Wafdi ka socda dalka Norway oo kulan dhexdhexaadin ah kula yeeshay Muqdisho Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan

Wafdi ka socda dalka Norway oo uu hoggaaminayay sakaal ka tisran wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas ayaa shalay soo gaaray Muqdisho, kuwaasoo kulammo la qaatay madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iy guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Xubnahan wafdigan ayaa socdaalkoodu wuxuu ahaa mid ku saleysan sidii ay isugu keeni laahayeen madaxda Soomaalida ee khilaafku u dhexeeyo, gaar ahaan Sheekh Shjariif iyo Shariif Xasan.
Inkastoo wafdiga ay gallinkii dambe ee shalay uu ka dhoofeen Muqdisho haddana ma jirto war rasmi ah oo ku saabsan natiijada kasoo baxday kulammadii ay labada mas'uul ee dalka ugu sarreeya la yeesheen, kuwaasoo khliaafkoodu soo bilowday bishii Feberaayo ee sannadkan markaasoo baarlamaanka KMG ee Soomaaliya uu muddo kororsi iskiis ah sameystay.
Wafdigan ayaan la hadlin saxaafadda, sidoo kale madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka ayaan iyaguna la hadlin saxaafadda, lamana oga natiijada kasoo baxay kulanka ay la yeesheen wafdiga Norway ka socday oo ahaa mid xasaasi ah.
Ilo wareedyo ka tirsan madaxtooyada oo ay HOL la xiriirtay ayaa ka gaabsaday inay faahfaahin ka bixiyaan natiijadii kasoo baxay wadahadalkaas, iyagoo sheegay in weli ay taagan tahay xiisadda, balse ay sidii hore ka wanaagsan tahay.
Kulankan ayaa imaanaya iyadoo maalin ka hor ay madaxweyne Sheekh Shariif iyo afhayeenka baarlamaanka Shariif Xasan si iskood ah ay kulan ugu yeeshay xarunta madaxtooyada Soomaaliya inkastoo aan saxaafadda loosoo bandhigin wixii kasoo baxay.
Madaxda hay'adaha DKMG ah ayaa khilaafkoodu wuxuu ka dhashay muddo kororsi uu baarlamaanku si iskiis ah u sameystay bishii labaad ee sannadkan, iyadoo xaaladda ay kasii dartay markii baarlamaanku uu ku dhawaaqay in doorasho lagu qaban doono Muqdisho inta aan la gaarin Ogoosto oo uu ku eg-yahay xilliga DKMG ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post