Farqiga u dhexeeya ninka Soomaaliga iyo kan cadaanka

Asc dhamaan aniga aragtideyda waxey tahay masiibooyinka soo kordhay ayay kamid tahay tani.marnaba xujo noqonmeyso nin fiican baan kawaayay bulshadaan kadhashay iyo dalkeygaa baa ba ay.sida la ogyahay nin walba wuxuu leeyahay dhaqan soo jireena iyo caado asaga ugaara oo uu ilaashado kuna faano.tusaale ahaan qaabka shukaansiga somalida wuu kaduwan yahay sida uu wax ushukansado ninka cadaanka ah. wiilka somaliyeed gabadha uu rabo inuu guursado kuma xadgudbo jirkeeda wuxuuna u arkaa gef iyo danbi wuxuuna lasugaa inta ay ka noqoneyso xilahiisa oo xalaala. Ninka cadaanka ah gabadha uu rabo inuu guursado wuxuu aaminsanyahay in uu ula dhaqmo sida nin iyo xaaskiisa guurka kahorna ay isbartaan taasna hadaan somali nahay dhaqan uma lihin bal waxan u aragnaa xaraan iney tahay.guurka kadib hadey dhacdo in la is qilaafo amaba uu damco xaaskiisa inuu hadyad ukeeno wiilka somaliyed waxaa udhaqana xaaskiisa raali galin kadib inuu hadiyad usiiyo shey qaaliya sida inuu dahab ugado haduu awoodana uu hantidiisa waxa ugu qaalisan kuqoro.Ninka cadaan meeshanuu wuxuu soo dhoobayaa ubax iyo koox uqaada heesta ay jeceshahay hadaan gabdho somaliyeed nahay dhaqan nooma aha hees iyo ubax in nalagu qanciyo.Arinta inta badan ay kadhawaajiyaan dumarka qurbaha tagay oo ay ku eedeeyaan Raga somaliyeed ineysan ka caawin xaasaskooda shaqada guriga walaasheyda somaliyeedey ma waxaa dhaqan inoo ah in rageena weelasha xalaan adoo caafimaad qaba ama intuu digsi dul istaago suugada dhadhamiyo waad ogtahay somalida waxa ay utaqaan ninka lagu arko isagoo sameynaya ficilada qaar waxaa loogu yeeraa (Qorqode) ulajeedadeyda maaha inaan leeyahay raga yey waxba qaban lakiin waxan leeyahay yeynaan raadin waxeynaan dhaqan ulaheyn hooyadeen ayeeyadeen waxey kunabad iyo caano maaleen dhaqankooda suuban ogowna nin walboo ad adag waxaa jilcisa haweeney Hadaan rabno rag dabacsan aan raacno dariiqa suubane illaah noo iftiimiyay nolol farxad leh jaceyl waara owlaad baariya hadaan rabno waa inaan ku qanacnaa qorshaha eebe.Qurux ninkii raba wuxuu usoo raadsan jiray somalida midab cadaana qurux maaha Ninkii raba inuu dhalo wiil karti leh wuxuu usoo raadsan jiray soomaalida dhaqankaada dhayal ha oga tagin si aad cizi iyo sharaf ugu noolaato isku kalsoonaada Ragow guntiga dhiisha isaga dhiga inta hartay badbaadiya ragow isticmaala kalmadaha ay dartood utahriibayaan hablaha somaliyeed kalmadahaa waa Honey sweatheart my love iyadoo afsomaliya hadaad isticmaasho u badal english si ay wax weyn ugu arkaan.ama arabic ahaan yaa xabiibti yaa nuura albii waxashtanii yaa diyaa'a basarii iyo wax lamadi.RAAXO DOON hadaa tahay guurso wiil somaliyeed sababtoo ah Ragi cadaanka ahaa dumarkooda waxey ka sheegteen raaxo la'aan markay raaxo waayeena waa iyaga kudhacay cudurka damacnaageed oo iyagiibaa isku noqday. Waa fikirkaan qabo igana raali ahaada hadan cid ugafay. 
-------------------------------------------------------------------------------------------------
Run ahaanti wuxuu ahaa commenti ay qortay qof ka mid ah akhristayaasha qaaliga ah  laaakin waa qoraal aad u qiime badan ku salaysan aqoon iyo xilkasnimo waxaan ku mahdinayaa Allaha ka soo saaray haweenka Soomaaliyeed  gabadhan  oo ku soo gasha magaca Runsheeg dumar

4 Comments

  1. Runsheeg dumar4/07/2011

    Fariin kusocota maamulka waxad kumahad santihiin wanaaga aad uheysan bulshada wixii karaankeyga ahna waa waajib isaaran inaan idinkala qeybqaato maadaama aan isticmalo mobile waxaa igu adkaatay inaan fahmo sidaan maqaal idinkugu soo diri lahaa ha uqaadanina iney kas iga tahay ama aan kafaa iideysan waayay dhiira galintiina waxaan aad ugu farxaa markaan arko commenti maqaal udalacey iyo waliba sawir iyo cinwan uqalma anna illaah waxan kabaryayaa inaan ku fitnoobin kalsonidiina Qoraalkeygan idinkuu qaas idiin yahay hasoo daabicina maadaama aan aqoon ulaheyn sikaloon idiinla xiriiro allaa mahad dhamaanteed iskaleh idinkana kheyr allaha idin siiyo maadaama aad qeyb weyn kuleedihiin taam noqoshada farxadeyda sababtoo ah waxaa soo afjarmay baadigoob dheer waxaa ibaray blogaan qof ka aflaxay qoraaladiina aad kubad baadisaan qoysaska somaliyeed jazaakumaallaahu kheyran.waxan kacudur daaranayaa inaan idiin soo dirin maqaal intan computar kahelaayo badina markan maqaalada qaar aqriyo yey igu dhalataa inaan wax ka iraahdo waxeyse ila tagtaa meel fog.marlabaad mahasanidiin.

    ReplyDelete
  2. Anonymous5/01/2011

    masha alah gabadha run sheeg dumar ilahey hakaa abaagl mariyo runti waxad ka hadashey arin qiima leh mudana in lagu waana qaato runti waxaad tahey gaber aad u garaad fican haday dumarka sidaada cml u fagari lahaayeen arintan ma ay sameyeen runtina waa wax lago naxo runti waxan jeclaanlahaa inaan ku barto ale dari waxan ahey wil dhalin yara ah ismaaciil_33@hotm.. Wad mahasantahay

    ReplyDelete
  3. Anonymous5/01/2011

    asc waa qormo aad iyo aad u xiiso badan runsheeg dumar abti gabar aqlibadan ayatahay walee rer abtigaa aqli aqliga iyo cilmiga waad karaacdey kkk igaraali ahow wana iska qarda jeexayaa asc

    ReplyDelete
  4. Runsheeg dumar5/02/2011

    Asc.mahada allaa leh. xurmo iyo qadarina waxaa nagu leh blogan. Kashaqeeya horumarka umadeena kuna baraarujiyo waxa horumarka uleh qoysaska somaliyeed.ismaaciil waan kula soo xiriiri inshaa allaah qofka magac la'aanta ahee abti iyirina waxaad moodaa qof iyaqaan inaan jeclahey abtiyaashey.abtiyaashey waa dadkaliyee tariikhdu ay xusto taalana loo dhisay waad asiibtay kaftankaada.

    ReplyDelete
Post a Comment
Previous Post Next Post