Afar iyo toban naagood lagu qabtay xamar marka ay qaateen kaddib rajabeeto

Warar Goor dhaw naga soo gaaray Deegaanka Suuqa xoolaha ee degmada Hilwaa Ayaa sheegaya in Hool gal balaaran oo Lagu kontoroolayo Haweenka Rajabeetada xerta Ay Alshabaab ka Fulisay Deegaanada Hoostaga Degmada Hilwaa ee Magaalada Muqdisho
Ilaa inta Imika La xaqeejiyay waxaa lagu soo qab qabtay Hool galkaasi 14 Dumar ah oo Laga Bixiyay Rajabeetooyinkii ay wateen isla markaana Lagu ganaaxay Lacag gaaraysa 250$doolar iyo sadax maalin Oo xarig ah
Haweenkii saaka La soo qab qatay ayaa Wada ahaa Ku wa ka soo jeeda Hal beel oo qura iyadoo taana ay dhalisay shaki weyn oo ku beermay Beeshaasi iyagoo Qorsheystay in ay isaga Guuraan Goobaha ay Alshabaab gacanta Ku hayso
Beesha Alshababaab Ay Ku eedeeystay in   Haween kooda qaataan Rajabeetada Ayaa Noqotay Tilmaam Gaar ah oo lagu qaxweynayo Saaka Magaalada Muqdisho
Wixii warar ah ee ku soo kordha Hoolgalka lagu qabqabtay Haweenka Xernaa raja beetada waxaad ku Maqli doontaan Wararkeena Dambe
Cabdulaahi Cabdi Xaashi
cabdulaahi_heeb@hotmail.com
Muqdisho-somalia

5 Comments

  1. Anonymous4/22/2011

    Maxaana rajabeeto hadii la xirto ma danbi baa

    ReplyDelete
  2. Anonymous4/22/2011

    war heedhe qore waxad ogataa in webka dada badani akhristo oo kala lahjad duwan ee fadlan waxaa dad badan ay kacabanayaaan waxyaabaha qaar oo an lafahmin hada maanu fahmin waxa aadd ka hadlayso waayo "rajabeeta " manaqaano weligayan maanu maqlin
    ta 2aad= hool gal maanu maqlin weligaya manaqaaano
    ee fadlan noo fasir oo noo sharaxa. saanu ufahano

    ReplyDelete
  3. rajabeeto waa naaso-gshi haddii aan u tarjumo af soomaali ereyga rajabeeto ayaa aad loo adeegsadaa koonfurta

    ReplyDelete
  4. Anonymous4/23/2011

    ok naaso gashi mawaxd kawadaa "kansheri" oo ah marada dumarku naasaha ku xidhaan ee naasaha dhista ama adkeysa

    ReplyDelete
  5. Inaad wax fahamto hadaad rabto waa inaadan isla weynaan maankana galisaa inaad somali tahay Rajabeeto ayaad fahmi weyday makulatahay in ay jiraan dad iyagana aan waligoodba maqal Kenshari ama keshali kama qabaan waxdooda sababtoo ah afsoomaaliga saxda ah Waa Naaso reeb.erayo la af soomaaliyey yeynaan isku qabsan.

    ReplyDelete
Post a Comment
Previous Post Next Post