Sida loo adkeeyo naasaha markay balaq noqdaan

Sida loo adkeeyo naasaha markay balaq noqdaan

Naagaha qaarkooda marka ay dhalaan oo ay naasahooda caanaha ka dhamaadaan adkaanshihii ayaa ka baaba'aya waxay noqonayaan maqaar oo balaq ah, taas baa waxay keenaysaa nimanka qaarkooda in damacooda dhanka naaska yaraado, waayo naaska wuxuu ka mid yahay raaxada galmada iyo quruxda jirka naagta, marka dad baa adeegsada kareem loogu talagalay naasaha in lagu adkeeyo laakin inta badan la iskuma halayn karo waxyaalaha kimikalka ah, waxuu u soo gudbinayaa web Raaxada guurka  haweeneyda soomaaliyeed sida ay u adeegsan lahayd haddii ay u baahato waxyaalo dabiici ah oo naasaha lagu adkeeyo


Qaab 1aad

marka hore waxaa la isku qasaa malab iyo bur kaddib naasaha ayaa la marinayaa todobaadkii seddex jeer
saliid saytuun ayaa lagu daldaliigayaa muddo 5 daqiiqadood maalin kasta hal jeer kaddib waxaa lagu dhaqayaa biyo qandac ah, kaddib waxaa la keenayaa gabal yar baraf waxaa la marmarinayaa laba naasood ilaa uu ka dhalaalo, kaddib waxaad keenaysaa tufaax oo qashar la'aan la shiiday waxaad saaraysaa labada naasood kaddib waxaad ku qubaysanaysaa biyo lagu daray koob yar khal biyaha waa inay xoogaa kululaadaan waxaad daldaliigaysaa muddo gaaraysa 15 daqiiqo, inshaa Allaah waxaad ka heli doontaa natiijo fiican





Qaab 2aad

geed lagu yiraahdoo afka ingiriiska (Lupin) carabigana (ترمس)  ayaa la shiidayaa waxaa lagu daraa caano iyo khal iyo biyaha loo yaqaano (maaul wardi)  inta si fiican la isugu labo ayaa la saarayaa naasaha muddo hal saac ayay saarnaanayaan kaddib ayaa la dhaqayaa

waxaa laga soo xigtay   

4 Comments

  1. Anonymous3/23/2013

    asc dhamaan kooxda webkaan aad ayad ugu mahadsantihiin hawlaha aad uwadaan bulshada soomaliyeed su,aal ayan qabaa taas o kusaabsan naasaha sida loo adkeeyo ma jiraa qof isticmaalay alaabtaan aad soo bandhigteen teda kale ilaa intee in le eg ayan iskuwadayaa o aan wax iskaga garanayaa iyo isticmaalka woxo dhan miyaan iska daba marinaya mise midkasta wakhti ayuu leeyahay wsc.

    ReplyDelete
  2. asc walal tufaaxa inoo faahfahi wax yar in sha allah sifican manan u fahmin

    ReplyDelete
  3. Anonymous6/08/2013

    asc dhamaan bahda webkaan waxay idin waydiinayaa qof malahaya wax iskagaga gartay talabaad biyaha aad leedihiin khal kudar ma jirka dhan aya lagu wada qabaysanayaa mise naasaha bas wsc

    ReplyDelete
Post a Comment
Previous Post Next Post