Gabdhaha Soomaaliyeed oo maalmahaan cadaan guursasho bilaabay

 maalmahaan cadaan guursasho bilaabayDadka soomaaliyeed marka ay ka soo tageen dalkooda oo ay soo dhexgaleen bulsho kale waxaa soo baxay dhaqamo kala duwan, taasi waxaa ka mid ah inay gabdhaha Soomaaliyeed ay guursadaan niman caddaan ah, marka gabdhahaas badankooda waxay sheegtaan inay ka waayeen wiilasha Soomaaliyeed qof iyaga u qalmo, sanadahaan dambe xaaladan aad ayay u soo badatay nimanka caddaanka aad bay u rabaan inay guursadaan gabdhaha Soomaaliyeed, marka sababaha keena inay gabar soomaaliyeed nin caddaan ay guursato waxaa la dhihi karaa niyadjab kaga timid dhanka wiilasha Soomaaliyeed iyo dhanka burburka qaranka, waxay isleedahay dal iyo dadba waad weysayee ee nin yuusan ku seegin, sida la ogyahay guurku wuxuu ku fiicanyahay dadka isku dhaqan oo isfahmi kara, maxaayeelay meesha waxaa imanaya carruur waxaa soo dhexgalaya qaraabada ninka ioyo kuwa naagtaba, marka dad aadan la dhaqan ahayn inta badan waxaad ku jiraysaa waxaan iska jir kan iska ilaali noloshaada si fiican uma hagaagayso, marka akhristayaasha waxaan ka dalbanaynaa inay ra'yigooda ka dhiibtaan

44 Comments

  1. Anonymous4/07/2011

    waxaan filayaa inay u guursadaan qurux raadis ama inay aaminsan yihiin inuu ka khatarsanyahay ninka soomaaliyeed xaga gogosha,

    ReplyDelete
  2. Anonymous4/07/2011

    kkk nin ii qalma ayaan waayey ayeey ku dhaheeysaa yaa wax kugu falaaya adigaan darbiyada iyo clubyada tagan har iyo habeen waxaa kugu fican mid adiga oo kale ah ciyaal suuq ah

    ReplyDelete
  3. Runsheeg dumar4/07/2011

    Asc dhamaan aniga aragtideyda waxey tahay masiibooyinka soo kordhay ayay kamid tahay tani.marnaba xujo noqonmeyso nin fiican baan kawaayay bulshadaan kadhashay iyo dalkeygaa baa ba ay.sida la ogyahay nin walba wuxuu leeyahay dhaqan soo jireena iyo caado asaga ugaara oo uu ilaashado kuna faano.tusaale ahaan qaabka shukaansiga somalida wuu kaduwan yahay sida uu wax ushukansado ninka cadaanka ah. wiilka somaliyeed gabadha uu rabo inuu guursado kuma xadgudbo jirkeeda wuxuuna u arkaa gef iyo danbi wuxuuna lasugaa inta ay ka noqoneyso xilahiisa oo xalaala. Ninka cadaanka ah gabadha uu rabo inuu guursado wuxuu aaminsanyahay in uu ula dhaqmo sida nin iyo xaaskiisa guurka kahorna ay isbartaan taasna hadaan somali nahay dhaqan uma lihin bal waxan u aragnaa xaraan iney tahay.guurka kadib hadey dhacdo in la is qilaafo amaba uu damco xaaskiisa inuu hadyad ukeeno wiilka somaliyed waxaa udhaqana xaaskiisa raali galin kadib inuu hadiyad usiiyo shey qaaliya sida inuu dahab ugado haduu awoodana uu hantidiisa waxa ugu qaalisan kuqoro.Ninka cadaan meeshanuu wuxuu soo dhoobayaa ubax iyo koox uqaada heesta ay jeceshahay hadaan gabdho somaliyeed nahay dhaqan nooma aha hees iyo ubax in nalagu qanciyo.Arinta inta badan ay kadhawaajiyaan dumarka qurbaha tagay oo ay ku eedeeyaan Raga somaliyeed ineysan ka caawin xaasaskooda shaqada guriga walaasheyda somaliyeedey ma waxaa dhaqan inoo ah in rageena weelasha xalaan adoo caafimaad qaba ama intuu digsi dul istaago suugada dhadhamiyo waad ogtahay somalida waxa ay utaqaan ninka lagu arko isagoo sameynaya ficilada qaar waxaa loogu yeeraa (Qorqode) ulajeedadeyda maaha inaan leeyahay raga yey waxba qaban lakiin waxan leeyahay yeynaan raadin waxeynaan dhaqan ulaheyn hooyadeen ayeeyadeen waxey kunabad iyo caano maaleen dhaqankooda suuban ogowna nin walboo ad adag waxaa jilcisa haweeney Hadaan rabno rag dabacsan aan raacno dariiqa suubane illaah noo iftiimiyay nolol farxad leh jaceyl waara owlaad baariya hadaan rabno waa inaan ku qanacnaa qorshaha eebe.Qurux ninkii raba wuxuu usoo raadsan jiray somalida midab cadaana qurux maaha Ninkii raba inuu dhalo wiil karti leh wuxuu usoo raadsan jiray soomaalida dhaqankaada dhayal ha oga tagin si aad cizi iyo sharaf ugu noolaato isku kalsoonaada Ragow guntiga dhiisha isaga dhiga inta hartay badbaadiya ragow isticmaala kalmadaha ay dartood utahriibayaan hablaha somaliyeed kalmadahaa waa Honey sweatheart my love iyadoo afsomaliya hadaad isticmaasho u badal english si ay wax weyn ugu arkaan.ama arabic ahaan yaa xabiibti yaa nuura albii waxashtanii yaa diyaa'a basarii iyo wax lamadi.RAAXO DOON hadaa tahay guurso wiil somaliyeed sababtoo ah Ragi cadaanka ahaa dumarkooda waxey ka sheegteen raaxo la'aan markay raaxo waayeena waa iyaga kudhacay cudurka damacnaageed oo iyagiibaa isku noqday. Waa fikirkaan qabo igana raali ahaada hadan cid ugafay.

