Ma guursan lahayd naag sidan u taalo akhri maqaalkan

Ma guursan lahayd naag indha l’a, dhaga l’a, hadli karin, soconna karinna? Naag noocas ah waxay dhasdhay Caalimkii ugu wayna Ummada Islaamka.
Waxa jiray nin safar u unbabaxay, intu jidka kusii jiray ayu wuxu garab maray beer, wuxuuna arkay tufaax jidka yaalo oo kasoo dhacay laan kasoo dhala baxday deyrkii beerta. Gaajo aad u daran aya haysay, sida darteed wuu qaatay tufaaxii jidka yiilay, wuuna cunay.
Wax yar kadib waxa helay walwal ah inu cunay wuxuusan isaga lahayn, inu cunay cunto aanan xalaal ahayn. Deedna wuxu kusoo laabtay beertii uu garab maray isagoo raadiyay ninkii iska laha beerta si uu ugu sheego inu cunay tufaax uu jidka ka helay oo kasoo dhacay laan ka dhala baxday beerta. Wuxu rabay inu iska bixiyo lacagta u dhiganta tufaaxa uu cunay ama laga cafiyo.
Markii uu arkay milkiilihii beerta ayu u sheegay arinti. Milkiilihii aya la yaabay daacidnimada ninkan. Deedna wuxu u sheegay inu cafis u fidin doono haduu aqbalo hal shardi, kaas oo ah: inu guursado gabartiisa oo dhagoole ah, indhoole ah, aan hadli karin, sidoo kalena aan socon karin.
Fajac ayay ku noqotay, wuxuna bilaabay inu arintaas ka fikiro. Deedna wuxu isku qanciyay inu aqbalo guursiga gabartaas dhibatooyinka badan haysato, hadii kale uu naarta gali maadaamo uu cunay tufaax uu jidka ka helay oo kasoo dhacay laan dhala baxday. Deedna wuu aqbalay guurkii isagoo cadaabka Ilaahay (SW) ka carar ah.
Guurkii aya dhacay, habeenkii aya la galbiyay ninkii isagoo murug iyo xumaan ay ka muuqato, ileen naag uu la boodboodo kama horaysee. Saa haduu galay qolkii, wuxu la kulmay haweenay quruxda ku taalo uusan waligii arag. Inta waxa dheer, wax way aragta, wax way maqasha, way hadli, naafana ma aha oo way socon si walbo. Waxayna lahayd haybad aad u wayn iyo cilmi aan xad lahayn.
Deedna waxay ninkeedii ku tiri: “Waan ogahay inaad yaabantahay, ileen aabahay aya kuu sheegay inaan indhoole ahay, taas wuxu ka waday waxaan indhahayga ka dabooshay wax walbo oo uu Eebe raali ka ahayn aragooda. Wuxu kuu sheegay inan dhagoole ahay, taana wuxu ka waday waxan dhagaha ka dabooshay hadal walbo oo mala-yacni ah.
Wuxu kuu sheegay inaanan hadli karin, taana wuxu ka waday inaan ka aamusay hadal walbo oon ka ahayn Xasuusta Alle. Wuxu kuu sheegay inaan ahay ruux naafo ah oon socon karin, taana wuxu kawaday inaan ka fariistay qabashada ama u istaagida wax walbo oo xaaraan ah. Aabahay wuxu sidan u yeelay rabitaan ah inaan helo nin Alla ka cabsado oo I mutaysan karo.”
(source: dhacdo.com)
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post