Dumarka oo neceb ragga noocan ah



Hablaha oo Neceb Ragga Leh Sifooyinka Soo socda

Qof kasta noola ah Allah wuxuu siiyay maskax uu kula socdo waxa isaga dan u ah iyo waxa aan danta ugu jirin, mudooyinkii dambe waxaa soo if baxay in dumarka ay ka taxadar badan yihiin ragga kadib markii ay kumanaan dumar ah si aan kala fiirsasho laheen uguur sadeen raga kala dabeecad iyo kala dhaqan duwan, taas oo keentay in ay dumar badan ku silcaan noloshooda ama ku noqday dumar markasta furiin lakulma, qaladaadkaas badan ee dhacay ayaa keenay in dumar badan ay qaataan tilaabooyin ku dhaheen taxadar dheera kuna dag dagin ragga sifaadkaan leh.

1. Nimanka leh balwada sida sigaarka, jaadka iyo khamriga

inta badan ragga leh balwada dumurkooda cabasho aad u wayn ayaa ka keeneen taas sabab ka dhigtay in gabdho badan ka feejignaadaan ragga balwadaas leh, ceebaha ugu wayn raggan leh balwada qaabkani oo kala ah ayaa la sheegay in uu xanaaqa sanka ka saaran yahay dulqaadkane uu aad ugu yarayahay, ma marka qaar uu miir doorsanyahay, iyagoo aan kala saarin karin waxa ahmiyada uleh nolosha lamaanaha ama ahaato mida guriga, sidoo kale ragga leh balwadaan dumarka kalsooni buuxdo kuma qabaan, markasta waxaa afka ka saaran dalaaqada.

2. Nimanka u gacan qaada dumarka (Jirdila)

ragga sifidaan leh inta badan dumarka ma xiiseeyaan mana ka helaan, haweenada waxay u aragtaa qof loo awood sheegtay ama la adoonsanaayo ama loo adeegsaday awood, waxaana dhacda in dumar badan ka soo haajiraan gurigii ay kula nooleed lamaanaheeda dib ugu soo laabato ehelkeeda, caradaas ayaa keentay in ay gabdho badan u dhaga taagaan sababaha ku kalifay in dumar ka soo cararaan nimankii qabay, waxay noqotay sifadaan sifoooyinka ay aad uga fikiraan gabdhaha aan wali la guursan, inta badan iska hubiya nimanka dabcigaas qalaf san leh.

3. Nimanka naagaha badan (Playboy)

dabciga dumarka ayaa ah mid ka sameesan in nimanka ay xariirka la leeyiihiin uusan noqon mid xiriir la leh dumar kale, inta badan dumarka ma aaminaan raga naagaha badan xiriirka leh, sida ay cadeeyeen gabdho badan oo wareesi lala yeeshtay in ay xiiseeyaan nimanka aan naagaha badan aheen, dhanka kale waxay sheegaan in ninka markii uu dumar badan yahay uusan laheen wax balan qaad ah ama qalbi wax lagu shubto, waa mid u keenta dumarka niyad jab iyo walaac, taas oo keenta gabdho badan in ay ka dheeraadaan nimanka gabar kasta afka lagala (shukaansda).

4. Nimanka ad adag (Naxariis laawa yaasha)

way adagtahay ragga dabcigaan leh in ay la wareegaan ama hantiyaan lamaanaha kale qalbigiisa, ragga is xirxira ama mooda in dumarka aan loo jilcanaanin, dumarka xiligaan jira waxay ku daraan raggaas liiska madow aan marna soo galin dooqa ay xiiseeyaan dumarka, badanaa raggan ad adag waxaa ku dhaca in ay guurka ka daahaan maadaama ay adagtahay dooq lagu qaato, inta badan dumarka waxay aad u xiiseeyaan nimanka hadalka la wadaaga siiya fursad ay wax ku dhiiban karta, tusiya in ay tahay qof mas’uuliyad qaadi karta, noolo kasta ayaa ubaahan ixtiraam iyo qadarin.