    ReplyDelete
  4. Anonymous4/07/2011

    Marka hore wax walba Allaah ayaa qorey Gabadha iyo wiilkaba waa la isku qorey, Tan kale nimankii iyo Dumarkiiba waxaa soo kala dhex galay shaki iyo qiyaano sidey doontaba ha ku imaadaane waxaa la ogyahay qof walba qofka uu ka helo ayuu isku dhawaadaan waxaana dhacda in marka dambe lakala maarmi waayo oo jaceyl imaado saasna la isku guursado... Caddaa kaiya ma guursadaan gabdhaha madow, carab,isbaanish waa la badan yahay... qaran dhan baa dumay gabadh nin cad ooy guursatay muxuu sheegaayaa hadaan wadankeenii joogi lahayn sidaa iyo si u dhowba wax uma dhaceene... Ogow saaxiib raguba kama maqna oo iyaguba wey guursadaan ooy weliba uga tagaan ilmahooda naag aale iyo naagtay guur ama gaabsi u ku helo anyways alaha inoo hagaajiyo wadankeena aamiin

    ReplyDelete
  5. Dood wadaag4/08/2011

    Asc dhammaan

    Horta qof walba waxbaa la qurxoon ama uu arkaa fiicnaan. Aniga waxay ila tahay in gabdhaha guursada ragga caddaanka iney u arkaan wax fiican inay guursadaan nin cad. Fiicnaanta kama wada inuu ka fiican yahay ninka Somaaliyeed ama ay ka heleyso wax ay ka weydey ninka Soomaaliyeed ee waxay ka tahay faan iyo ha lagaa sheegoo "Hebla nin caddaan ah ayay guursatey" intaas uun. Tan kale naagaha guursada ragga caddaanka intooda badan waa kuwo ka dhacay nolosha oo night club iyo meelo xun taagan. Waa kuwo ku dhex milmey caddaanka iyo ajnabiga kalaba oo ka dhex baxay bulshada Soomaaliyeed, diinna aan lahayn. Dhaqan Soomaaliyeedna aan waxba ka aqoonin. Marka anigu waxaan dhihi lahaa kuwaas yaan waxba loo barooran, awalba faaiido kama soo socone. Aakhirkana iyagaa ka shalleyn doona.

    Tan kale anigu ninbaan ahay, naag caddaan ah damac iyo dareenba igama gelaya, markaan arko iyadoo daba qaawan oo jidka dhex maraysa, halka markaan arko gabadh Soomaaliyeed oo tin iyo cidhib daboolan ay i soo jiidaneyso. Waxaanan isleeyahay ragga Soomaaliyeed intooda badan arrintaas way ila qabaan. Marka maba fahmayo naagaha guursanayo caddaanka damacooda iyo dareenkooda.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Walaal gabdha kaliya ma aha waxa guursada raga cadaanka ah. wiilasheena soomaalidaaba wey guursadaan cadaanka. Mida kale istus tus hadey ugursadaan yey istustusaan soomalidiiba waa kuwaa kasoo horjeedo in cadaanka laguursadee?? Gabadha guursato cadaan dooqeeda ayaa ugeeyay. Taas macneheeda mahan kulli gabdhaha cadaanka qabo iney ciyaal suuqiin yihiin ama ey kalaabka tagaan! meeqa somaliya oo klabka jookto oo hadana somali kala guursata? Aniga Ra,yigeyga waa in amaan lasiiyo labadii iska hesha oo isguursata. Raga Somaliyeed aad bey uga xumaadan markey arkaan gabar cadaan qabo. Magaran sababta. Waxan umaleynayaa inta laga quruxda badanyahay waxey dareemayaan in maseyr katahay Waayo diin hadey katahay dadka aan dukan oo jaad kaliya utaaganba wax kama sheegaan. Nimankiina cadanka guursadaba waad u hambalyeysaane gabdhaha faha kaqaada indhaha haku nuursadaan qof dhalaalaayo hadey helaan. Ugu dambeyntii Soomaali hadaan nahay wax walbo waan dhexgalnaa war qofkii naar galaayo iyo kii janagalaayo asagey utaalaahe adinka howlihiina qabsada oo maladiina faraha badan ha uga dambi qaadinina datka kale..

