Maalintii Shalay aheyd ayaa xafiiska wararka ee shabakadda alcarabiaya ee dalka koofur afrika waxa si isdaba jooga ah usoo gaarayay warar sheegaya in nin lagu magacaabo xuseen C/samad ay gabar xirrir jacayl kala dhexeyay ay si farsaneysan ay ugu dhacday lacag gaaraysa $2000 (labakun oo doolar).
Gabadha iyo wiilka ayaa lasheegay in xiriirkoodu uu soo jiitamayay wax ka yar mudda laba sano ah, mudada intaa le,egna waxa ay kuwada xiriirayeen telefoon oo kaliya, ayaga oo kala jooga Findland iyo Dalkan koofur afrika.
Hadaba Gabadha oo magaceeda lagu sheegay Ifraax Muuse, ayaa wiilka usoo bandhigtay in ay ugu timaado wiilka halka uu jooga oo ah dalka koofur afrika si aqal galkoodu uu u dhaco, balse dad xog ogaal ah ayaa noo sheegaya in wiilka uu ku raacay fikradeeda, wuxuuna diyaarsaday itisilaadkii luugu tala galay Arooska, iyadana waxa uu u diraya Lacag gaaraeyso $2000 (labakum oo doolar) si ay ugu dhigato tikidkii ay ku imaan laheyd dalkan koofur afrika.
Tan ugu daranse waxa ay aheyd markii gabadha ay lacagta gacanta ku dhigtaya ayeey telka ka dansatay wiilkii, ilaa haatana wiilkii waxaa uu la anfariirsan yahay sida wax ugu dhaceen.
Dhacdadan mid lamid ah ayaa sanadii lasoo dhaafay waxa ay ka dhacaday dalka keenya, hadaba gabdhaha ku jara rag badan oo lacag meel ey geeyaan waayay ayaa soo badanaya, ee hadaba shabakadda alcarabiaya ayaa dadow waxa ay idin ledahay lugooyada qofka ku aaminay haka shaqeyn, hana u hanqal taagin lacag aadan usoo dhididin.
]
W.D:- Maxamed Xuseen Yuusuf (xaaji tahriib) &
C/qaadir Axad Dhaqne
Xafiiska Wararka Shabakadda Alcarabiya
Ee dalka koofur afrika