Kulankii qoreyaasha Soomaaliyeed oo ka furmay magaalada Helsinki ee dalka Finland.

Bandhig buugeedkii 7aad ayaa ka furmay magaalada Helsinki ee dalka Finland. Bandhiggan oo ah sanadkii 7aad waxaa dhidibada loo taagay sanadkii 2005tii. Munaasabaddan oo ah mid si weyn loo soo agaasimo sanad walba, isla markaana ay ka soo qeybgalaan  jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Finland.

Haddaba furitaankii xafladda ee sanadkan waxaa xariga ka jartay agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada & dhaqanka ee dalka Finland, marwo Riitta Kaivosoja & maamulka maktabadda sare ee magaalada Helsinki oo ay hormood u ahaayeen;- Riittaa Hamalainen & Tina.

Sidoo kale waxaa ammaan & bogaadin mudan C/raxmaan Max’ud Cali “Jiimi” oo ka socda maktabadda Espoo oo sanad walba qeyb lama ilaawaan ah ka qaata keydinta & dhigaalka afka Soomaaliga & Maamulka shirkadda Scansom ee dalalka Europe macallin Bashiir Ismaaciil Cusmaan.

Sanadkan waxaa qoreyaasha ka qeybgalaya munaasabaddan sanadkan 2011, waxaa ugu helin culus shirkadda buugaagta daabacda ee Scansom publishers ee saldhiggeedu yahay magaalada Stockhlom & Toronto oo halkaas ku soo bandhigtay buugaag aad u tiro badan oo gaareysa 270 buug , buugaagtii halkaas lagu soo bandhigay waxaa ka mid ahaa;- buugaagta carruurta, suugaanta, taariikhda, siyaasadda, ganacsiga, ciyaaraha, diinta, caafimaadka, qaamuusyada, buugga codeysan.

Qoreyaasha sanadkan sida gaarka ah loogu martiqaaday ka qeybgalka munaasabaddan waxaa ka mid ah;-

1.       Max’ed Sh. Xassan Nuur;

2.       C/casiis Cali Ibrahim “Xildhiban”;

3.       Siciid Cali Shire;

4.       Amran Max’ed Axmed;

5.       C/qaadir Cali Boolaay oo halkaas ku soo bandhigay taariikhdii ururkii S.Y.L.

Dhinaca kale waxaa munaasaddan goobjoog ka ahaa qoreyaasha Soomaalida eek u dhaqan dalka Finland ayna ka mid yihiin;-

1.       Axmed Xijji wehliye

2.       Axmed Wehliye Coofle

3.       C/rashiid Cawad Diiriye

4.       Dirir;

5.       C/ladiif;

6.       Macallin Sugulle.

Ugu dambeyntii waxaa kulankan la soo gebagabeyn doonaa maalinta Sabtida ah ee bishuna tahay 21ka bishan May, sanadka 2011.

Xafiiska Wararka Hiiraan Online
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post