      Delete
  6. Anonymous4/08/2011

    asc dhamantiina arinteyda hadaan ka dhiibto qofba wa wuxu allah u qoray tasi mel lo dhaafo malahan tan kaleba aniga xitaa hada gabar cadan ah o isku kolej dhigano ayan sxb nehen mudo 4 sano ah runtii ayada iga heshay ama ie jeclaatay anigana kama anan diidin o aniga xitaa wan jeclaaday ila school dhamad iyo an ka bilawo kolejka an bilabay ayey ila so gashay hadane wa muslim gabdhaha walaheyga ayey lasaaxib tahay malcamada mel walbo ayage u racdaa runtii za'id ayan isk fahanay marka gabdhaha somaliyed o kaliya maguursadan nimanka cadanka ahi e qofba iyo amar allah iyo darenkiisa bani adan nimo waaye wax walbo halahas ayan kuso koobi lahaa

    ReplyDelete
    Replies
    1. Anonymous8/07/2015

      Waa runtaa.. Somalida waa tribalist..gabadha hadii ay traahdo nin baan helay, hooyadeed waxay oran ma ajanab baa!,hadii ay dhahdo maya waa somaali,hoyadii waxqy oran yuu yahay..marka masiibo dhaqan baynu leenahay..excuse oo dhaqan layiraahdo baynu istcmaslnaa..muslim oo dhan baw ajababi guursada wax cusub ma ahee ee somalida ayaa qurbaha ku cusub oo waxaa horay u arkin.. Somalida haday baranayaan wax layirahdo racism.
      Gabdhaha somaliyeed ajaanib kali looma diidee waxa kaloo loodiidaa qabiilada kale ee soomalida!! ..... Walaashay nin cadaan oo wadaad ah hadu rabo waan soo dhoween, waleeshay nin somali oo wadaad ah hadu rabo waan soo dhoween lakin kuma qasbayo walaashay nin qaad cuno oo balwad leh o dhihi maayo guurso ninkan somalinimo darteed!!!

      Delete
  7. GUURKU WAA SHARAFTA RAGGA IYO DUMARKA MARKA WAA IN AY DHALLINYARADU BIDIYAAN OO AY DAAYAAN WIXII KALE AH XIRIIR AAN SAX AHAYN WAAYOO KHAYR MA LAHAN ADUUN IYO AAKHIRO WAANA DABARGO'UMMADDA IYO CUDURO AAN XAD IYO TIRO LAHAYN.

    ReplyDelete
  8. Anonymous4/10/2011

    tan caana haaga meeqa wax dhahay ayey weyday, intee baari lahayd daa cadaan haguursatee

    ReplyDelete
  9. Anonymous4/10/2011

    gabadh somali facebook ku waalatay ayaa nin ajnabi raadiso ee gara rabta dhaqan sax ah tolkeeda ayay soo dhexgalysaa

    ReplyDelete
  10. Anonymous4/10/2011

    nimanka somliyeed waxeey kacabsadaan iney gabdahoda ama nagahooda tusaan jecel iyo naxaris..waxaa sii xanun badan in dadkada kufahmi wayan..horay waxaa loyiri qalbigu wuxuu markasto aadaa mesha wuu jecel ka helaayo..marki runta la firiyo neh rag jecel kabaqaayo iney share gareyan iyo kuwa diyaar wuuu eh miyaa isku mid noqon karaan?gabduhu somaliyeed neh qalbigoda waxuu racay ragee jecel tusay

