Dhacdo xanuun leh oo ka dhacday magaaladda Muqdisho “Naa Xaa Ku Diidee Waaba Mujaahidee”?

Dhacdo xanuun leh oo ka dhacday magaaladda Muqdisho “Naa Xaa Ku Diidee Waaba Mujaahidee”?

Dhacdadaan oo dhacdo xanuun badan ah ayaa waxay isbuuc kahor ay ka dhacday magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoo ay dhex martay gabar Soomaaiyeed iyo Xoogaga Xarakada Al Shabaab.

Gabadhaan aya waxaa lagu magacaabaa Faa’isa Nuur Jimcaale, waxayna horey u degnaayeen degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir, hase ahaatee muddooyinkii dambe ayaa waxay ku noolleed deegaanka loo-barakacay ee Ceelasha Biyaha ee degmada Afgooye.

Dhacdadaan xanuunka badan ayaa waxaa inooga sheekeysay Fardowsa Nuur Jimcaale oo la-dhalatay Faa’isa Nuur Jimcaale oo ay si xun u galleen Xarakada Al Shabaab, waa tanaa Fardowsa oo sheekada inooga sheekeyneysa.

“Galabtii Talaadada ee aanu soo dhaafnay, xilli Salaadda Casar ah ayaa waxaa gurigayna oo ku yaalla inta u dhaxeysa Ceelasha Biyaha iyo Lafoole inoogu yimid, rag ku hubeysan qeybaha kala duwan ee hubka, waxaana xilligaasi u duubnaa indhaha.

Waxay yiraahdeen Faa’isa meeday, markaas ayaa isku wada naxnay, xilligaasi hooyo waxay ku maqneed degmada Xamar Weyne, halka aabe uu isna ku maqnaa Ceelasha Biyaha, markaas ayaa waxay Fa’isa tiri, waa aniga, dabadeed waxay ku ka xeysteen mid kamid ah gawaaridii ay wateen, laakiin waan ka daba cararay aniga oo ooynaaya, welibana aad u qeylinaaya, markaas ayaa waxaa qoriga, qeybta dambe igu garaacay laba kamid ah ciidamadda Shabaab, markaas ayaa igu war dambeysay miir oo dhan.

Ciidamaddii ayaa waxay gabadhii ay geeyeen deegaan aan aqoon magaciisa, halkasi ayay ku weydiiyeen inay raali ka tahay inay guursato nin ay sheegeen in uu u dhashay dalka Al Geria, wuxuuna walaashey uu arkay, xilli ay maalin hooyo u raacday suuqa weyn ee Bakaaraha.

Fa’isa waxay tiri wax kasta oo dhaca aniga nin ajnabi ah guursan maayo, haddii uusan nin ahayn Soomaali guursan maayo, markaasi ayaa waxaa kor u qeyliyay mid kamid ah ciidamaddii Shabaab oo markaas la’ socday, wuxuuna ku yiri, “Naa Xaa Ku Diidee Waaba Mujaahidee?

Markaas ayaa waxay Faa’isa tiri adiga waxaa tahay nin Soomaali ah, oo igu dhiig iyo dheecaan ah, waana aqaanaa meel aan ku raaco, laakiin nin shisheeye ah bal adiguba sheeg meel aan u raaco, markaasi kadib ayay si xun u jirdileen walaashey, waxayna markii dambe ay geeyeen cisbitaalka weyn ee Dayniile, halkaasoo lagu soo dabiibay, waxayna markii dambe ay u soo baxsatay dhinaca degmada Xamar Weyne, xilli ay Shabaabku geeyeen guri ku yaalla xaafadda Gubta ee degmada Dayniile, Xamar Weyne ayaa aniga iyo iyadaba hada ku wada suganahay, waxayna ay iga sheekeysay wax yaabihii ay Shabaab kala kullantay, xitaa jirkeeda oo dhan waxaa ka muuqdo jirdilkii ay u geysteen.

Ciidamadda Al Shabaab ayaa waxay taggeen gurigeyna, markaasi ayaa waxay u hanjabeen hooyo iyo aabe, iyagoo ku yiri, haddii aad Fa’isa keeni weydaan, ogaada waxaad ku xukuman tihiin dil, maalintii ay hooyo iyo aabe u hanjabeen ayaa waxay u soo carareen degmada Xamar Weyne, hada meesha ayaa wada joognaa, waxaana Shabaab kala kulanay taariikh aan ilaawsho laheyn.

Waxaan kaloo Ummada Soomaaliyeed aan u sheegayaa gabadhii diida nin ka tirsan Al Shabaab inay mudan doonto jirdil, xabsi dheer iyo nolol aan dhamaad laheyn, laakiin inta badan gabdhaha Soomaalida ayaa waxay noqdeen kuwo marka ay Shabaab guur u soo bandhigaan inay iska ogolaadaan, iyagoo ka cabsi qaba in wax-yeelo loo-geysto waalidiintooda iyo walaalahoodaba.

Ugu dambeen hada walaahey Fa’isa waxay kasoo kabsaneysaa dhaawacyo ay u geysteen ciidamadda Al Shabaab, waana Alla mahadiis in iminka ay kasoo roonaaneyso wax yaabihii ay u geysteen” ayay Fardowsa kusoo gaba-gabeysay dhacdadii xanuunka badneed ee Walaashey Faa’isa Nuur Jimcaale ay kala kulantay Xarakada Al Shabaab.

Shabakadda Badweyn.com Runta Kama Xishooto.

Cabdulaahi Cabdi Xaashi
cabdulaahi_heeb@hotmail.com
Muqdisho-somalia

1 Comments

  1. Anonymous6/08/2011

    asc dhamaan walaalaha waxkuqora boggan waad salaamantihiin,gabdhaha walaalaha ah ee kasheekeeyay dhibta ay u geeysteen all shabaab waxaan usheegayaa,walaalayaal nasriga illaahii hakaquusanina sababtoo ah waxwaliba wakhti ayuuleeyahay nimankanna waxaad mooddaa in wakhtigoodii gabaabsiyahay sidaas daraadaad illaah waxaan ugabaryayaa inuu inagaqabto qoladan khawaarijta ah,gabdhaha soomaaliyeed iyo wiilasha soomaaliyeed ee ay dhibta ugeeysteenna illaahii waxaan ugabaryayaa inuu dambidhaaf ugadhigo dhibta ay khawaarijtu ugeeysteen.

    c.r

    ReplyDelete
Post a Comment
Previous Post Next Post