Gabar Soomaali ah oo degan gobolka Ohio, ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in qof uu kusoo weeraray oo uu ku buufiyay sun, meel dibedda ka ah masjid ku yaalla gobolkaasi, una sheegay inay isaga tagto waddanka, taasi oo dhalisay baaritaan booliiska ay billaabeen.
Saciida Saciid oo 20 jir ah ayaa sheegtay in ayada oo gaarigeeda wadata ay aragtay nin garai kale wata oo usoo racaaya meesha gawaarida la dhigto masjidka oo ku yaalla dhinaca galbeed ee magaalada Columbus.
Gabadha ayaa u sheegtay weriyayaal in ninka uu ku xad gudbay, u dhaartay, una sheegay inay dalka ka tagto ama uu dili doono, kadibna uu kusoo weeraray sunta dadka indhaha looga buufiyo.
Saraakiisha masjidka ayaa wacay booliiska, una gudbiyay warbixinta dacwad oogayaasha.
FBI-da ayaa sheegtay inay baaritaan deg deg ah ku sameyn doonto arrintan.
Kaamiro ku xiran dibedda masjidka ayaa duubtay dhacdadan.