    ReplyDelete
  11. asc dhamantiin aniga hadi an si fakar leh aga hadlo mowduucaan run ahantii gabadha kama aysan weyn raaxo iyo qurux raga somaliyeed balso waxa jiro calaf alle ku qoray o an marnaba kuseegen mesha u doono haka ridee ilen wa amar alle amar allena layaab malahan adeecid muuyaane teeda kale gabadhani ama gabdhaha guursadi nimanka cadaanka ahi maahan wax ceeb ah ama wax xun hadi ay ajar ka hesho u muslim u noqdo iyo hadi u galnimadiisa ku qabo o ay dambi dusha saarato wa ayada iyo allahi uuntay una calfay ninkani marka walayaal hora waxa lo yiri ama ay diintuba sheegtay hadi la aaminsanan laha mar walbo iyo wax walbaba in ay yihiin amar alle cid gali laheet naarta majirto waxa lawada gali lahaa janada lkn madhicin taas qof aso og ayu adeeci karen naf iyo shedan aya ku xariira marka walayaal anigu waxan leeyahay wa amar allah mel lo dhaafana malahan layaab iyo layaab daraba wabilahi towfiiq

    ReplyDelete
  12. waa arin cajiib ah, waayo maanta waxaa layaab ah in gabar soomaaliyeed oo arkey iney guursato wiil soomaaliyeed oo kudiin ah iyo ku dhaqan ah intaba ee yaanan sabab looga dhigin ineey waayeen wiil soomaaliyeed oo ay guursadaaan eee dhaqan xumo iyo qaab dari ay aamin san yihiiiin, ee waxaaan idin leeyahay caqli isku yeela oo awalba 50% ayaad eheedeen ee hadaad saan kusii darsataaan waa mustaqbal xumi idin haysata!!!

    ReplyDelete
  13. Anonymous4/12/2011

    Qaar kamid ah gabdhahaas aya kushegaya in raga somaliyeed aan sidaa u aqoon nolosha kana door bideen in cadaanka lawadagaan sariirta sida no sheegtey gabar kudhaqan wadanka Filand oo kudarte in raga somaliyeed sidaa u raaxo goonin dumarka aan waxba kuheen sariirta iyadoo cod dheer kudhaheeso

    Mid kamid ah gabdhaha ku dhaqan xaafad aan kadeganahe magalada Uk aya I shegta in nin hore Somali usoo marte u dhashay gabar yar blse xogaa kadib kala tageen kaaso ku sheegte in aan kahelin raaxo aan sida u fiicneen nafta aan uraxeen blse kadoor bideen ninkaan ajnabiga ah raaxo kaamil ah xushmeen iyadoo kudarte in si aan caadi aheen nafteeda ku qanciye

    Gabdhaha sanadihi ugu danbesey guursade raga ajaanibta aya u badan kuwa inbadan kusugan wadamada hori maray ame kudhashay sida adaraadeedna ku kalifte in kulifaqmaan dhalinbta kale

    Su; aasha mesha taalo ayaa ah raga somaliyeed maxa ku kalifay in gabdhaha somaliyeed xil iska saraan baahidooda oo ka cabanayan taaso ku kalifte in rag aan ku diin dhaqan lawadagaan Sariirta Blse raag somaliyeed aya kari la arimahaan ’Nolosha caadiga ah ’ Sariirta iyo arimaha hoose Madhaqaalo iyadoo shaki kujirin raga somliyeed ana sida au aqoon galmada cusub oo aan ku fiicnen diinta blse raaxo u leh bini aadamka oo aan marnaba la ilaawi karin sida qabaan qaar katisan dhalinyarada

    ReplyDelete
  14. Muslima4/13/2011

    Asalamu Caleykum Aqyaarta,

    Anigo ah gabar Somaliyeed oona qurbaha ku dhashay kuna nool illaa hada.
    Waxaan ahay qof diinteeda, wadankeda iyo dadkeedaba jecel. Waxyar oo waanno ayaan idiin siinayaa. Horay ayaa loyiri ( Hubsiino hal baa lasiistaa) Marko hore qofka bini aadanka asagaa xor u ah qofka uu nolashiisa laqadanayo, waxaa kaliya oo mahiim ah in uu ninka/naagta caddaanka ey yihiin dad muslim ah. Dadka caddaanka markey so Islaamaan ayakaba diinta si fiican ugu dhaqmo oo anaga ku dhalanay noga fiican. Dadka ku caaynayo gabadhii guursato nin caddaan waa mid darbida taagan oo clubka aado, waaxas wax run ah ma ahan dadka waxaas fafinayana waa ku dambi in ey ku hadlaan wexeysan ogeen. Meeqaa nin caddaan usan qabin oo nin Somali qabo oo nolasha kadhacsan oo qaadka, qamrada iyo sigarka isticmalaan. Nin/Naag caddaan wax mahaleeye anaga is haleeno.
    Rabbi wadankeena nabad hanogadhigo jidka toosana hanugu aadiyo.

    ReplyDelete
  15. Runsheeg dumar4/13/2011

    Hadalka ninba si ufasir balse midbaan aad ulayaabey oo aan rabaa qofka qorey inuu ii sharxo Galmada cusub waxa uu kawado ama ay kawado oo aysan raga soomaaliyeed aqoon fadlan noosoo faahfaahi bal aan ogaanee.

