Waxtarka sabiibka (canabka la qallajiyay)

Waxtarka sabiibka
Sabiib
Allaha na abuuray ayaa ku mahadsan nicmooyinka uu na siiyay geed kasta Alle abuuray wuxuu leeyahay waxyaalo u gaar ah oo loogu tala galay khalqiga inay ka faa'idaystaan, marka waxaan sharxaynaa waxtarka sabiibka, sabiibku waa canab la qallajiyay
Sabiibka wuxuu xoojiyaa caloosha iyo beerka, wuxuu daweeyaa  hunguriga iyo xabadka iyo kilyaha iyo sambabka iyo kaadihayska, inta biya lagu karkariyo oo lagu daro wax yar sokor ah ayaa loo adeegsadaa qufaca in lagu dejiyo wuxuu kaloo sifeeyaa meela neefta ka soo baxdo, diifka madaxa gudihiisa fadhiyana waa soo bixiyaa, wax xafidaadana wuu kordhiyaa, haddii aad ka cuno 100 garaam jirkaaga wuxuu siiyaa 268 awood kululeed, wuxuu kaloo la dagaalamaa cudurada ku dhaca ilkaha iyo cirridka, wax tarka canabka halkaan ayaad ka akhrisan karaa isoo faahfaahsan, waxay ku kala duwan yihiin labadooda canabka waa qoyaan sabiibkana waa qalayl

2 Comments

  1. Anonymous4/27/2011

    asc walaalaha raxaada guurka?????? wa maxay RUMAANKA

    ReplyDelete
  2. Waxaa lagu yiraahdaa afka ingriiska : Pomegranate‏

    ReplyDelete
Post a Comment
Previous Post Next Post