Gabadh nin xoogayay xubinta taranka ka jartay

Dhacdadaan oo mid argagax xoog leh kuugu beereysa ayaa waxay ka dhacday magaaladda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, iyadoo ay dhex martay nin u dhashay dalka Imaaraadka Carabta iyo gabar u dhalatay dalka Itoobiya.
Gabadha u dhalatay dalka Itoobiya ayaa waxay u shaqeen jirtay ninka ay dhacdada dhex mari doonto, waxaana la sheegay in boqolaal jeer uu isku dayay in uu bilaa sharci kula galmoodo, hase ahaatee taasi ayaa waxaa ka biyo diiday gabadhii u dhalatay dalka Itoobiya.
Muddo markii ay arintu soo taagneed ayay habeen habeenada kamid ah gabadhii u dhalatay dalka Itoobiya ay soo qaadatay Mindi ama Toorreey, deetana waxay hoos gashatay sariirtii ay ku seexaneysay, isla-markaana waxaa daqiiqado kadib qolkeeda ugu soo galay ninkii.
Wuxuu bilaabay in uu isku dayo in uu la-galmoodo, iyadana waxay iskaga dhigtay ruux habeenkaasi diyaar u ah, hase yeeshee daqiiqado kadib ayaa waxay lasoo baxday Mindidii u qarsoonood, isla-markaana waxay ka goysay amaba ay ka jirtay Xubinta Taranka.
Isaga oo dhiig baxaaya ayaa waxaa durbadiiba goobtaasi soo gaaray ciidamadda ammaanka, waxayna u qaadeen xaruumaha caafimaadka, halka gabadhii u dhalatay dalka Itoobiya ay iyana u taxaabeen xabsi ku yaalla magaaladda Dubai.
Ciidamadda ammaanka oo dhacdadaan naxdinta leh soo bandhigay ayaa waxay sheegeen in’ay dhacday Isniintii aanu soo dhaafnay, iyagoo intaasi ku daray in ninkii dhacdadaan xanuunka badan ay ku dhacday uu ku sugan yahay xaalad adag, halka gabadhii Itoobiya u dhalatayna ay ku xiran tahay xabsi ku yaalla magaaladda Dubai ee dalka isku-tagga Imaaraadka Carabta.
Waa dhacdadii ugu horreysay  oo ka dhacda gudaha wadanka Imaaraadka Carabta, iyadoo ay argagax xoog leh ka muujiyeen muwaadiniinta u dhashay dalka Imaaraadka Carabta, waxayna qaarkood ay ku baaqeen in la-dillo gabadhii dhacdadaan ku kacday.

Xasan Cadde
dhacdo.com

Raaxada guurka : waa mutay in laga jaro waayo meel xalaal aan u ahayn ayuu la aaday gabadhana way is difaacday
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post