Noloshaada iyo fikirkaaga waa is saamaynayaan.!!!

Waxa uu yiri "James Allen", oo kamid ah culimada ugu caansan xaga cilmu nafsiga cilmiga bulshada iyo culuunta insaanka, wax walba oo uu gaaro insaanka waa wax si toos ah uga dhashay fikirkiisa u goonida ah. "wuxuu yiri, maanta waxaa tahay halka uu fikirkaagu joogo berina waxaad nooqon dontaa halka uu fikirkaagu maanta joogo!.
Waxa uu yiri, Melton, oo ah gabyaa ingirisa oo caan ah, insaanka halka uu caqliga ka joogo, wuxuu awoodaa in uu kadhigo noloshiisa jano oo kale ama cadaab!.
taas uu ula jeedo, nolosha insaanka waa fikir. fikirkaga ayaa kadhigi kara noloshaada sacaada iyo baraare ama cadaab iyo ciriiri!.
Aadanah waxa uu dunida ku helo waxaa ugu qaalisan waa sacaadada, in kasta oo ay leedahay qeexitaana farabadn, laakiin "sacaadadu waa qalbiga oo kuu dagan aniga iyo adiga ma awoodno hantida caaalamka taala oo dhan in aynu kusoo gadano sacaadada," maxaa yeelay boqortooyada sacaadada waxa ay ku dhex jirtaa fakarkeena iyo dareenkeena.
maalinkasta insaanka waxaa soo marto 160 kun oo fikir, 80% waa kuwa uu si xun u fakaro.


. Aad ayay u fara badan yihiin, qeexitaanada laga baxsho:" fikirka:, hase yeeshee hadii aynu soo qaadanao, sida culimada qaar ku qeexaan, ( fikirku waa firfirconi caqliyeed isdaba joogta, oo ay samaynayayso maskaxda, fikirkuna waa inta badan waxa ay ku sheekaysato ruuxda iyo naftaada.


Insaanka dabci ahaan wuu fakaraa laakiin waxaa laga yaabaa dadka qaar taas in aysan aaminsanayn,oo ay dood ka keeni karaa.
laakiin su'aasha iswaydiinta mudan waxa ay tahay aniga iyo adiga sideen u fakarnaa!? maxaynu ku fakarnaa!?
hadii aan si kale u dhigo su'aasha sidee naftaada u sheekaysataa maxay ku sheekaysataa! ?

Maxaad ku fakartaa marka aad shaqaynayso!?
maxaad ku fakartaa marka aad waxbaranayso!?
maxaad ku fakartaa marka aad baska raacayso!?
maxaad ku fakartaaa marka aad jidka marayso!?
maxaad ku fakartaa marka aad cunada cunayso!?
maxaad ku fakartaa marka aad jiifan rabto!?

Waxa ay aamin sanyihin culimda daraasaysa cilmu nafsiga iyo kuwa ku takhasusay kobcinta iyo barbaarinta garaadka aadamaha, in habka aad u fakaraysid uu saamayn xoogan ku leeyahay jaangoynta mustaqbalkaaga!.
"aynu wada dhuuxno aniga iyo adiga tusaalana u qaadano micnaha sheekadaan". Nin u shaqayn jiray shirkad ka ganacsata cunooyinka, ayaa maalin malmah kamid ah, waxa uu galay talaajad cunooyinka lagu kaydin jiray, talaajada waynankeeda waxa ay ahayd sida qol oo kale, ninka shaqaalaha ahaa, wuxuu u galay si u u raseeyo sanaadiiqda gudeheeda ku jirta, laakiin si kadis, ah oo qalad ah, ayaa albaabkii u xirmay, albaabkii ayuu dhowr mar garaacay, laakiin cidina kama furin. amakaaag!!! iyo naxdin, maxaa yeelay waa gabagabadii iyo gunanadkii shaqada asbuuca, waxa kaaga sii daran labada maalin ee soo socota waa fasax (holyday) murug iyo naxdin kale!!!, miskiiiin!!!, cid maqlaysa ma jirto garaaciisa albaabka,
"ninkiii wuxuu yaqiinsaday iskana dhaadhiciyay in uu inta ku dhimandoono". wuu iska fariistay isaga oo sugaya waxa ay ku danbayn doonto aayihiisa, laba malin kadib ayaa shaqaalihii albaabkii fureen, waxa ay heleen ninkii oo mayd ah!!!, waxa ay dhiniciisa ka heleen warqad uu ku qoray waxa uu dareemayay inta uusan dhiman ka hor,
waxa uu ku qoray,
Aniga hada waxaan ku xiranahay talaajada. gacmahayga tartiib tartib ayay u angagi rabaan. lugahayga waa ay jaraynayaan ma awoodi kari in aan dhaqdhaqaaqo. waxaan dareemayaa in aan u dhiman rabo qabow dartii.
tartiib tariib ayaa qoraalkiisii usoo yaraaday ilaa qoraalkii uu daciifay, ilaa uu ka go'ay.
cajiib!!!,
WQ: Farhan Hussein Elmi {Sultan}
Khadija home 
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post