Raaxada kuma xirna midab iyo jinsiyad toona balse waxay ku xirantahay jacayl iyo kalsooni

Raaxada kuma xirna midab iyo jinsiyad toona. Asc waxaan rabaa inaan wax ka iraahdo fikirka ay qabaan dadka qaar kaa soo ah dumarka somaliyed ee guursanaya cadaanka iney kasheegteen raga somaliyeed oo aan aqoon ulaheyn waxa ay ugu yeereen Galmada cusub.dadka waxaa haga waxa ay aaminsan yihiin. hadaan somali nahay waxan leenahay dhaqan kusaleysan diinteena dhameystiran.wax walbana iyaduu illaah ku cadeeyay waxey cadeysay in ay haweenka beer uyihiin ragooda qaabkey rabaan iney ugu raaxeysan karaan balse meel kaliya iney uga galmoon karaan taa soo ah xubinta taranka.wiilka somaliyaad ee kuqaba haduu fahmiwaayo sida aad kahesho iyo meelaha aad kadareen qaado adiga ayaa lagaa doonayaa inaad ulatimaado dalabka sidey naftada rabtana usheegan kara.Raxada kuma xirna jinsiyad ee waxey ku xirantahay jaceyl labada isqabtaa waa iney isjecel yihiin.sheyga hadaadan uqabin jaceyl iyo xiiso wax saameyna malahan.waa in leysku qanacsanyahay. Jaceylka laguma dhasho ee waa la abuuraa dadka iyagoon isqabin ayay jaceyl abuuraan maxaa udiiday marka la isqabo in jaceyl la abuuro oo lagu wada noolaado farxad.sideed kuheleysaa raaxo waxaabad qarsaneysaa dareenkaada.aan sheegano dareenka iyo jaceylka nahayo si aan ugu noolaano farxad xurmana naloogu hayo.cunto cusbo la'aana maadan cunteen ee Raaxada bilaa jaceylka ah hala iska daayo.in jaceyl laguwada noolaado ayaa ufiican labada lamaane iyo ilmahoodaba.ilmaha ay kuriyaan waalid isjecel iyagana mustaqbalka waxey raadiyaan qof kula noolaada jaceyl sidaasaana lagu heli karaa mujtamac fahamsan qiimaha jaceylka waxaana lagu wadanoolaanayaa nolol xasiloon. Waxan kusoo afjarayaa inaadraaxo heshaa kuma xirna midab iyo jinsiyad ee waxey ku xirantahay inaad heshid qof kugu diina oo kujecel adna aad jeceshahay.tani waa aragtideyda qaladkii iga dhacana allaha i cafiyo.
------------------------------------------------------------------------------------------------
waxaa qortay Runsheeg dumar  wuxuu ahaa comment

3 Comments

  1. Dood Wadaag4/28/2011

    Asc Dhammaan

    "Raaxada kuma xirna midab iyo jinsiyad toona" suaal ayaan ka qabaa.

    Aragtida indhuhu waa furaha dareenka, oo markaan qofka aragto ayaad ama dareen u qaadaa ama aadan u qaadin. Haddadan waxba arkeyninna dareenkaagu wuxuu ku xidhan yahay taabashada. Waxaan ula jeedaa haddii markaan arko naag ajnabi ah, jinsiyaddey doonto ha noqoto midabkey doontana ha yeelatee uusan dareen iyo damac toona ii galeynin xataa haddey daba qaawan tahay sida aan maalin walba ku aragno waddama reer galbeedka, oo markaan arko gabadh Soomaaliyeed oo tin iyo cidhib asturan ay isla markiiba i soo jiidaneyso sow taasi kama hor imanayso cinwaanka qoraalka ee leh "raaxadu kuma xirna midab iyo jinsiyad ......". Dareenka noocaan ahse ma la ila qabaa mise waa keligey. Dumarka Soomaaliyeedse ma qabaan dareenka noocaann ah oo ragga Soomaaliyeed ma uga soo jiidasho badan yihiin ragga ajnabiga?

    Salaam

    ReplyDelete
  2. Rnsh.dr4/28/2011

    WCS. Akhii Dood wadaag. Raaxada kuma xirna midab iyo jinsiyad.., hadan wax yar ka iraahda ulajeedka laga lahaa qoraalkeeda waxey aheyd.in aan daba socday hadal gabadh ay tiri kaa soo ahaa nin somalia ayaan udhalay gabadh raaxana kuma qabin waxan guursadey nin cadaana waxan kahelay raaxo iyo jamaaca cusube raga somaaliyeed aysan aqoon. Taa anoo kaduulaya ayaan iri raaxada kuma xirna midabka cad iyo inuusan somali aheyne raaxada waxey kuxarin tahay jaceyl iyo kalsooni aad uqabto qofka xiriirka idinka dhaxeeyo.taasaana dhadhan uyeeleysa ee ow cadaan waxgaara mawato.muhiimada qoraalkeyga waxa weeyaan qofkii jecleysata inuu uqaraabtago meel kale waxba yuusan u gafin raga somaliyeede ha iska tago.Malaayiin aan aniga kujiro Ayaa kuqanacsan Raga somaliyeed inaan kula noolaano farxad kana helno RXO dhameys tiran waliba uduceyneyna labadii dhashay kuna mahdineyna allaha noo doorey. Dood wadaagow waxa aad ugu hawooneyso tan asturane somaliyeed waxan oran lahaa waa qanaacada aad kuqabto agtaadana ay kaqaalisantahay.

    ReplyDelete
  3. Dood wadaag4/28/2011

    Asc dhammaan

    @Runsheeg dumar

    Waan ka xumahay, malaha si kalaan wax u fahmay.

    Ninka Somaliyeed wuxuu wataa diintiisa ah Islaamka iyo dhaqankiisa. Waxay labadaasi farayaan ama ay ka reebayaan wax ka badan hadii laga rabo waxaan u arkaa in lagu xadgudbayo.
    Haddii nalaga doonayo inaan ku dayano dhaqanka ninka cad amaba kan aan muslimka ahayn midab kasta ha lahaadee, waxay ila tahay in nalaga gardaran yahay. Nin aan aqoon hawsha gogosha ma jiro ee waxaa la isla garan la' yahay qaabka iyo siduu qofba u jecel yahay. Taasna waxay ku xidhan tahay labada isqabta oo isla fahamta. Isfahamkuna wuxuu ku xidhan yahay in la iswareysto. Ninku isagu siduu jecel yahay isagoon u sheegin xaaska ayuu sameyni amaba wuu ka dalban inuu siduu rabo ay wax ula waddo. Haddeysan gabadhu helin qaabkey rabtey iyadey ku xidhan tahay iney ama sheegato ama iyaduba hoggaanka u qabto oo ay sameyso. Haddaba gabadhii intey aamusto xishood dartiis iney haddana tidhaahdo ninkeygu waxba ma yaqaano oo ay raadsato nin cad ama aan muslim ahayn oo aan dhaqan celiya iyo diintoona lahayn ma saxbaa? Dumarow ha naga gardarraanina. Arrimo badanoo raggu idinkaga gardaran yahay way jiraan. Laakiin tan gogosha idinkaa isdayacay.

    Runsheegey gabadhiba gabadhay ka asturan tahay way ka soo jiidasho badan tahay, taasi dumarku ha ogaadaan. Jidhkiinna qariya qiimuu yeelane.

    Salaam

    ReplyDelete
Post a Comment
Previous Post Next Post