    ReplyDelete
  16. Anonymous4/13/2011

    ASC walaal aniga waxay ila tahay dumarka soomaaliyeed inaanay waayin wiil soomaaliyed oo u qalma laakin ay gabadha soomaliyed markay guursaneyso nin cadaan ah ay iyadu ka tagtay dhaqankii somalinimo iyo waliba wilashii somaliyed mahadsanid!

    ReplyDelete
  17. Runsheeg dumar4/14/2011

    Asc dhamaan aniga qof ahaan waxaan jeclahay in qoysaska somaliyeed ama lamaanayasha somaliyeed in ay ku wada noolaadaan farxad iyo jaceyl dhaba.in la is aamino in la isku qanco in la isjeclaado ayaa laga heli karaa raaxo dhameystiran.dhalinyarada yurub iyo mareykan kudhashayna ha ogaadeen ilbaxnimo iyo horumar islaamka ayaa leh.in jiritaankaada umadnimo aad dhaliishaa waxaa ka fiican qaladkii jira inaad tilmaanto si loo saxo.hadalka inaan kudheeraado marabo waxaanse ku faah faahin doonaa qoraal kale haduu rabi idmo.qofna inaan ugafo majecli qoraaladeyda wixii dhaliila ay yeeshaan halageyga samaxo. Umadaan kadhasheyna waan wada jeclahay.mahadsanidiin

    ReplyDelete
  18. Anonymous5/10/2011

    Ma aha wax lala yaabo gabadha somaliyed iney guursadaan ruux bini aadan ah oo dooqeeda ah ay raaci kartaa,ma aha qasab guurka waa dooq, teeda kale waxaa jira dhaqamo aynu is fahmi karno xaga guurka diintuna cunsuriyada waa mamnuucnay

    ReplyDelete
  19. Anonymous7/01/2011

    asc ani waxan ku so koobi lahaa rayigeyga marka hore hadan u jawaabo gabdhaha dhahaaya wiil noo qalmo ayan ka weyney wiilashii somaliyeed war sugan ilama ahan kaas waayo wiilal fara badan oo wanagsan diin ahan dhaqan ahaan ayaa buuxaan marka maahan inaan fiirino oo keli ah group yar o ka mid ah wiilasha somaliyeed kuwaaso si qaldan u dhaqmey in mar marsiiyo laga dhigto marka 2 wey jiraan kuwo u dhaqmaan si aan habooneyn oo ula dhamqa gabdhaheena sharafta badan si ay san mudneen marka ani waxan dhihi lahaay wiil kastoo somali ah ogow sheekadan cml niyad jab iney kugu tahay marka ku dedaal inaad si fcn ula dhaqanto gabdhaha somaliyeed wcs

    ReplyDelete
  20. Anonymous7/02/2011

    asc marka hore wll yaal arinkaani maaha arin hada cusub waa arin horay usoo jiray wayna dhacdaa wayna dhici jirtay waligeed hablaha soomaliyeed waxa ay bilaabeen inay dhaqamo cusub ay lasoo baxaaan oo ay badalaan dhaqankii somaliyeed ee layaqaanay mana lagaran karo ujeedooyinkooda lama dhihi karo ragii soomaliyeed ayay rag uqalma ay ka waayeen taas waa khalad sida jirta oo lawada ogaaday ayaa waxay tahay in habluhu ay moodaan ninka ajinabiga ah haday guursadaan inay sharaf iyo xurmo ay utahay taas wax sax ah maaha sharaf ayay moodeen wayna ku wada daateen wayadii dan boo dhan hablahii somaliyeed meel kastooy aduunka kaga nool yhiin ceebtoodii ayaa banaanka usoo wada baxday ani kuli eedayn maayo lkn majoorati ahaan way ceeboobeen wayna ku fashilmeeen arinkaas bari kamaalina waxaad arkaysaan iyadoo cidla taagan lama huraan waa cawska jiilaal wllayaal kii dood ka qabaana halkaas haygalasoo xiriiro 18573184937 anaa wax kasta cadaynaya hoo ay hablaha soomaliyeed ku khaldan yihiin iyo wixii lagaga khaldanyahay labadaasba by wcs

