorin)
9. Waan ka xumahay, waan gefay wicitaankaaga
10: Lambarkaaga si qaldan ayaan u qortey
11: Waan ku soo wacayaa
Mowliid Xaaji Cabdi
mowliidsons@googlemail.com This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post