Guddoomiyaha baarlamaanka Sooamaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa si kulul uga jawaabay xayiraaddii ay wasaaradda arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka ay safarka kaga joojisay shalay xidlhibaanno ay ku jireen guddiga doorashooyinka.
Shariif Xasan ayaa sheegay in falkaas uu ahaa mid aad looga xumaado isagoo intaa ku daray in xildhibaanada la xayiray ay ku jireen kuwo u socday safar caafimaad ayna aad u liidatay xaaladooda.
"Waxaan aad iyo aad uga xunnahay dhacdadii shalay safarka looga joojiyay xubno ka tirsan baarlamaanka oo isugu jiray kuwo shaqo u socday iyo kuwo caafimaad u socday oo ay weliba ku jireen kuwo xaaladdooda caafimaad ay aad u darnayd," ayuu Shariif Xasan ku daab-furay shirkiisa jaraa'id.
Afhayeenka baarlamaanka ayaa ku baaqay in sharciga la dhowro, isagoo xusay in sharcigu uu yahay midka dowladda lagu hayay, sidaa daraadeedna ay tahay wax laga xumaado in xildhibaanka ama qofka kale ee Soomaaliga sharaftiisa meel looga dhaco.
"Waxaan soo jeedinayaa in hay'ad walba oo dastuuri ah lagu dhowro sharcigeeda lana ilaaliyo xuquuqdeeda... lana wada-shaqeeyo, waayo fowdo iyo dhibaato waa laga soo dhargay dadka Soomaaliyeedna uma baahna," ayuu yiri Shariif Xasan.
Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka wuxuu ku taliyay in dowladnimada ay noqoto mid raacsan axdiga KMG ah, isagoo xusay in haddii sharciga la raaco aysan jiri doonin cid dhibaato la kulanta.
"Xidhibaannadii shalay safarka laga joojiyay runtii waa lagu xadgudbay, waana arrin xanuun badan in xildhibaanada garoonka dhexdiisa lagu jiid-jiido, taasina waa mid dhacday khaladna laguma saxo khalad ee waa inaysan mar dambe dhicin," ayuu ku daray hadalkiisa.
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa qeexay in haddii arrintan ay sii socoto ay imaan karaan dhibaatooyin badan, isagoo xusay in sharciga la dhowro, dhibaatooyinka dalka ka taaganna ay ka dhasheen sharciyada oo lagu xadgudbay.
"Haddii sharciga la dhowro dhibaato waa laga baxayaa, haddii wixii la dhigtay la dhowrana meel fiican oo wanaagsan ayaa la gaarayaa, balse haddii maalin walba fikir qofeed ama mid shaqsiyadee loo badalo sharciga dhibaato ayaa dhalanaysa, waayo qofka maalin walba waxbaa la saxsanaan kara. Waxaan ku talinayaa in mid walba hay'adaha dastuuriga ah loo dhaafo howlaheeda, waayo dunida oo dhan waxay ku dhisan tahay ilaalinta sharciga," ayuu Shariif Xasan yiri.
Mar la weydiiyay su'aal ahayd sharci ahaanshaha guddiga doorashada ayuu wuxuu ku jawaabay: "Qodobka 18-aad ee xeer hoosaadka ayaa qeexaya in guddoomiyaha baarlamaanka uu magacaabi karo guddi doorasho oo aan joogto ahayn, waxaana ku dhaqmaynaa axdiga KMG ah, xeer hoosaadkana wuxuu ka yimid dastuurka."
Xildhibaanno maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha baarlamaanka inuu baajiyay kulammo badan oo uu baarlamaanku yeelan lahaa, iyagoo ku andacoonaya inuusan xildhibaannada horkeenin ajadayaal ay xukuumaddu u soo gudbisay.
Shariif Xasan oo arrintan wax laga weydiiyay ayaa sheegay inaysan xukuumaddu wax ajandayaal ah u soo gudbin, sidaa daraadeedna baarlamaanka ay kulammadiisa ku xiran yihiin in ajandayaal laga doodo ay yaallaan, isagoo xusay in guddiyadii ay dhiseen ay ka sugayaan ajandayaal, markaas kaddibna uu baarlamaanku fariisan doono.
Ugu dambeyn, xidhibaan C/raxmaan Kulmiya Xirsi (C/raxmaan dheere) oo isaguna u akhriyay saxaafadda qodobbo kasoo baxay guddoonka baarlamaanka ayaa ugu baaqay hay'adaha ammaanka dowladda inay dhowraan sharciga ogaadaanna in sharciga uu cid walba ka sarreeya ayna u fududeeyaan xildhibaannada shaqada ay u socdaan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online