    ReplyDelete
  21. El- Pistolero7/03/2011

    Shit waxaan oo
    kalaa jira misna excuse ka
    dhiganeysa nin somali ah o i
    qalman wayay waa beenteed
    duliyada xun ee horumar bay u
    qabtaa ama awalbay nolosheedii
    hore xumayd raga somalidu
    waxay hal mabda' ka haystan
    naag xumaan lagu ogaa ineysan
    guur ka damcin marka wadada u
    furan ba waxay tahay iney
    dhaqankeedi xumaa kusii jirto
    ama Madow ama cadan asna
    melahas ku halowsan
    gursan.. BARIna marki la arko
    2nagod o somali ah o is gursaday
    waxay qil ka dhiganayan nin ban
    adunka kawayneyShit waxaan oo
    kalaa jira misna excuse ka
    dhiganeysa nin somali ah o i
    qalman wayay waa beenteed
    duliyada xun ee horumar bay u
    qabtaa ama awalbay nolosheedii
    hore xumayd raga somalidu
    waxay hal mabda' ka haystan
    naag xumaan lagu ogaa ineysan
    guur ka damcin marka wadada u
    furan ba waxay tahay iney
    dhaqankeedi xumaa kusii jirto
    ama Madow ama cadan asna
    melahas ku halowsan
    gursan.. BARIna marki la arko
    2nagod o somali ah o is gursaday
    waxay qil ka dhiganayan nin ban
    adunka kawayney

    ReplyDelete
    Replies
    1. Sorry waad iska caytameysaa. Waalaga quruxbadanyahay ragga soomaaliyeed ee qaraarka iskadaa. Maxaa nolol kataqaaniin? Noloshaba in lacag iyo dahab la isi siiyo umbaat utaqaanaan. war jaceylku lacag maaha laakiin gaajadaa idin bartay in hanti wax walbo lagu iibsan karo. Waan kaxumahay si

      Delete
  22. deco asc dhaman bolsho waynta somaliyeed mel walba ay jogan ma wanagsana in dumarko somaliyeed ay waxas ku dhaqaaqan walal

    ReplyDelete
  23. Anonymous7/29/2011

    wcs all gabdha somaliyeed gurux iyo dhaqaale midne kuma raacan ajnabiga ee waxaa xumaaday dhaqanka willasha somaliyeed iyo xad gudubkooda waa intaas lee dhibka dhan

    ReplyDelete
  24. Anonymous8/02/2011

    asc run ahantii aniga waxay ilatahay habalaha somaliyeed inay nin cadaan guursadaan waxaa usabab gabdhii oo uhaysatay ilbaxnimo nin cadaana guursigiisa iyo habarka ina haysta oo aynu nahay ilaa manta wadan la'aanta ina haysata ilahoow wadankeena nabad noogayeel amiin amiin amiin......

    ReplyDelete
  25. Anonymous8/13/2011

    asc dhamaantiin ramadaan kariim walaalayaal rabi hana dhogo ku ku dhinta toowxiidka qabsadana wadada saxdaa ee rabi nafaray intaa kadib waa nasiib daro in gabar somaliyeed oo diin xalala ku dhalatay ineey nin aan diinba leheeyn maciin karadiso ayadoo la ogyahay in aqiiranka dhibata eey kala kulmeeyso wayoo wax ee isku fahmi karaan ayaa aad uyar marka gabdhaha somaliyeed waxaan kula dardaarmayaa ineey waxaas kawaantoobaan waajogaan rag somaliyeed waliba eey ku kalsonaan karaan rageenana alaha kadhigo kuwii hanta gabdhahooda dayacana ka dhoowra nin cadaana oo wax walba kuu helayo waxaa kawanaagsan ayaan qabaa nin somaliya ood firaashka dhulka dhigataan waxaana muhiima imaanka w/w/warakatuhu

