Jaaliyadda Xaafada Towfiiq Ee Ku Sugan Nairobi Oo Kulan Balaaran Yeeshay


Kulankani oo ahaa mid ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyada Soomaalida ee Xaafada Towfiiq ayaa xalay fiidkii waxa uu ka dhacay mid kamid ah Hoteelada waaweyn ee ku yaala magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya.
Goobta ay Munaasabada ka socotay ayaa waxaa soo buux dhaafiyay boqolaal dadweyna ah kuwaasi oo u badnaa Waalidiinta iyo  Dhalinyarada Xaafada Towfiiq oo isugu jiray Rag iyo Dumar iyadoo sidoo kale madasha ay xaflada ka socotay ay goob joog ahaayeen marti sharaf ka kala socotay xaafadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho iyo bahda Saxaafada.
Ugu horeyntii xaflada ayaa ku bilaabatay jawi Farxadeed iyadoona lagu daah furay Aayadaha Qur’aanka Kariim oo uu halkaasi ka soo jeediyay (Macalin C/risaaq Faarax,) waxaana Qur’aanka xigay Darsi Diini ah oo uu aqriyay Sheekh Nuur C/lle Xaashi.
Intaasi kadib ayaa waxaa si toos ah u bilowday qeybihii Qudbooyinka ee Munaasabada, waxaana qudbadii ugu horaysay qaatay (Aabe Xasan Maxamed Jeylaani) oo kamid ah Aabayaasha ugu faca weyn Xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid isagoona sheegay in Xafladii xalay ay aheyd mid taariiqi ah oo uusan iloobi doonin, waxaana uu farta ku fiiqay in dareenkiisa uu ahaa mid aan la soo koobi Karin maadama uu arkay Dhalinyaradii Xaafada Towfiiq oo halmeel isugu wada yimid kana tashanaya aayahooda iyo sidii ay wax ugu qaban lahaayeen dadka Dhibaataysan ee ka soo jeeda Xaafadaasi.
Sidoo kale waxaa iyana dhinaca hooyooyinka halkaasi qubadkad uga soo jeedisay Hooyo (Baatuun Maxamed Cibaar) iyadoo sheegtay in ay soo dhaweynayso dadaalka ay haayaan Dhalinyarada Xaafada Towfiiq ka hooyo ahaana ay la garab istaagantahay wax walba oo lagu hormarinayo Ururkaan.
Qudbadii 2-aad ee Xaflada ayaa waxaa soo jeediyay (C/risaaq Maxamed Mire Boojo )oo ah Afheyeenka Ururka Jaaliyada Xaafada Towfiiq ee magaalada Nairobi isagoo sharaxaad buuxda ka bixiyay waxyaabaha udub dhaxaadka u ahaa xafladii xalay iyo sidoo kale waxa uu qabto Ururkani.
C/risaaq waxa uu sheegay in Ururkani uusan aheyn mid Siyaasadeed iyo mid Qabiil, hase ahaatee uu yahay mid ay isaga war qaataan Waalidiinta iyo Dhalinyarada ka soo jeeda Xaafada Towfiiq ee ku sugan dalka gudihiisa iyo dibadiisa maadama dadku ay ku kala firxadeen Dunida Dacaladeeda.
Sidoo kale intii ay Xaflada socotay ayaa waxaa qadka Taleefoonka uga qeyb qaatay qaar kamid ah Dhalinyarada Xaafada Towfiiq ee haatan ku sugan magaalada Muqdisho oo uu kamid ahaaa (Ismaaciil Maxamed Kuullow) oo sheegay in wax lagu farxo ay tahay Waalidiinta iyo Dhalinyarada Xaafada Towfiiq ee haatan ku sugan Nairobi in ay qabtaan kulan la isaga war qabayo Dhamaan dadka ka soo jeeda Xaafada Towqiif, waxaana uu xusay in Waalidiinta iyo Dhalinyarada faro ku tiriska ah ee ku sugan xaafada Towfiiq ay bad qabaan dadaalka Jaaliyadana ay dhinacooda ka wadaan isagoona hoosta ka xariiqay in ninkii tiisa Daryeela uu tu kale daryeeli karo.
Dhinaca kale waxaa iyana Xaflada Qadka Taleefoonka uga qeyb qaatay Qaar kamid ah Dhalinyarada Xaafada Towfiiq ee haatan ku sugan dalka dibadiisa kuwaasi oo uu kamid ahaa Maxamed Axmed Sheekh oo jooga Wadanka Switzerland iyo Maxamed Xuseen Yuusuf ( Xaaji Tahriib) oo ku sugan dalka Koofur Afrika iyadoo dhinaca Dumarkana ay kaga soo qeyb galeen Xamdi Maxamed Faarax (Xamadi Qaboobe) oo ku sugan Wadanka Holand iyo  Faxdi Maxamed Cumar oo joogta dalka Norway, waxaana ay dhamaantood cabireen dareenkooda ku aadan isku xirnaanshiyaha dhamaan Bulsha weynta Towfiiq meel walba oo ay Dunida ka joogaan.
Sidoo kale waxaa xaflada qudbado ka jeediyay qaar kamid ah Marti sharaftii ka soo qeybgashay oo ka kala socday xaafadaha deriska la ah xaafada Towfiiq sida Xaafada Xamar Jadiid oo uu magaceeda ku hadlaayay Ciid Maxamed Cilmi (Ciid yare) isagoo u hambalyeey isku xirnaanshiyaha ay sameeyeen Bahda reer Towfiiq waxaana uu xusay in Towfiiq ay tahay xaafad ku dayasho mudan.
Waxaa iyana sidoo kale halkaasi qud bad ka soo jeediyay C/naasir Sheekh Muuse Cigale oo ku magac Dheer Ducaale kaasi oo ka socday Xaafada SOS oo deris la ah xaafada Towfiiq kaasi oo sheegay in dareenkiisu uu yahay mid aan la soo koobi Karin mar hadii uu arkay xaafad sidaan isku abaabushay.
 
Ugu dambeyntii waxaa halkaasi qudbad Qiimo badan ka soo jeediyay Gudoomiyaha Ururka Jaaliyada Xaafada Towfiiq ee magaalada Nairobi Macalin Axmed Macalin Madoobe kaasi oo u mahad celiyay dhamaan dadkii ka soo qeybgalay Xaflada, waxaana uu sheegay in arintani ay tahay mid ay iska kaashadeen dhamaan waxgaradka Xaafada Towfiiq isagoo xusay in Ururka uusan aheyn mid Siyaasadeed balse uu yahay mid nabadeed oo uu tilmaamay in ay isku caawinayaan dadka ka soo jeeda Xaafada Towfiiq maadama lagu suganyahay wadan Qurbo ah.
Ma ahan markii ugu horaysay oo kulan ceenkan oo kale ay yeeshaan Ururka Jaaliyada Xaafada Towfiiq ee ku sugan magaalada Nairobi, hase ahaatee kulankii xalay ayaa noqonaya midkii 4-aad oo ay yeeshaan Jaaliyada Towfiiq iyadoo Jaaliyadaana ay noqonayso tii ugu horaysay ee u dhisan in ay is wacyi galiyaan waxna isku qabtaan iyagoo aanan ku tiirsaneyn wax hay’ad ah ama Urur Siyaasadeed islamarkaana aanan wadanin Calan u gaar ah balse ay wataan Calankii Soomaaliya oo kaliya.



W/D:- Maxamuud Cali Yare (Bunayste)

 Maxamuud1433@hotmail.com

Nairobi-Kenya

Tel:-254718999616

Alcarabiya
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post