Noocyada dumarka ee raggu neceb yahay

Gabadh kasta waxay xaq u leedahay inay doorato ninka ay doonto.
Waana shay cadaalada ka fog in lagu khasbo cid aanay rabin.
Gabdhuhu ama habluhu waxay soo maraan heerar kale duwan, marka laga eego xagga da’da. Inta u dhexayso 15 jir ilaa 20 jirka, habluhu intooda badan raggu waa isugu mid.
Waana xilliga ay gabadha ku adag tahay habka xulashadu. Waxayna u baahan tahay in si joogta ah tallooyin la siiyo. Si ayna ugu dhicin booraan. Laakiin marka la gaadho 20 iyo wixii ka weyn waxay figrad buuxda ka haystaa habka ay u xulan lahayd ninkii ay nolasheeda ku aamini lahayd.
Gabadhu waa inay ka feejignaataa khiyaamooyinka ay kula kacaan ragga qarkii. Iyagoo isticmaalaya erayo ama hadalo macaan oo aan dhaafsanayn afka baarkiisa. Waa inay iska shaandhayso, balanqaadyada ay soo qadimaan raggu, iyagoo doonaya
inay fushadaan ujeedooyin qarsoon. Waa inay noqotaa gabadh fiiro badan oo aan si fudfud loo duufsan Karin.
Bal aan soo qaadano qaar ka mid ah hadalada macaan ee soo jiita dumarka.
= markaan ku arko ayaan farxad kala qaboobaa.
= muxu ilaahay kugu manaystay qurux, caqli iyo garasho.
= ma qof la iloobi karo ayaad tahay.
=mar kasta xusuustayda kama baxdid
= waxaad tahay gabadh dhamaystiran, dhinac kasta.
Markay gabadhu maqasho erayadaa ama qaar u dhigma way ku raaxaysanysaa, ka dibna
waxay gabadhii ku beermaya jacyl xaddhaaf ah.
Waxyaabaha habluhu ku raacaan ragga.
1) Lacag
2) Aqoon
3) Qurux
4) Aftahnimo
5) Madaxnimo
6) Dabeecad wanaagsan
Calaamadaha dumarka wax jecel.
= waxaynu soo qaadan doonaa calaamadaha ugu caansan.
= waxay la soo baxaysaa xishood aad u badan
= waxay jeceshahay inay mar kasta kul joogto
= waxaad ku arkaysaa shaki badanm oo ay kaaga shakiyayso inay gabadh kale kaa
qaado. Laakiin shakigaasi maaha kii xumaanta ahaa, ee waa jacyl xadkiisii
dhaafay.
= is qurxin xad dhaaf ah, oo ay ninka ku soo jiidanayso.
= waxay ku halmaantaa magaciisa, markay sheekaynayso.
= waxay la soo baxaysaa inay markasta garaacdo tilifoonkaaga,si ay u maqasho
hadalkaaga,
Maxay dumarku qiimeeyaan.
1) Jacylka.
2) Quruxda.
3) Heesaha (kuwa dareenkooda khuseeya).
4) Xafladaha.
5) Labiska ( dhar xidhashada).
Noocyada dumarka ee raggu neceb yahay.
= gabadha carrabka dheer, ee meelkasta hadal iyo doodd la taagan.
= gabadha ninkeeda meel kasta ku cidhiidhada, ee ka garab hadasha. Marna aan
tixgalin hadalkiisa.
= gabadha doonta inay ninkeeda ka sarrayso ama u taliso. Wax kastuu soo jeediyo
ku gacansaydha.
= gabadha ninka reerkiisa iyo saaxiibadii ka caydhisa gurigeeda.
= gabadha markasta ninkeeda ka codsata lacag dheeraad ah, oo ka baxsan tan
gurigeed ku filan.
Waxyaabaha dumarka lagaga farxiyo.
= in la amaano.
=in loo keeno hadiyado kala duwan.
= in goor kasta loo muujiyo in la jecel yahay.
= in markay hadlayso, loo dhago nuglaado.
= in la caawiyo markay hawl hayso.
= in laga ilaaliyo hadalada qallafsan.
= in loo muujiyo ixtiraam badan.
= in loo garaabo sax ama khalad
=in loo sameeyo wax wada iibsi (shopping)