    ReplyDelete
  26. ugu horeyn waxaan salaamiyaa dhamaan ummada soomaaliyeed meel kasta oo ay joogta. tan 2aad haddii aan u soo gudo galo mowduuca in kastoo oo aan u baahnaa walaalka soo qoray qormada in uu kala bixiyo oo dadka si faahfaahsan u fahansiiyo waayo ma sheegin gabdhaha soomaaliyeed nimanka ay guursaniyaan ee cadaanka ah in ay gaalo yihiin iyo in ay yihiin dad muslim ah. haddii ay yihiin niman muslamiin ah dhib malihin oo way guursan karaan haddii ay dhaqankooda wanaagsan yahay oo ay isfahmiyaan balse haddii ay gaalo yahiin waa innaalilaahi waainna ilaahi raajacuun. waa gabadh aan diinta fahansaneyn gabadha guursata nin gaal ah. ALLAH subxaana watacaalana waxuu yiri Mushrikiinta lama guursan karo iyaguna ma guursan karaan Muslimiinta:(dumarka muslinka ahow) ha guursannina ragga Mushrikiinta ah, ilaa ay ka muslimayaan, xataa hadday idin cajebiyaan,kuwaasi waxay idiinku yeedhayaan Naarta,Allena wuxu idiinku yeedhayaa Jannada iyo Maqfirada ama denbi dhaafka, idamka Alle,waxana Alle u caddeeyey dadka Aayadihiisa waxa la arkaa inay ku waana qaataane.
    Qofka Muslinka ahi waa inuu ku kalsoonaadaa waxa Alle nasiibka u siiyey,oo uu u dadaalaa inuu liibaanta Ifka iyo Aakhiro helo taas oo ah in Alle ka raalli noqdo,waa in uu ka maarmo cid kale oo aanu waxba ka sugin,waayo Alle ayaa qoray wuxuu la kulmayo oo helayo,intuu noolaanayo,meeshuu ku dhimanayo,iyo wax kasta,markaa waa in aanu qofna Gaalada dhaldhalaalkooda iyo waxa Adduunka Illaahay ku siiyey is raacin oo u hanqal taagin,waa wax Gaalada lagu luminayo oo ay isa siiyeene:
    kuwii Alle iyo Nebigiisa rumeeyow haddii aad adeecdaan kuwa gaalobey, diintay idinka saarayaan,markaas ayaad isu rogaysaan kuwo khasaara. Guntii iyo gabagabadii gabdhaha soomaaliyeed ee guursanaayo gaalada ALLAHA fahansiiyo diinteena suubaan.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Aad ayan ugu qancay araktida walaal. waayo muhiimadu waa cadaanku ma muslinbaa mise waa gaal marka hore. Nimankan seeflabootka ah oo kamaseyrsan in nin ayaga kaqurxan in laguursado waxey sharafta kaqaadeen cadaankii oo idil. War yaa yiri qaran hala guursado?? Nin walboo islaam ah ayey diinta ii baneysay.

      Delete
  27. Anonymous8/23/2011

    Tan iyadiibaa cirka iska haysa kkkkk
    Ma suurto galbaa inay inan soomaaliyeey
    Ay ka waydo wiil fiican oo xalaal ku guursada
    ANIGA waxay ila tahay inay tahay naag maskax
    Ku filan ayna ku jirin madaxeeda
    Taasina waxay meel ka dhac ku tahay
    Inamada soomaaliyeed
    Hablaha qaar Ayaa naftooda hoos u dhiga
    Aaminsana inay nin cad ku faani karto maadaama
    Ayna nafteeda kalsooni ku lahayn

    ReplyDelete
  28. Anonymous8/23/2011

    HABLAHA QAARKOOD FIGRAD FIICAN MA LEH
    WAA ARIN CAJIIB AH LK ANIGA GABADH
    SOMAALIYEED WAX AAN KU BADALAN KARO
    MA LEH

    ReplyDelete
  29. Anonymous8/23/2011

    Hadawa maxeey kufaaneeysaa nin cadaan ah.naagihii cadaanka ahaa ayaa yiri once you go black u never come back.and we are muslim black.marka waxaan leeyahay hala xoojiyo shaqada sariirta.raga soomaaliyeed haka mashquulin xaaska.adigoo kumashquulsan qayilaad iyo waxlamit ah.ayaat guska kajilceeysaa.adigaana iskukeenay dhibkaas.ayadana waasida caloosha oo kale hadii aadan dherjin.dhameeystir ayeey raadindoontaa.marka niman yohow dumarka wexeey jecelyihiin markaad waalantahay sariirta korkeeda weeyna ku faalineeysaa.cadaanka ayeey caaykubilaawi doontaa.war intaat caloosha buuxsato Riix bahalkan waat riixikartaaye.hadii kale meelahan ayaan kucalaacaleeynaa.so lets start kicking till there thing dryes to ceep our girls.becouse thats exactly what they're looking for!

    ReplyDelete
  30. Anonymous8/24/2011

    Asc dhamaan dhalinyarada somaliyeed ramadaan kariim
    ARINKANI WAA ARIN AAD U FOGAADAY
    OO HABLAHA SOOMAALIYEED EE QURBAHA
    JOOGAA INAY GUURSADAAN NIN CAD WAX CUSUB MAAHA IYAGOON U KALA EEGAYN MA ISLAAMBAA
    MISE WAA GAAL HORTA ANIGA FIGRAD AHAAN
    MA RUMAYSAN KARO INAY RAGA SOOMAALIYEED KU GABEEN SARIIRTA XAASASKOODA
    BEFOR XAAS AYAYBA GABADHU AY NIN
    CADAANA ISKU SHARAXDAA WAXANA
    DHACDA INAYNA DHALIN YARADU DIB U SHUKAANSAN GABADHAAS OO KALE
    TAN KALE GABADH AAN DIIN LA BARIN
    WAX SOO CELIYA MA LAHAN MARKAA
    WAXA SAAMAYN KU YEESHA INTA OON LA BARIN DIINTA ISLAAMKA MARKAY SOO GASHO QURBAHA
    WAXAY KU KACDAA FICILO XUN XUN OO
    KA MAMNUUC AH GABADH ISLAAM AH
    EE ARINKU MAAHA INAY WAYDAY WIIL SOOMAALIYEED

