Qaar ka mid ah odayaasha jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Nairobi ayaa si kulul u cambaareeyay wax ay ku tilmaameen xarig aan sabab lahayn oo la gaystay wasiirkii hore ee gaashaandhiga ee Soomaaliya Xildhibaan Barre Aadan Shire ( Barre Hiiraale).
Xildhibaanka oo muddooyinkii u dambeeyay u xirnaa dawladda Itoobiya ayaan ilaa iyo hadda la garanayn sababta loo xiray isagoo waday ole-ole uu ku xoraynayay qaar kamid ah gobollada Koonfureed ee ay gacanta ku hayso Xarakada Alshabaab.
Nabad-doon Yuusuf Maxamed Wacays oo ka mid ahaa odayaashii shirka qabtay ayaa halkaas ka akhriyay war saxaafadeed ay ku saxiixnaayeen odayaasha iyo cuqaasha beesha Sade Daarood.
Nabadoonka ayaa tilmaamay inay aad uga xunyihiin dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed xariga loo gaystay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo xasaanad leh , haddana ay xadgudub tahay in dalkiisa laga xiro isagoo tilmaamay in laga qabtay gudaha degmada Doolow ee gobolka Gedo.
Nabad-doon Cabdi Axmed ayaa isna ku tilmaamay xariga muwaadin Soomaali ah oo gudaha dalkiisa laga dhex kaxaystay inay xad-gudub ku tahay qawaaniinta caalamka iyo madaxbanaanida waddanka Soomaaliya.
Shiekh Xussein Kaarshe oo ka mid ahaa culumaa’udiinkii halkaas ka hadlay ayaa ku canaantay DKMG ah ee dalka Soomaaliya inay ka hadli waydo xariga xildhibaan ka tirsan dawladda.
Waxaana dhammaan masuuliyiintii halkaas ka hadlay ay dalbadeen in la soo daayo Xildhibaan Barre Aadan Shire ( Barre Hiiraale) oo ku xiran gudaha dalka Itoobiya.
Dawladda Itoobiya ilaa iyo hadda wax wara kama soo saarin xariga xildhibaan Barre Hiiraale.
Maahan markii ugu horreysay oo dawladda Itoobiya ay xirto masuuliyiin ka tirsan dawladda Soomaaliya, balse xildhibaano baarlamaamka ka tirsan ayaa sannadkii hore ay Itoobiya u taxaabtay xabsi ku yaalla magaalada Jig-jiga ee dalka Itoobiya.
Axmed Cabdisamad Cilmi, Hiiraan Online