Noocyada dumarka ee raggu jecel yahay.
= gabadha furfuran, ee inta badan aan qaylo iyo hadalo xun ragga ku odhan.
=gabadha mar kasta is qurxisa. Gurigeedana qurxisa.
=gabadha tallada ninkeeda uga dambaysa.
=gabadha ninkeeda aaminta, wuxuu u sheego maqasha.
=gabadha dhawrta ninka ehelkiisa iyo saaxiibadii.
Qoraaladan waxan ka soo xigtay buuga magaciisa la yidhaa: men are from mars and
women are from venus.
Aqristoow adigana Fikradaada ka dhiibo hadii aad u aragto qaar aan soconeyn mise aan ku cancin, meesha hoose faaladeede noogu soo gudbi
Cali cabdi coomay
Freelance

4 Comments

  1. Anonymous5/01/2011

    Waa runtaa walal lakiin qaarba dhaliil kujirtaa 2 bada dhinacba raga iyo dumarka waxan oran,lahaa Jaceelka hajiro hana waaro Somalia hanoolato iyo nabadgalyo wanaagsa.

    ReplyDelete
  2. waxaan figrad aan ka dhiibanayaa qoraalka ah sax & qalad in loogaraabo dumarka, run ahaantii aragtideyda ku aadan qalad inloogo garaabo dumarka waa mid aad u qaldan iyadoon iga aheyn xumaan sida badan dumarka markaa ugu garaabto qalad dib uma gucdaan ama uma dareemaan iney qaldaneed caadadooduna waa iney ilaabaan ama hilmaamaan sidaa u taqaano horay wanaagii aad ugu sameysan islamarkaana arka xaaladda meesha eytaagantahay weliba eykugu tiraahdo weligaaba adiga miyaa asxaan ii sameeyay, intaa ayaan ku ekeenayaa inaan qaldanahay & inaan saxsanahayna waan u dhaxeeyaa waxaan ku qaldamay raali halaga noqdo hilmid ayaan ku darayaa shiiq ayaan dhageesanayay muxaadaro uu inoo aqrinayay waxuu dhahay dumarku wey caasiyaan balse ma ahan mid kufaarnimo ah ee waxey inkirtaa ama beenidaa wanaagii ninkeeda u sameyn jiray
    Asalaamu caleykum

    ReplyDelete
  3. asc dhamaan waxaan salaamaya akhayaarta halkaan soo booqata iyo dhalin yarada jecel xariirka wanaagsan hadaan guda galo fikirkeeyga waxaan oran lahaay dumarka ilaahba shegay feer qaloocan in laga abuuray marka qaladkoodu ma dhamaado mana qaataan qalad kooda hadii la yiraahdo hala toosiyo weey jabeeysaa jabkuna waxa uu noqonayaa iney dhimato mahnaha dhimashada waxaan kla wadaa waa in la furaa wabilaaho towfiiq

    ReplyDelete
  4. Anonymous6/21/2011

    Runtii waa mowduuc xiisa badan waxyaabo run ah ka hadlaayo. Waxaa iigu yab badan intaan.

    Waxyaabaha dumarka lagaga farxiyo.
    = in la amaano.
    =in loo keeno hadiyado kala duwan.
    = in goor kasta loo muujiyo in la jecel yahay.
    = in markay hadlayso, loo dhago nuglaado.
    = in la caawiyo markay hawl hayso.
    = in laga ilaaliyo hadalada qallafsan.
    = in loo muujiyo ixtiraam badan.
    = in loo garaabo sax ama khalad
    =in loo sameeyo wax wada iibsi (shopping)

    Gaar ahaan "In loo garaabo sax ama khalad"
    Runtii anigoonan necbeen hablaheena qaaliga ah. ayaan odhan laha in ay yaryihiin raga kuwo kasoo bixi karaan intaan oo dhan, halka dumarkaba ay nan noqon karin raga siday wax u rabaan.

    ReplyDelete
Post a Comment
Previous Post Next Post