    ReplyDelete
  31. Anonymous8/25/2011

    Asc aniga fikirkayga haddii aan dhiibo waa nacas nimo waa doqonimo anigoo hada cidna caynayn waa nacas nimo dumarka u siyaaday awalba aqli ma la ahayn markii dumarka la dhahayo waa sidan oo kale hadane way iskula gar lee yihiin waxyana mooda in ay cid wax ka halaysay lkn ninka cadaanka ah oo xitaa laga yaabo in uu gaal yahay jano iska daaye naar ayuu kuu wadaa intaa lee dahay wax fiican raadso nimankii somalida ma fiicnee amaa ku naar gashaa ku jano waydaa ilahay agtiisa amaa jago ku waydaa naagaha bilaa aqli in ay yihin waxaa u daliil ah wadan shishiiye bay imaanay sa bas waxay mooday saa in aanan la dhimanayn in xisaab saygayn in la noqonayo iyo qof walbe camalkiisa la waydiinayo bari markaa nin gaal ah guur satid oo ad ku raacdid gus isagoo gal ah bari waxaa ku sugayso maxaa ku raacday cml fiican ma samey satay ilahay ma u toobad keentay waa may so naarta gal been ma shegayo aniga wlahi marka naagaha waa bilaa aqli waxaan kaloo u shegayaa naagaha si walbe oo ay wiil somali ah oo walaalkood ah oo la fahmi karo oo isku diin ay yihin si walbe oo ay uga cararto wiilkaas naag ma waynayo lkn aaqiraada ha ku seegin bas waxaan kaloo halkaan ka cadeynayaa naagaha inta badan niman ajaanib ah guursada familyka keeda waa laga saara because hooyo iyo aabo islaan ah gabadhooda nin gaal ah guur satay cid rabto ma leh marka waxaan oran lahaa sariir iyo raaxo intaa ku fakaraysid amay kuu roontahay wax walbe oo walaalkaaga islaanka ah kaa soo garo in aad u samartid oo bari nin ku qanicyo oo ku raaxo galiyo janada ilaahay kaa siiyo aduunkane raaxo looma imaan waxaa lo yimid cml wanaag san in aad samey satid si bari janada markaa u gashid nolol aan dhimasho lahayn ilahay kuu siiyo soo ma nasiib dara naagta inta duunka raaxo mooda oo cadan guur satay oo jamaic guur satay bari kamaalin markay dhimato haye imbay naarta gal la yirahdo marka intas ayaan uga baxayaa thanks

    ReplyDelete
  32. Anonymous8/25/2011

    maxaa lagu garn karaa gabdah markay kacsato mahdsanid

    ReplyDelete
  33. Anonymous10/20/2011

    kkkkkkkkkkkkkkkk
    aar dadkaanaa intaan dhan gabar nin cadaan ah guursatay maa ka qaylinaysiin war waxaas waa caadi ragaba naago cadaan ah way guurasadaane dadka cadaanka ah maka qayliyaan war ilbax iska dhiga waxaas wax macno ah malahan kuwaan waa dad inagana dad ayaa nahay waxba isma dheerin lkn xoogaa waxaa yara gaf ah inay nin christian ah guursato bas lkn sida kale waa caadi dadku waa xor indho yar aa lala baashaaloyaa meeshaan maxay somali tahay waraa aniga maba rabo naag somali naag cadaan l ee rabaa uhuru kichoko anoo guursado aa ii dhaanto naag soomali oo kibir badan nacasta xun tan hada sawirka ka muuqato day wajigeed qurux may meesha ku haysaa ay rag somali k u diido iyadaa la diiday maxaa runta loo qarinaa markaas ay cadaan ciyaalo suuq koolo dhuuq ah streatka ka soo wadatay oo hal sawir iila soo galee miyaa kir bas nakh dheh unuka badha ye rehesa.

    ReplyDelete
  34. Anonymous12/20/2011

    IT NOTHING WRONG MARRIAGE A WHITE BOY

    ReplyDelete
  35. nin ajaniya guur la'aan baa dhanta wale uf

    ReplyDelete
  36. hayaaaaaaaaaaaaaaaaaay inader

    ReplyDelete
  37. Habooney afkaga caano lugu qabay Waa runtah somali wax dhamo runti maheliso

    ReplyDelete
  38. Wiilka cadaanka ah noloshuu yaqanaa

    ReplyDelete
  39. waxaasi ma dhacayso ee hablaha cayda ka daaya

    ReplyDelete
Post a Comment
Previous Post Next Post