Talaado, May 10, 2011 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo kulan kula yeeshay shalay gallinkii dambe xarunta madaxtooyad (Villa Somalia) guddiga dib u heshiisiinta, ayaa ku boorriyay guddigaas inay ka shaqeeyaan sidii dalka uu uga bixin lahaa marxaladda kala guurka ah, looguna gudbi lahaa dowlad dhameystiran.
Madaxweynuhu wuxuu hadal uu guddigan u jeediyay ku sheegay in xal loo raadiyo khilaafka siyaasadeed ee dalka jira, isagoo sheegay inaan doorasho la qaban karin iyadoo khilaafka hadda jira uu taagan yahay.
Guddiga ayaa warbixin ay hordhigeen madaxweynaha kaga hadlay dib u heshiisiinta iyo xaaladaha dalka uu marayo, iyadoo Madaxweynuhu uu dhankiida guddiga uga warbixiyay xaaladda dalka uu marayo iyo dagaallada ay dowladdu kula jirta Xarrakatul Shabaab.
"Iyadoo ay jiraan khilaafyada siyaasadeed dalka laguma qaban doorasho, marka waxaa la idin kaga baahan yahay inaad xoogga saartaan sidii xal loogu heli lahaa khilaafka siyaasadeed ee hay'adaha dowladda u dhexeeya," ayuu Shariif u sheegay guddigii uu la kulmay.
Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in khilaafyada jira haddii aan xal loo helin ay saameyn ku yeelan karaan dowladda marka la gaaro bisha Ogoosto ee sannadkan, markaasoo xilliga dowladda uu ku egyahay.
Madaxweynuhu wuxuu guddiyada uu ka mid yahay midka doorashada ku tilmaamay kuwo musiibo ku ah dalka, isagoo sheegay in guddiyadaas aysan ahayn kuwo la isku waafaqsan yahay, howlaha ay hayaanna ay xaaladda sii murjinayaan.
Ugu dambeyn, Shariif Sheekh wuxuu ugu baaqay xubnaha guddiga inay kaalin mug leh ka qaataan sidii lagu samatabixin lahaa dalka iyo dadka Soomaaliya, kuwaasoo ay la dageen, abaaro, khilaaf siyaasadeed iyo dagaallo joogto ah.
Hiiraan.com