AMISOM ayaa sheegtay Isniintii toddobaadkan in  shaqaalaheeda rayidka ah ay u rartay Soomaaliya si ay uga howlgalaan,  iyadoo ay shaqaalahan horay uga howlgeli jireen magaalada Nairobi ee  dalka Kenya, balse ay hadda kaddib ka howlgeli doonaan Muqdisho. 
Wakiilka ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya danjire Babakar Diarra  ayaa sheegay in guulaha ay ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG ah ka gareen  dagaallada ka socda Muqdisho ay suurogal ka dhigtay in shaqaalahan loo  wareejiyo Soomaaliya.
Shaqaalahan ayaa waxaa hoggaaminayay kaaliyaha ergayga gaarka ah ee  Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya Wafula Wamunyiny, kuwaasoo afartii  sano ee lasoo dhaafay mararka qaarkood u tagayay Muqdisho shaqo,  waxayna shaqaalahan kasoo kala jeedaan dalalka Kenya, Uganda iyo Gaana.
"Qaybta booliiska AMISOM iyo shaqaalahan waxay gacan ka geysan  doonaan howlgalka ay ku jiraan ciidamada ka socda Burundi iyo Uganda, si  loo gaaro hadafkii loo sameeyay AMISOM," ayuu yiri dajire Diarra.
Ergaygu, wuxuu sidoo kale sheegay in shaqaalahan rayidka ah ay si  dhow ula shaqeyn doonaan hay'adaha DKMG ah ee Soomaaliya. Waxayna sidoo  kale caawin doonaan sida uu sheegay shacabka Soomaaliyeed.
Bilihii lasoo dhaafay ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG ah ayaa guulo ka  sheegtay dagaallo ay Muqdihso kula galeen xoogagga Xarrakatul Shabaab  oo labadii sano ee ugu dambeysay ka talinayay inta badan magaalada  Muqdisho.
Afhayeenka AMISOM Maj. Paddy Akunda oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay  inay guulo ka gaareen ciidamadooda iyo kuwa dowladda Soomaaliya dagaallo  ka socday Muqdisho todobaadyadii ugu dambeeyay, ayna ku dhow yihiin  suuqa Bakaaraha. 
Dhanka kale, afhayeenku wuxuu sheegay in loo baahan yahay mowqif mideysan oo dhinaca dowladda KMG ah laga helo, isagoo carrabka ku dhuftay in khilaafka u dhexeeya hay'adaha dowladda uu saameyn ku yeelan karo howlgallada milateri ee socda.
Dhanka kale, afhayeenku wuxuu sheegay in loo baahan yahay mowqif mideysan oo dhinaca dowladda KMG ah laga helo, isagoo carrabka ku dhuftay in khilaafka u dhexeeya hay'adaha dowladda uu saameyn ku yeelan karo howlgallada milateri ee socda.
AMISOM ayaa waxay howlaheeda ka billowday Muqdisho bishii saddexaad  ee 2007, waxaana kaga sugan Soomaaliya 9,000 askari oo ka socda dalalka  Uganda iyo Burundi oo noqday dalalka keliya ee ka jawaabay codsigii  Midowga Afrika ee ahaa in ciidamo loo diro Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