5. Nimanka isla wayn (Yasida)

dumarka waxay u arkaan nimanka islwaynida ku jirta in ay yihiin niman qarabin aan laheen wax horo socod, inta badan waxay tibaaxan in ragga isla wayninka qaba waqtigooda kulimo yasid iyo islwayne iyo qof xaqiraad, mid kamid ah dumarka ayaa sheegtay in ninkeeda markii uu yaso dadkale qalbiga iska dhahdo adigane wuu ku yasaa, wax qabad kasta ay la timaado qofka dumarka ah waxay u qaadaneesaa in ninkeeda uu waxba kama jiraan ku tilmaami doono, halka ay dumarka aad uga xiiseeyaan ragga niyada u dhisa xitaa hadii wax qaldaan qaab caqli iyo xikmad ku saleesan ugu sheego.

shantaa qodob aan kor ku soo xusnay waa warbixin cilmiyeed laga soo qaado dumar badan kuwa la qaba iyo kuwa aan wali laguursan, hadaba hadii aad tahay nin qaba ciladahaas waxaa kula gudboon in aad la timaado isbadal saamixi kara wada noolaasho iyo xiriir qoto dheer macno wayn xambaarsa.

source: Calafka.com

W/D Saacid Cumar Axmed

Nairobi Kenya

7 Comments

  1. Anonymous4/21/2011

    qofkasta ra`yi buu leeyahay in lugu ixtiramona wa sida wanagsan,lkn ninka qoray maqaalkaan malaha wuxuu qoray dhamaadkii qarnigii 18aad ama bilawgii kii 19aad!!!. ina adeer xagee ay joogan dumarka sidan u fekera iyo noloshan sida tan wax loo kala dooqanayo? time ka ma dib u laabtay oo saacada ayaa dib isrogtey!!xaqiiqada in an ka tilaabsano waa sidi inaga oo cabsan oo kale.hablaha ma u sheegi karta halka ay ku xaraysanyihiin ragan wanaagga badan halka ay ku xaraysanyihin?HABLUHU qarnigaan waxa ay ubadanyihiin sidii shinida okale kuwa u duulduula oo marba geed ka duldhaca. inanti hesha nin uyaqaano in ay xaaskiisa tahay ayaa nasiib badisay haba u xanaaqbadnaado e.runti ma xaqirayo in ay jiran hablo yar o wanagsan, mana inkirayo in raguba aney hablaha wax badan dhamin lkn nolosha sxbkey ka hadlayo ayan garnla`ahay halka ay taalo!!wan jeclan lahayn in noloshas o kale dunida dib ugu solaabato!

    ReplyDelete
  2. Anonymous6/06/2011

    RG ukun ta lakarkariyey iyo tan aan lakarkarinin teba kuficaan xaga galmada??? WAD MAHADSANTIHIN

    ReplyDelete
  3. Anonymous6/06/2011

    WALAAYAL RG xulbo wa borotin badantahay marka seban u isticmali kara

    ReplyDelete
  4. sida maraq oo kale ayaa loo samayn karaa si kastaba waa burutiin

    ReplyDelete
  5. ukunta tan aan la dab soo marin ayaa ka fiican midda kale,

    ReplyDelete
  6. Gabadh somaliyeed8/12/2011

    Dumarka weey neceb yahiin raga sidaan ah
    1: Raga naagtiisa aanan waqti la qadan
    2:Raga areeebada ah (aanan iska sheqeyn)
    3:Raga familkiisa ka daba nageeya( familkiisa wuu la xariiri karaa lakiin yeena xukumin)

    intaas ayaa idinka maqneed RG.

    ReplyDelete
  7. Anonymous8/24/2011

    Ascww wa idinsalaamay dhamaan bahda Raaxada guurka waxay ila tahy in dulqaad ka labadiyo yaanay dumarku iska dhigin kuwo malaa ig ah iyagaba nooc walbey leeyiniin hadana raguunbaa qaba oo sidaa kuwada khayr ALLAHA siiyee RUntii waxan ahy qof dumara waxan leeyahy qofna ma helayo waxa uu doonayo oodhan ee haloo sameeyo % hadii ninkaagu leeyahy in ka badan 50% wixii aad jecleyd intakale u dulqaado oo wanaaji kana sameyso waad kaeysaaye u jajabnow saygaaga waxa uu jeclyahy baro oo ku dadaal isnu wuu ku dadaali doonaaye.

    ReplyDelete
Post a Comment
Previous Post Next Post