Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International (AI) ayaa ku eedaysay dawlada Kenya inay dib u celiso dadka qaxootiga Soomaalida ah ee Magan galyo doonka kuwaasoo kasoo cararaya dagaallada ka socda dalka Soomaaliya.
Madaxa hay’addaasi u qaabilsan dalka Kenya Justus Nyang'aya ayaa saraakiisha dawladda Kenya ka codsaday inay dajiyaan shuruuc lagu kala soocayo dadka qaxootiga ah ee dhibaataysan iyo kuwa looga shakisanyahay inay ammaan darro keeni karaan si looga hortago in dib loo celiyo dad qaxooti ah oo tacadiyo la kulmi kara marka la celiyo.
Waxaa uu ka dalbaday dawladda inay la kaashato beesha caalamka sidii loo gargaagri lahaa dadka qaxootiga ah ee haddii la celiyo la kulmi kara tacadiyada.
Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International (AI) ayaa sidoo kale ku eedaysay Kenya inay dayacday sugidda ammaanka dadka ku nool gobollada waqooyi iyo waqooyi bari ee dalka iyadoo sheegtay in dadkaasi dawladda ay iska indho tirto sugidda ammaankooda.
Waxaana hay’addu ay cambaaraysay dilkii ay qabiilka Merile ay u gaysteen dad Kenyaan ah iyadoo dawladana lagu canaantay inay ku guul darraysatay sugidda ammaanka dadka Turkaanada ah.
Waxaa kale oo ay hay’addu ka dalbatay dawladda Kenya inay dib u dejin u samayso dadka qaxootiga Kenyaanka ah ee dalka gudihiisa ku barakacay doorashadii 2007.
Ugu dambayntiina Amnesty International waxaa ay walaac ka muujisay tacadiyada ka dhanka ah haweenka dalka Kenya oo ay ka mid yihiin kufsiga iyo waxbarasho la’aanta.
Axmed Cabdisamad Cilmi,Hiiraan Online