Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay inay Jimcihii xireen afar qof oo Soomaali ah kuwaasoo ay uga shakiyeen inay xiriir la leeyihiin Xarrakatul Shabaab, waxayna xuseen inay doonayeen in Uganda ay galaan iyagoo aan haysan wax aqoonsi ah.
Afartan qof ayay booliisku Uganda ka qabteen deegaanka Pakwach iyagoo la socda basas ka yimid deegaanka Jubba ee Koonfurta Suudaan iyagoo ku socda magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda.
Booliiska ku sugan koontaroolka xududda ee Koboko ayaa sheegay inay afartan qof ku guuldareysteen inay aqoosigooda tusaan booliiska. Saddex ka mid ah dadkan waxay ku halayaan afka Soomaaliga oo keliya, halka ruuxa kale uu ku hadlayo afka Ingiriiska, kaasoo sheegay inay ku socdeen xaafadda Kisenyi ee maagalada Kampala, ayna doonayeen inay uga sii gudbaan Nairobi.
Taliyaha booliiska magaalada Nebbi ee dalka Uganda Alex Wabire ayaa warbaahinta u sheegay in kooxdan ay doonayeen inay galaan Uganda iyagoo aan haysan baasaboorro, fiisooyin iyo warqado kale oo u ogolaanaya inay safraan.
"Ma hayno warbixin ku saabsan socdaalkooda, balse baaris ayaa ku socota. Waxaa shakiga nagu abuuray safarka ay ku socdaan iyagoo aan wax aqoonsi ah wadan," ayuu yiri Wabire.
Booliisku waxay sheegeen in mid ka mid ah afarta qof oo lagu magacaabo Maxamed Maxamuud uu wato baasaboor gaboobay oo Soomaali ah, kaasoo ay ku qoran tahay inuu ku dhashay Muqdisho 23-kii July, 1991-kii, uuna ahaa arday.
Mr Wabire, ayaa sheegay in saddexda kale ay u sheegeen inay iska lumiyee baasabooradoodii. "Haddii ay baasaboorradii iska lumiyeen, maxay u tegi waayeen xerada qoxootiga ee Koboko oo ku dhow soohdinta Uganda iyo Koonfurta Suudaan, ayna uga sameysan waayeen caddeymo?" ayuu Mr Wabire isweydiiyay.
Ku-xigeenka madaxa la dagaalanka argagaxisada ee dalka Uganda Mr John Ndungutse, ayaa sheegay Axaddii shalay in afartan qof ee laga shakisan yahay loo gudbiyay magaalada Kampala laguna wado baaritaanno.
Dalka Uganda ayaa ku yaboobay ciidamada ugu badan ee AMISOM oo ku sugan Soomaaliya, waxaana sannadkii hore bartamihiisii ka dhacay qaraxyo waaweyn oo sababay dhimashada 76-qof oo daawanayay ciyaaro, waxaana mas'uuliyadda qaraxyadaas sheegatay Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online