Toban waxyaalood oo aduunka ku sii yaraanaayo

Alaabaha kala duwan ee aan isticmaalo ayaa maalinba maalinta ka dambaysa waxa ay noqonayaan kuwa casri ah. Marka aad iibsato telefoonka gacanta oo ayaa sanad ka dib waxa soo baxaya mid ka sii casriyaysan kii aad haysatay.
Waxa jira halqabsi ay farsama yaqaaniintu yidhaahdaan “marka aad alaab soo iibsato, oo aad ka soo saarto kaartoonka ay ku jiraan, ayaa shirkadii samaysay alaabtan ay soo saartay nooc ka casriyaysan kan aad hada haysato”. Taas oo ku tusaysa isbedelka ku socda dhaqsaha iyo dadaalka ay shirkaduhu ugu jiraan sidii ay alaab cusub u soo saari lahaayeen. Isla markaana ay shirkadu rabin in ay noqoto mid looga raayo tartanka suuqa.
Alaabta casriga ah ee sida dheqsaha leh isu bedbedlaysa ee shirkaduhu soo saarayaan marbar marka ka dambaysa ayaa waxa laga yaabaa in ay caruurtaadu ogaynba oo ayna guriga kuu oolin alaab aad adigu hore u isticmaali jirtay sida “walkaman” oo ahaa qalab laga dhegaysan jiray muusika, ama cajaladah waa wayn ee video-ga.
Hadaba dhowaan ayaa waxa sidoo kale aynu ka waayaynaa waxyaabo badan oo aynu hada u aragno wax maalin kasta jooga.
1. Warqada
Barigii hore ayaa fariimaha la isug diri jiray waraaqo laakiin hada waxa meesha ka saaray adeegsiga mail-ka. Inkasta oo dadka ka hadla jacaylka ay yidhaahdaan marka warqada la isu diro waxa ay ahayd roomaantik.
2. Madax kutida cad
Waxa imanaya waqti uu dhalaalayo barafka saaran dhulka korkiisa dhinaca waqooyiga ee la yiraa “north pole”, halkaas oo uu ku nool yahay bahalka cad ee madaxkutida, kaas oo dabar go’aya marka uu barafku dhalaalo.
3. Kaartada
GPS ayaa waxa uu meesha ka saaray warqadii kaartada ee laga raadin jiray ciwaanada iyo meelaha la rabo in la hel. GPS-ka ayaan u baahnayn in aad mar walba sida warqada laablaabto, lagana adeegsan karaan telefoonada gacanta.
4. CD
Cajaladaha la yiraa CD-ga ayaa ayaguna dhawaan noqon doona kuwa ka bixi doona suuqa. Wax jiray waqti ay CD-ga iyo sinxiyada madow ee wareegaa ahaayeen kuwa la ga dhegeyso muusika, laakiin maanta waxa muusika laga
dhegaysanayaa internet-ka, mp3 mobiil-ka, Spotify iyo meelo kale oo badan. Marka aad aragtid CD ayaa waxa aad dareemaysaa in uu yahay alaab la adeegsan jiray waqti hore.
5. Saacada
Waxa hada aynu wada adeegsanaa saacada ku taal mobiil-ka, mar hadii aad haysato mobiil ayaanad u baahnayn in aad iibsato saacad.
6. Lacagta shilimaanta iyo waraaqaha
Mar hadii aan maanta ku iibsanayno wax kasta kaadhka lacatu ku jirto ee Visa, Mastercard-ka iyo kuwa kale ayaa waxa meesha ka baxaysa lacagtii waraaqaha iyo shilimaanta ahayd ee aan sidan jiray.
7. Furayaasha
Kooodhadh iyo kaadhadh ayaa ah kuwa aynu hada adeegsano si aynu u furo albaabo badan, bal u fiirso gaariga aad wadato ma ku furtid furaha,shaqada waxa aad ku soo gashaa koodh aad ku qoraysid qalabka ku dhegan darbiga. Sidoo kale marka aad dhaqanayso dharka ayaa waxa aad ku galaysaa kaadh meesha dharka aad ku dhaqanayso.
8. Jaraaidka
Inta badan jaraai’dada soo baxa ayaa waxa y leeyihiin shabakado laga akhrisan karo maqaalada iyo wararka.taas oo yaraynaysa istimaalka jaraa’idkii ahaa warqada.
9. Radio
Maadaama maanta ay jirto farsamada casriga ah ee la yiraa Wifi oo ah in qalab badan ay si toos ah u soo qaban karaan hadalka iyo muusiga ayaa waxa meesha ayana ka baxaysa soo iibsigii radio-ga.
10. Teebka
Teebka oo ah qalabkii wax lagu qori jiray ayaa gabi ahaanba si toos ah uga baxay suuqa. Way adag tahay in maanta la helo dad badan oo adeegsanaya teeb.
(source: metro)
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post